Adduunka ama Kownka
Qaybtii 7 aad

 

Salaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Waxaan salaantaa Islaamka u dirayaa Shebekadda Longlivesomaliland iyo Akhristayaasheeda.



Qowmamkii hore (
Ummaddihii hore)

Waxa Alle ku abuuray kownkan makhluuqaad fara badan oo ay ugu mudan yihiin Bini'aadamku:

ولقد كرمنا بني ادم وحملناهم في البر والبحر ورزقناهم من الطيبات وفضلناهم على كثير ممن خلقنا تفضيلا (سورة الاسراء)

Aayadda:

Alle wuxu yidhi subxaana wataacaalaa:xaqiiqa'e waxannu karaamaynay oo mid sare ka dhignay Bini'aadamka oo Berriga iyo baddaba u suuragelinnay inuu ku noolaado oo ku irsaaqnay dayibaad wanaaqsan oo ka fadilnay in badan oo ka mid ah makhluuqa aanu abuurnay.

Markii uu Illaahay Aadan abuuray waxa tarmay carruurtiisii ama durriyaddiisii oo ilaa intii Adduunku soo jirey kala dambeeyey oo Ummaddiba ummad bedelaysey,Ummad kasta ama Qowm kasta waxa Alle u soo diray Rasuul kaasoo Afka iyo Luqadda ay ku hadlayaan ugu gudbinayey risaaladda iyo tacaaliimta diinta:

وما ارسلنا برسول الا بلسان قومه...

Nebi kasta Qowmkiisa ayaa loo dirayey marka laga reebo Nebi Maxe'd nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,oo isaga caalamkoo dhan loo soo diray:

وما أرسلناك الا كافة للعالمين...

Aayadda:kuumaannu soo dirin caalamiintoo dhan mooyee,yacni dadka adduunka ku dhaqan oo dhan ayaannu kuu soo dirnay.

..كنتم خير أمة اخرجت للناس تأمرون بالمعروف وتنهون عن المنكر...(العمران)

Aayadda:waxa tihiin Ummadda ugu khayr badan Ummaddaha Alle abuuray,waxa is faraysaan samaha iyo wanaagga oo waxad iska reebaysaan xumaha.

Qowmamkii hore aynu u taxno Magacyadooda iyo Nebiyadii loo soo diray iyo sida loo halaagay:

Magaca Qowmka Nebiga loo soo diray Nooca Halaagga ku dhacay

Qowmu Nuux Nebi Nuux(calayhi salaam) Duufaan(Qarraq)-waa la qarraqay

Qowmu Caad Nebi Huud(calayhi salaam) Dabayl-Dabayl baa lagu salliday

Qowmu Samuud Nebi Saalax(calayhi salaam) Qaylo-Qaylaa lagu afuufay

Qowmu Luud Nebi Luud(calayhi salaam) Roob dhagaxa aya lagu khasifay

Qowmu Shucayb/Ahlu Madyan Nebi Shucayb(calayhi salaam) Qaylaa lagu afuufay

Qowmu Fircoon Nebi Muuse(calayhi salaam) Qarraq-waxa lagu qarraqay Badda

Ummatu Maxamed Nebi Maxamed(Sallallaahu calayhi wasalam)lama halaagin

Ummad kasta waxa Illaahay ugu talagalay semen iyo cimri go'an oo aanay kana hor mari Karin kana dib dhici karin oo Alle qoondeeyey:

ولكل امة اجل فاذا جاء اجلهم لا يستاخرون ساعة ولا يستقدمون(الاعراف)

Aayadda:Ummad kasti waxay leedahay ajal go'an,haddii ay timaaddo ajashoodu dib uma dhacayso saacadna kamana soo hormarayso saacaddeeda.

Waxa Ummad kasta loo soo diray Rasuul bara in Alle keliyi jiro oo aan cid kale lala wadaajin karin caabudaadda oo isaga keliya la caabudayo:

... يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره...(الاعراف)

Aayadda:Qowmyohow Alle caabuda ma jiro oo ma lihidin Alle kale'e,dhamaan Nebiyadoo dhammi waxay Ummadda ugu yeedhayeen waxdaaniyadda Illaahay ama kelinimada Eebbe.
Waxa Alle subxaana watacaalaa u diray Nebi Nuux Qowmkiisii si uu ugu sheego xaqa iyo inay Alle keligiis caabudaan:

لقد ارسلنا نوحا الي قومه فقال يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره اني اخاف عليكم عذاب يوم عظيم(الاعراف)

Nebi Nuux wuxu Qowmkiisa u yeedhayey muddo dheer oo ah 950 Sagaal boqol iyo konton sanno,nasiib darrose dadkaasi waxay noqdeen dad aan faa'iido lahayn oo aan waqtigaa dheer wax hanuun ah ka kasban:

ولقد أرسلنا نوحا الي قومه فلبس فيهم ألف سنة الا خمسين عامافأخذهم الطوفان وهم ظالمون(العنكبوت)

Qowmamkani waxay beeniyeen Anbiyadii loo soo diray,oo qaarba si gaara ayay u diideen,Nebi Nuux waxay ku yidhaahdeen:waxannu kuu aragnaa mid lunsan oo ku sugan baadinimo cad,wuxu Nebi Nuux ku yidhi:Qowmyohow ma ahi baadi,laakiinse waxan ahay Rasuul uu soo diray uumiyahoo dhan rabbigoodu,waxan idiin soo gudbinayaa risaaladaha Eebbe oo mid idiin naseexaynaya ayaan ahay,waxyaalo aydinaan xagga Eebbe ka ogaynna waan ogahay.

قال الملا من قومه انا لنراك في ضلال مبين قال يا قوم ليس بي ضلالة ولكني رسول من رب العالمين ابلغكم رسالاة ربي وانصح لكم واعلم من الله ما لا تعلمون(الاعراف)
Qowmu Caad waxa loo diray Nebi Huud:
والي عاد اخاهم هودا قال يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره أفلا تتقون(الاعراف)

Aayadda(Qowmu)Caad waxanu u dirnay Walaalkood Huud wuxu ku yidhi:Qowmyohow Alle caabuda ma aydin lihidin Alle kale oo aan isaga ahayne.

Nebi Huud siduu Qowmkiisa ula kulmay waxay ku yidhaahdeen kuwii gaaloobey ee Qowmkiisa ahaa:waxanu kuu aragnaa mid macno darro ku dhaqmaya,waxanuna u malaynaynaa oo danniyaynaa inaad beenaale tahay oo kuwa beenta sheega ka mid tahay,markaasuu Nebi Huud ku odhanayaa:

Qowmyohow macne darro ma wado,laakiinse waxan ahay rasuul Allaha Uumiyaha abuuray uu soo diray,oo idin gaadhsiinaya risaaladaha Alle,waxanan idiin ahayn mid idiin naseexaynaya oo aamin ah.

قال الملا الذين كفروا من قومه انا لنراك في سفاهة وانا لنظنك من الكاذبين قال يا قوم ليس بي سفاهة ولكني رسول من رب العالمين ابلغكم رسالاة ربي وانا لكم ناصح أمين(الاعراف)

Qowmu Caad waxay ahaayeen dad aad u dhaadheer oo lagu qiyaasay 4dhudhun
In qofkiiba dhererkiisu ahaa:

ألم تر كيف فعل ربك بعاد ارم ذات العماد التي لم يخلق مثلها في البلاد(الفجر)

Aayadda:miyaydaan arag sida loo galay reer Caad ee Iram ee tiirarka u saaxiib ahaa(dhererka) kuwaas oon wax la mid ah adduunka lagu abuurin.

Nebi Saalaxna aynu eegno wuxu kala kulmay Qowmkiisa,Nebi Saalax waxaa Aayad ahaan loogu soo saaray hal aad u qaro iyo dhumuc weyn oo biyo fara badan u baahan,dabadeed waxa Nebi saalax ku yidhi hashaa ha taabanina oo iyaduna maalin ayay ceelka leedahay idinkuna maalin,dabadeed hashii ayay boqna gooyeen oo amarkii Alle caasiyeen oo ku yidhaahdeen Nebi Saalax:

والي ثمود أخاهم صالحا قال يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره قد جاءتكم بينة من ربكم هذه ناقة الله لكم ءاية فذروها تأكل ارض الله ولا تمسوها بسوء فياخذكم عذاب أليم(الاعراف)

Saalaxow la kaalay oo keen waxaad noogu yaboohayso eed leedahay way idin helayaan haddaad tahay mid Rususha ka mid ah,halkaas ayaa halaagoodii ka dhacay oo loo soo diray qaylo rujisa oo ka dhigtay kuwo guryohoodii runduda oo naftu ka tagtay.

فعقروا الناقة وعتوا عن امر ربه وقالوا يا صالح ائتنا بما تعدنا ان كنتم من المرسلين فأخذتهم الرجفة فأصبحوا في دارهم جاثمين(الاعراف)

Nebi Luud bal isagu sidee ula kulmay Qowmkiisa:waxay Qowmu luud ahaayeen dad fusuq badan oo ragga u taga iyadoo dumarkii joogo,waxay noloshii u rogeen si foororta oo qalliban,sidaa darteed waxa abaalmarin looga dhigay halaag ah in mijahooda madaxa loo rogo,wuxu Luud ku odhanayaa Qowmkiisa ma waxad la imanaysaa faxshi iyo xumo aan caalamka cidi idiinka horreynin,waxad ula imanaysaan ragga shahwad halkii dumarka,waxad tihiin Qowm musrifiin ah,ma ahayn jawaabtii Qowmkiisu inay yidhaahdaan mooyee,ka saara magaaladiinna waa dad is daahirinaya'e(daahir iska dhigaya'e)

ولوطا اذ قال لقومه أتاتون الفاحشة ما سبقكم بها من احد من العالمين انكم لتاتون الرجال شهوة من دون النساء بل أنتم قوم مسرفون وما كان جواب قومه الا ان قالوا أخرجوهم من قريتكم انهم أناس يتطهرون(الاعراف)

Nebi Shucayb sidee Qowmkiisa ula kulmay:
Waxay ahaayeen Qowmu Shucayb kuwo miisaanka dhima oo dadka bakhsa,oo fasaad badan oo jidgooyo iyo fasaad badan ku dhaqmi jirey,dabadeed wuxu Nebi Shucayb ka dalbay oo u sheegay inay miisaanka waafi yeelaan oo aanay dadka bakhsin,oo fasaadin dhulka ka dib markuu mid islaax iyo hagaag ah dhulku noqday:

والي مدين أخاهم شعيبا قال يا قوم اعبدوا الله ما لكم من اله غيره قد جاءتكم بينة من ربكم فأوفوا الكيل والميزان ولا تبخسوا الناس أشياءهم ولا تفسدوا الارض بعد اصلاحها ذالكم خير لكم ان كنتم مؤمنون(الاعراف)

Waxay Qowmkii Shucayb ku yidhaahdeen:Shucaybow fahmi mayno wax badan ood leedahay waxanuna kuu araganaa mid daciif dhexdayada ka ah,haddii aannaan eegayn Qabiilkaaga waannu ku arjumi lahayn,wax qiimo ahna agtayada kama lihid,wuxu yidhi Shucayb:Qowmkaygow ma Qabiilkayga ayaa idiinka qiima badan Illaahay oo waxad arrinka Eebbe ka soo qaadaysaan wax aan naf lahayn(oo aad dhabarkiina ka lalisaan),Alle waa mid koobaya waxa aad samaynaysaan.

قالوا يا شعيب ما نفقه كثيرا مما تقول وانا لنراك فينا ضعيفا ولو لا رهطك لرجمناك وما أنت علينا بعزيز قال ياقوم أرهطي أعز عليكم من الله واتخذتموه ورءاكم ظهرياان ربي بما تعملون محيط"(هود)

Nebi Muuse calayhi salaam waxa loo soo diray Fircoon oo ah inuu Alle u hogaansamo reer Bani israa'iilna uu ku soo wareejiyo, Wuxu Fircoon ku yidhi haddaad Aayad la timi keen oo aad ka mid tahay kuwa run sheegayaasha ah,markaas ayuu Nebi Muuse ushiisii dhulka ku tuuray,waxaba ay isu bedeshey Mas,haddana gacantuu kilkilada geliyey oo ka soo saaray iyadoo midab cad leh.

قال موسي يا فرعون اني رسول من رب العالمين حقيق الا اقول علي الله الا الحق قد جئتكم ببينة من ربكم فأرسل معي بني اسرائيل قال ان كنت جئت بآية فات بها ان كنت من الصادقين فألقى عصاه فاذا هي ثعبان مبين ونزع يده فاذا هي بيضاء للناظرين(الاعراف)

Aayadda:Muuse ayaa yidhi:Fircoonow waxan ahay Rasuul uu caalamiinta Rabbigoodu soo diray,xaqiiqa ahaanna,wax aan xaq ahayn ma lihi,waxanan idiinla imi xujo Rabbigiin ka sugnaatay,ee Reer Bani-israa'iil i raaci oo igu dar.
Haddaba maxay sameeyeen Fircoon iyo Qowmkii raacsanaa,waxay yidhaahdeen waa sixirroole cilmi badan oo doonaya inuu arladiinna idinka saaro ee taliya:

قال الملا من قوم فرعون ان هذا لساحر عليم يريد ان يخرجكم من ارضكم فماذا تامرون...(الاعراف)

Ummad kasti ama qowm kasti oo kuwii innaga horreeyey ah waxa Alle isagaa korreeyee ku halaagay intii gaalowdey ee Nebiyadii loo soo diray beeniyey,nooc gaar ah oo halaag ah iyadoo kii Aakhiro uu u hadhsan yahay:

فكلا أخذنا بذنبهم فمنهم من أرسلنا عليه حاصبا ومنهم من أخذتهم الصيحة ومنهم من خسفنا به الارض ومنهم من أغرقنا وما كان الله ليظلمهم ولكن كانوا أنفسهم يظلمون (العنكبوت)

Aayadda:dhamaan waxannu ku qaadnay mid kasta denbigiisii,qaar waxanu u dirnay(ku halignay)dabayl,waxa ka mid ah kuwo qaylo ay qaadday,waxa ka mid ah kuwo aannu ku khasifnay dhulka,waxa kaloo ka mid ah kuwo aannu qarqinnay oo biyo ku qarriqmay,Alle cidna ma dulmiyo laakiin iyagaa naftooda dulmiyey.

Aynu Aayadaha sheegaya sidii Qowm kasta loo halaagey eegno:
Qowmu Nuux:waxannu ka furnay Albaabada samada biyo soo burqanaya oo dhulka ka dillaacinnay ilo biyo ah,markaasay biyihii ku kulmeen amar Eebbe,Nuux iyo intii rumaysayna waxannu ku qaadnay Doon ku soconaysa amarkayaga iyo ilaaladayada,waxay abaal taasi u tahay kuwa gaalobey,waxanu uga tagney dadka Aayad,ma waano qaadanayaan! Side cadaabkayga iyo digistaydu ahaayeen.

قوم نوح:ففتحنا أبواب السماء بماء منهمر وفجرنا الارض العيون فالتقى الماء علي أمر قد قدر وحملناه علي ذات الواح ودسر تجري بأعيننا جزاء لمن كان كفر ولقد تركناها ءاية فهل من مذكر فكيف كان عذابي ونذر (القمر)
قوم عاد:انا أرسلنا عليهم ريحا صرصرا في يوم نحس مستمر تنزع الناس كأنهم أعجاز نخل منقعر فكيف كان عذابي ونذر(القمر)

Qowmu Caad:waxannu u dirnay dabayl xoog leh oo maalin xun soconaysa,oo dadka siibaysa sidii ay yihiin laamo timireed oo xolfan oo dhulka daadsan,side buu ahaa cadaabkayga iyo digistaydu.

قوم ثمود:انا أرسلنا عليهم صيحة واحدة فكانوا كهشيم المحتظر(القمر)

Qowmu Samuud:Waxannu u dirnay qaylo keliya waaba iyagood mooddo alwaax naftu ka gurayso.

فلما جاء أمرنا جعلنا عاليها سافلها وأمطرنا عليها حجارة من سجيل منضود مسومة عند ربك وما هي من الظالمين ببعيد(هود)

Qowmu Luud:markuu amarkayagu yimi madaxoodaannu majaa u rognay,oo roob dhagax naar ah wata ayaannu ku shubnay oo xagga Alle ku sugnaaday.

قوم شعيب: فأخذتهم الرجفة فأصبحوا في دارهم جاثمين(الاعراف)

Qowmu Shucayb:waxa qaaday (qaylo)gariir markaasay noqdeen daarohoodii kuwo ruqunduda oo naftu ka baxday.

قوم فرعون:فانتقمنا منهم فأغرقناهم في اليم بأنهم كذبوا بآياتنا وكانوا عنها غافلين(الاعراف)

Qowmu Fircoon:waannu ka aargoosannay oo ku qarqinnay yaloontii(biyihii) maxaa yeelay Aayadahayagii ayay beeniyeen oo waxay ahaayeen kuwo mooggan.

Ummadihii ama Qowmamkii inaga horreeyey waa cibro qaadasho wixii ku dhacay oo markasta waxa loo baahan yahay inaan ku fekerno,isna xusuusinno.

وكم أهلكنا قبلهم من قرن هل تحس منهم من أحد أو تسمع لهم ركزا(مريم)

Aayadda:imisaannu halaagney Qawmam idinka horreeyey,axad ka mid ah miyaad dareemaysaa,wax sanqadh ahse miyaad ka maqlaysaa!

Ummadda Nebi Maxamed lama halaagayo waana Ummaddii ugu dambeysey Ummadaha Alle Kownkan ku abuuray,uguna khayrka badan oo nebigii khalqigoo dhan ugu khayr badnaa ayaa Ummaddan ka dhashay,ahaana nebigii ugu dambeeyey Anbiyada Alle soo diray.Qof kasti marka Ajashiisu dhamaato ayaa Aakhiro camalkiisa la xisaabinayaa oo Ehlu janno ama Ehlu naar noqonayaa,qof kastiba waa isaga iyo camalkiisa oo keliya.


Alle ha innaga dhigo kuwa Ehlu jannada noqda Aamiin.

 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein