Murashaxiinta Imaam Axmed Xuseen, Macalin Khadar, Xasan Dhagjar iyo Caydaruus oo wacdaro ka muujiyay dhool atuskii khatinkii ololaha tartanka Doorashooyinka


 


Gabiley (TNN)-afarata Murashax ee katirsan Murashaxiinta Urur Siyaasadeedka Wadani uga Sh araxan Gobolka Gabiley ayaa, maanta ka muujiyay Dhoolatuskii maanta ee khatinka ee Ololaha tartanka Doorashada ee maanta oo ah Sabti ah lagu qabtey Fagaaraha Kheyriyada Maagaala da Gabiley waxa Wacdaro ka muujiyay afarta Murashax ee kala ah Axmed Xuseen C/laahi (Ima amka), Macalin Khadar Maxamed Warsame, Xasan Axmed Muxumed(Xasan-Dhagjar), iyo Macali n Caydaruus Xaamud Axmed ayaa, maanta iyaga iyo Taageerayaashoodu kusoo ban dhig een islamarkaana wacdaro ka muujiyeen dhoolatuskii Ololaha tartanka Doorashooyinka D/hoos e ee Maanta oo Sabti ah ay khatimayeen Muarsahaxiinta Urur Siyaasadeedka Wadani ee Gobo lka Gabiley , oo maanta kusoo bandhigay dhamaantood dhoolatus aad u qiima badan oo aan la yareysan karin Fagaaraha Kheyriyada Magaalada Gabiley oo ay isugu soo baxeen kumanaan ka mid ah Taageerayaasha Murashaxiinta Urur Siyaasadeedka Wadani oo buux dhaafiyay Fagaa raha Kheyriyada Gabiley.

Murashax Imaam Axmed Xuseen C/laahi ayaa, dhoolatuskii maanta kusoo bandhigay jamaahiir tira badan oo uu intii hore oo dhan dib u dhigayay isagoo Sheekhu ku duceeyay in ay Murashax iinta Wadani dhamaantood Guul ka gaadhaan tartanka Doorashada D/hoose islamarkaana, ay ka dhabeeyaan cududa dhoolatuskooda oo ay kusoo bandhigeen cudud miisaan badan leh oo hafisey dhoolatusyadii hore.

Sidoo kalena, Murashax Macalin Khadar ayaa isaguna Wacadaro layaab leh soo bandhigey suba xii hore ka hor intii aanay Taageerayaashu isugu imanin Fagaaraha Kheyriyada isagoo kormeer kusoo marey Lbada Sariimadood ee Waaweyn ee Magaalada Gabiley halkaas oo ay siweyn ugu soo dhaweeyeen Dadweynaha ganacstada iyo wadahatada hilibka iyo khudaarta ee ku ganacs ada Sariimadahaas taas oo ay ka mabsuudeen Guud ahaanba intii ku sugneyd oo u badneyd haween iyagoo ku fooladeeyay khudaarta ay ku iibiyaan Suuqaasi, waxaanu Macalin Khadar halkaa ka jeediyay khudbad kooban oo uu ugu sheegay in ay wax ka qaban doonaan dhibaatoo yinka haysta haweenka Sariimadaha Gabiley islamarkaana, insha allah marka ay guuleystaan uu u sameyn doono Musqulo nadaafadana ka hagaajin doono waxaanu ka codasadey in ay codk ooda siiyaan si ay wax uga qabtaan Arimaha Bulshada.


Waxa kale oo Isaguna maanta dhoolatuskii ugu quruxda badnaa kusoo bandhigey Fagaaraha Kheyriyada Magaalada Gabiley Murashax Xasan Axmed Maxamuud9Xasan-Dhagjar), oo kusoo bandhigey hidaha iyo dhaqanka ay asal ahaan Soomaalidu milgaha ku laheyd waxaana ay taage erayaashiisu soo rareen Geediga Awrta ee aqal Soomaaliga lagu qaadi jirey kaas oo aan ka qal oonin Fsgaaraha Kheyriyada si wanaagsana usoo joogsadey iyadoo ay hogaaminayaan dhaliny ar ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo sita dabaqyo ayt kujiaraan hadhuudh iyo galey, w axaanau nidamaaka Galbiska Murashaxani aad usoo jiitey Guud ahaanba Taageerayaashii iyo dadweynihii isugu soo baxey Fagaaraha Kheyriyada Gabiley.


Sidoo kalena waxa isaguna halkaasi Fagaaraha Kheyriyada Gabiley Kusoo bandhigey Macalin Cayadruus Xaamud Axmed oo ay Taageerayaashiisu udubka iyo Dhigaanka usoo qaateen Mada shii Fagaaraha KheyriyadaMagaalada Gabiley oo Muunad gaar ah oo Qurux badan u sameysay Dhoolatuskii Wadani ee Isu Soo baxa Taageerayaasha kumanaaka Qof waxaana Taageerayaas ha Macalinku kamid ahaayeen kuwa Bilicda u sameeyay dharka hidha iyo dhaqanka Dhoolatus ka, dhinaca kale Murashax Basma Cumar Sheekh oo aan dabyar Shideyn islamarkaana ah hawe eneyda kalida ku ah Murashaxuiinta Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa Dhoolatus fajaca ah ku soo bandhigtey iyada Taageerayaasheeduba khatinka Ololaha Wadani iyadoo aanu war gaar ah idiinku soo gudbin doono iyada iyo Murashaxiinta kaleba.

 


Timacade News Desk
Gabiey,Somaliland