Af aanad lahayn ilayn lama qabto
 

 

 

Somalidu dhaqan ayey lahaan jirtay soo jireen ah kaas oo ku salaysan xaqdhawr, xishood, cee b ka fogaasho, hubsasho iyo habdhaqan wanaagsan oo ninka laga waayo aan waxba la waydii n  ji rin. Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa is bedelay?, kasii darane markii intaasiba lumeen waxa dhaqan inoo noqotay in aan waxba loo arag oo ay caadi tahay in qof intaasba ka xuub sii btay  la yidhaa waa hebel oo laguna raaco maalinba indhala’aanta uu ku talaabsado.


Waxan uuga socdaa dad siyaasiin sheekta ama xisbi ku jira ayaa waxad arkaysaa nin xag jir ah aa oo aflagaado iyo cay Tv-yada iyo warbaahinta la fadhiyi jiray oo hadana markiiba intuu dhin aca kale ku biiro hadana tii uu wadijiray ka bilaaba dhinaca kale, hadana shacabku ay  taageer san  yi hiin, balse laga yaababa inuu taageero tii ka badan helo.


Dhibtu waa xagee? Maxaa is bedely, dadka maxaa ka qaaday dareenkii ay wax ku fahmi jireen, w axyaabaha kale ee laga xishoodo wax ka mid ah taageeradu ma dur iyo daabac-baa miyaan  qof ku mawqif lahayn uu wax ku taageero, mise waxan socda ee guur guurista ahi waa ganacs i, wax ad arkaysaa dad mudooyinkii uugu danbeeyey habeenba dhinac ku biira oo warbaahinta laga  soo daayo.


Hadaba waxa muuqata fahan daro baahday oo bulshada dhexdeeda ah taas oo aan isleeyahay  waxay ka timid dadka badankiisu may arag olole siyaasadeed oo sax ah, tusaale ahaan waxad arkaysaa siyaasi raba inuu cod helo oo uu dad soo jiito oo khudbada uu akhriyayo aad moodo inuu Shinbiro u heesayo, waxan ka wadaa hal qodob oo laga qaato ma leh, waxa kale oo dadka ka maqan maxaad ku taageeraysaa, maxaadse ku taageeri wayday. Waxaynu u baahanahay i n  aynu ka yara fikiro oo qof kastaa uu is waydiiyo maxaa Dadka iyo Dalku u baahan yahay, ka dib uu ku go’aan qaato natiijada fikirkiisa ka soo baxda.

 

 

 

 

 

Ahmed Mohamed Hussein (Dool)
ahmeddool@gmail.com
Hargeisa