Adduunka ama Kownka
Qaybtii 18 aad

 

 

Nolosha iyo Biyaha

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Alle subxaana watacaalaa wuxu shey kasta ka yeelay mid biyaha ku nool,oo ay noloshiisu ku salaysan tahay:


وجعلنا من الماء كل شيئ حيا افلا يؤمنون...( الانبياء)


Aayadda:waxannu ka yeelnay biyaha nolosha shey kasta,miyaanay Alle rumaynayn.

Biyuhu waa halbawlaha nolosha taas ooy biyuhu u yihiin halbeegga lagama maarmaanta ee noloshooda,dhamaan noolaha iyo ma  noolu hu waxay u baahan yihiin Biyo,waayida iyo la'aanta biyuhu waxay markiiba ka muuqataa dhamaan kownkan aynu ku noolnahay  dush iisa marka biyaha la helona waxaad dareemaysaa oo kuu muuqanay samaanta iyo debeca markiiba ka muuqanay deegaanka aad markaa joogto oo walax kastoo deegaankaa ku dhaqani ama ha noolaato ama yaanay noolaane ay ugu samaanayso oo ugu raaxaysanayso.


Soomaalidu cilmi dhaqaneedkeeda waxay dhulka u qaybiyaan laba qaybood oo kala ah Dedib iyo Mamac,Dedibku waa marka dhagaxa iyo ciidda meeshaasi tahay nooca jilicsan ee hore u milma ee la  yidh aahdo lime stone,ee ka kooban;calcium carbonate (caco),Mamacuna waa marka dhulkaasi ama deegaankaasi leeyahay dhagax adag oon milmin,markaa Soomaalidu iyadoo ku salaynaysa qaybaha dhulka ayay biyaha u qaybiyaan qaybo kala gedisan waxa ka mid  ah:Xar eed,Xaraq,Wiyeer iyo Badawloho.

Xareed:Xareeddu waa biyaha saafiga ah ee cira ka soo da'ay oo isku dhiskoodii aanu wax falgal ahi ku dhicin ee weli ah 6 H2O lix  malak uyuul oo haydarajiin ogsaydh ah ay yihiin isku dhiskoodu.

Xaraq:Xaraqdu waa biyaha markay cirka ka soo dhacaan ku dhaca  d hul dedib ah islma markiiba ku milmaya oo bedelaya iskudhiskii  saaf iga ahaa ee biyaha,badiyaana waxay biyahaasi yeeshaan dhadhan ah dhanaan.

Wiyeer:Waa biyaha ceelasha waana biyaha ka yimaada dhulka  hoos tiisa (miyaa jawfiya,under ground water),waxana ku jira waxyar oo adayg ah iyo dhadhan yar adag ama aan macaan lahayn.

Badawloho:waa biyaha durduradda(water fall) ee macaan oo iyagoo biyo dhuleed ah laakiin aan isbedel badan oo falgelideed ku dhicin.
Biyaha aynu soo qaybinay waa inta aanay ku jirin Biyaha Badaha iyo Webiyadu,marka aad u fiirsato faraqa u dhexeeya deegaan roob  hel ay iyo deegaan aanu helin waxad dareemaysaa nolol iyo nolol la'aan xataa dhagaxa marka roobku ku da'o wuu qurux bataa oo  dhala alaa,Aayadaha illaahay ayaa ina baraya in biyuhu wax kasta nolol u yihiin:

وجعلنا من الماء كل شيئ حيا افلا يؤمنون ( الانبياء)


Aayadda:waxannu ka yeelnay biyaha nolosha shey kasta,miyaanay Alle rumaynayn.

We made from water every living thing will they not then believe.Il laahay wuxu kaloo Quraankiisa ku caddaynayaa in sanku neefle  kas ta oo illaahay ka abuuray biyo oo ay u qaybsamaan qaar beerka ku socda iyo qaar laba lugood ku socda iyo kuwa afar ku socda illaahay wixii uu doono wuu abuuraa,illaahay wax kasta wuu awoodaa.


والله خلق كل دابة من ماء فمنهم من يمشي على بطنه ومنهم من يمشي على رجلين ومنهم من يمشي على اربع يخلق ما يشاء وهو على كل شيئ قدير ( النور)

Aayadda:Alle wuxu sanku neefle oo dhan ka abuuray biyo,oo qaar  w axay ku socdaan beerka,qaarna waxay ku socdaan laba  lugood, qaa rkoodna afar lugood ayay ku socdaan,Alle wixii uu doono ayuu  abuu raa,oo awood ayuu wax kasta u leeyahay.


And God has created every animal from water of them there are  so me that creep on their bellies;some that walk on two legs;and some that walk on four,God creates what He wills;for verily God has power over all things.


Biyahu waa nolosha uu illaahay uumiyihiisa ugu deeqay ee marka  ro obku da'o kownkoo dhami ku doogsado oo ku samaado bal u fiirso dhul roobku ka yare raagey markuu helo,waxad moodaa in dhirtu  ji micsanayso oo iskala bixinayso oo nolol cusubi timi meesha,geedihii oo qalalay baa dib u cagaaraya oo akhdar ku noqonaya waa noolayn markii ay geedahaasi dhinteen taas baa lagu metelaa sida dhulkaa dhintay uu illaahay biyaha ugu nooleeyey ayaa dadkii dhintayna loo soo noolayn doonaa,illeyn awilba iyagaan jirin ayaa illaahay abuuray oo ahaysiiyeye.

Illaahay waxu aayadn ku sheegayaa in Basharka uu biyo ka abuuray oo dabadeed u sameeyey nasab ay ku abtirsadaan iyo reer abti ay xagga hooyo iskaga xidhan yihiin:


وهو الذى خلق من الماء بشرا فجعله نسبا وصهرا وكان ربك قدير ( الفرقان)


Aayadda:Illaahay waa ka ka abuuray basharka biyo ee u yeelay  Nas ab iyo Reer abti(rixim xagga Hooyo), Illaahay waa kii awooda  waxk asta.

It is He who has created man from water,then has established  rela tionships of lineage and marriage:for the Lord has power (over all things).

Dadka qaar baa isweydiin kara su'aasha ah daka miyaan laga  abuu rin ciidda?!,waa su'aal waxana jawaabteedu noqonay Aabihii  basha rkan Aadan ayaa dhoobo ama ciid laga abuuray wixii ka danbeeyey waxa illaahay isagaa korreeyee ka abuuraa labada biyo(Manida iyo Ugxanta)ee labka iyo dhedigga,sida Aayadani inoo caddaynayso:


ياايّها الناس ان كنتم في ريب من البعث فانا خلقناكم من تراب ثم من نطفة ثم من علقة ثم من مضغة مخلقة وغير مخلقة لنبين لكم ونقر في الارحام ما نشاء الى اجل مسمى ثم نخرجكم طفلا ثم لتبلقوا اشدكم ومنكم من يتوفى ومنكم من يرد الى ارذل العمر لكيلا يعلم من بعد علم شيئا ( الحج).

Aayadda: Dadyohow haddii shaki idinkaga jiro in dib laysu soo  saa rayo,waxanu idinka abuurnay ciid,ka dibna candhuuf(biyo ama mani)ka dibna xinjir,ka dibna waslad diyaarsan iyo midaan  diyaarsana yn,si aan idiinku caddayno,waxad idinku daynaa ilma galeenka  mud do go'an ee aannu doonno,dabadeedna idinkoo ilme ah baad  dhalat aan,dabadeed xooggiinaa gaadhaan oo waad weynaataan,qaarkiin way geeriyoodan oo dhintaan,qaarna aad bay u gaboobaan oo  asaa saqaan si aanay u garan wixii ay yaqaaneen oo u asaasaqaan.

O mankind! If you have a doubt about the resurrection,(consider)  that we created out of dust,then out of sperm,then out of leech-like clot,then out of morsel of flesh,party formed and party unformed,in order that we may manifest(our power) to you;and we cause whom we will rest in the wombs for an appointed term,then do we bring you as a babies,then(foster you) that you may reach your age of full strength; and some of you are called to die,and some are sent back to the feeblest old age,so that they know nothing after having know(much).


Biyuha waxa saynis ahaan lagu qeexaa wax aan midab lahayn,ur  la hayn oo qaab u go'an lahayn,hadba sheyga ay ku jiraan ayay  qaabk ii sa iyo midabkiisa qaataan: water is a transparent, odorless,  taste less liquid, a compound of hydrogen and oxygen, H2O, freezing at  32°F or 0°C and boiling at 212°F or 100°C, that in a more or less  im pure state constitutes rain, oceans, lakes, rivers, etc.: it contains  11.188 percent hydrogen and 88.812 percent oxygen, by weight.


Marka roobku da'o waxaad arkaysaa dhirtii iyo geedihii oo wada  sa maynaya dhaqdhaqaaq aad moodayso inay jimicsanayaan ooy iskala fidinayaan,geedihii qalalnaana si degdeg ah ayay cagaar iyo akhdar isu rogayaan,cayayaanka iyo xayawaanka waxaad si muuqata u  da reemaysaa farxadda iyo nefiska ay muujinayaan oo qaarkood codad farxadeed samaynayaan sida raha iyo shimbiraha iyo kuwo kale oo badan xilliga abaarta eey geeduhu qalalaan waxay metelayaan  xa alad dhimasho marka roobku da'ana waa sidii ay dib u soo  noolaa deen oo kale waayo nolol cusub ayay gelayaan:


ومن ءاياته انك تري الارض خاشعة فاذا انزلنا عليها الماء اهتزت وربت ان الذي احياها لمحي الموتي انه على كل شئي قدير ( فصلت)

Aayadda:Aayadaha illaahay waxa ka mid ah in aad arkayso dhulkii oo khushuucsan, marka aan biyaha ku shubno ee roobku da'o,dhulku wuxu samaynayaa dhaqdhaqaaq oo iskala fidinayaa illaahii  nooleey ey ayaa sidoo kale dadka noolaynaya markay dhintaan,Illaahay wax kasta wuu awoodaa .


And among his Signs in this:thou seest The earth barren and  desola te;But when we send down rain to it,it is stirred to life and yields increase.Truly,He who gives life to the (dead)earth can surely give life to(men)who are dead,for He has power over all things.


Aayad kale ayaa tilmaamaysa sida marka roobku da'o dhulku akhdar u noqdo oo doog iyo caleen u yeesho:


الم تر ان الله انزل من السماء ماء فتصبح الارض مخضرة ان الله لطيف خبير ( الحج)

Aayadda:miyaanad arkin in Alle ka soo dejiyo oo ka soo shubo  Sam ada roob oo dhulku noqdo akhdar ah cagaar,Alle waa ladiif khabiir ah oo wax kasta khibrad u leh.

Seest thou not that God sends down rain from the sky,and forthwith the earth becomes clothed with green,for God He who understands the finest maysteries,and is well ecquainted(with them)


Biyah a marka xoolahu u socdaan si ay u soo cabbaan waxa la  yidha ahdaa xoolahaasi waa Aroor ama waa la soo waraabinayaa,marka ay gaadho muddada lagu geeynayo ceelka ay ka soo cabbayaan  wax aa la yidhaahdaa waxay gaadhay Waraabkoodii ama  Kalkoodii, had dii ceelka loo aroorinayaa fog yahay oo socod dheer oo maalin socod ka badan loo gelayo waxa la yidhaahdaa Guul oo xoolaha waa la  gu ulinayaa ayaa la yidhaahdaa,haddii ceelku dheer yahay oo biyuhuu fog yihiin waxa la adeegsadaa wax la yidhaahdo Dawlis ama  Shub aal oo inta raggu dareer sameeyo oo qaar ceelka gudihiisa u  dhaa dhaco ayaa inta kalena is taxdaa oo wadaanta oo biyaha lagu soo qaadayo la isu dhiidhiibaa iyadoo badiyaa la isu tuurtuurayo oo hees dhaqameed lagu heesayo oo shaqada iyo hawsha la isku illawsiinayo xoolaha ama geeluna ku cabbayaan dhawaaqaa israacsan iyo  sanqa dha biyaha.


Haddii biyo loo doonayo reeraha si ay adeegooda ugu fushadaan  wa xa la yidhaahdaan Dhaamin ama Dhaan,dadka baadiyaha oo  adeeg sada waxay iyagu samaystaan inta badan biyaha waxay ku soo dhaansadaan Qarbed oo laga sameeyo haragga adhiga inta badan riyaha.

Beeraha waxa look ala qaybiyaa laba qaybood oo kala ah Beer  biyo od iyo Beer roobeed oo midna waxay ku baxdaa waraabin iyo biyo ama ceelal,riigag,webiya looga jebiyo oo looga duwo iyo beer ku baxda biyaha roobka keliya.

Roobka waxa wadankeennu helaa labada xulli ee Gu'ga iyo Dayrta waxa soo raaca roobka da'a Xagaaga ee la yidhaahdo Xageeyto ama Karan,marka ay tahay Haltodobaadka ayuu da'aa.

Waxa jira roobab loo kala yaqaano;Biyo dirir iyo Biyo daalalo iyo  Ad hicaseeye iyo Seermawedo,iyo Dayrta oo saddex ah: halalood,iyo Dayr habbis,iyo Dayr habar adhi, iyo Diraacgood oo ah hogosha ugu danbaysa ee roobka dayrtu ku dhamaado..

Roobka habeenkii da'a waxa la yidhaahdaa Mir,Roobka Maalintii  ge linka hore da'na waxa la yidhaahdaa Mayay,Roobka maalintii  gelin ka danbe da'ana waxa la yidhaahdaa Mayrac,Roobka kala qaadi  wa aya ee badan oo laga yaabo inuu ilaa habeenkii ilaa maalintii socdo waxa la yidhaahdaa Jir,Roobka yar ee ku qoynaya aanse badnayn waxa la yidhaahdaa Shuux ama Yaare,waxa jira marka roobku  qaa do waxa ka danbeeya roob la yidhaahdo Gafacle ama Gebedh oo leh baro waaweyn oo inbadan socda.

Xayawaanku markuu biyaha u baahdo waxa la yidhaahdaa Harraad ama Harraadqab sidoo kale waxa la yidhaahdaa Oon,haddii meeshaa ama deegaankaas ay biyaha iyo ceelashu ka dheer yihiin waxa la yidhaahdaa waa Oomane.

Intu dhulku doogga iyo caleenta leeyay Xooluhu biyo uma baahdaan markase dooggu qalalo ee caws isu beddelo ayay Xooluhu biyo  qab ad noqdaan oo biyaha bilaabaan oo loo kal tiriyaa,oo lala socdaa  go orta waraabkoodu ku began yahay oo loo diyaar garoobaa  aroor intooda,Kal:waa muddada ay xooluhu ku aroorayaan ee cabbidda.

Kalka Geela waxa weeye inta badan ilaa 12 ilaa 18,waxa berigii  ho re kalkiisu ahaan jirey 30 oo waatii loogu heesi jirey soddon baad qadi oo sool baad tegiye sararaha biyee,waxana jirta in tiro kisi ah marna la qadin Karin geela oo kalkiisu waa tiro dhaban ah.

Kalka Adhiga waa inta u dhexaysa 4 ,6,8
Kalka Lo'da:Lo'da iyo Dameeraha iyo Fardaha kalkoodu waa Maalin keliya.

Illaahay subxaana watacaalee wuxu inoogu sheegay Aayadaha  Qu raanka in qadarka baahida in le'eg oo biyo ah inuu u soo dejiyo oo ka dibna biyahaasi fidaan dhulkii dhintay ee doogiisa iyo dhirtiisu qalashay oo biyahaasi dib u nooleeyaan dhulkii waa sidaas oo kale isa soo saarku:


والذي نزل من السّماء ماء بقدر فانشرنا به بلدة ميتا كذالك تخرجون ( الزمر)

Aayadda:(Alle) waa kii Samada uga soo shubay biyaha(roobka)si qiyaas iyo qaddar go'an ah,oo ku fidiya dhul ahaa mid dhintay oo qallalan,sidaas ayaannu idiin soo saari doonnaa(dhimashadiinna ka dib)


Allah is that sends down(from time to time)rain from the sky in due measure;and we raise to life therewith a land that is dead;even so will you be raised(from the dead)

Biyaha oo Illaahay subxaana watacaalee ka dhigay sheyga ay  nolos hu ku xidhan tahay bal eeg nidaamka cilmiyaysan ee Illaahay dhulka ku soo gaadhsiiyo,dabaylaha ayaa waxay hadba meeshii Illaahay la damacsan yahay roob u kaxaaya daruuraha:


والله الذي ارسل الرياح فتثير سحابا فسقناه الى بلد ميت فاحييناه به الارض بعد موتها وكذالك النشور ( فاطر)


Aayadda:Illaahay waa ka dira dabaylaha si ay daruuraha ugu  kaxe eyaan dhul dhintay,markaasaannu dhulkaa noolaynaa dhimashadaas ka dib isa soo saariduna waa sidaasoo kale.

It is Allah who sends forth the winds,so that they raise up clouds,and we drive them to a land that is dead,and revive the earth  there withafter it's death:even so(will be)the resurrection.

Biyuhu waxay ka mid yihiin waxyaalaha aasaasiga ah een nooluhu sinaba uga maarmi karin,Illaahayna Sanku neeflohoo dhan ka  abu uray,kuna soo dejiyo qadarka baahida iyadoo ku  salaysan,  wax  ka stana Illaahay qadarka looga baahan yahay ayuu miisaankeeda ku dejiyaa(in due to it's needs) isagaa koreeya'e,Illaahay ayaa  mahad oo dhan leh inoo sakhiray wax kasta.


Alle subxaana watacaalaa isagaa awoodda iyo cilmiga iska leh,ha ina waafajiyo khayrka,oo ha innaga dhigo kuwo ku shugri naqa  nimc ooyinkiisa aan la koobi karin.
 

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w