Adduunka ama Kownka
Qaybtii 4 aad


Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu.Waxaan salaantaa qaaliga ah ee Islaamka u dirayaa Bahda Shebekadda Longlivesomaliland oon leeyahay Guul iyo Horumar insha Allah.
As/w/w


Xidhiidhka iyo Xuquuqda

Alle subxaana watacaalaa wuxuu u sameeyey Uumiyaha cilaaqo iyo xidhiidh ka dhexeeya,oo midba midka kale la  wadaago, hadd aba bini'aadamka oo illaahay ka fadilay makhluuqaadka intiisa  ka le aynu soo qaadano xuquuqda iyo xidhiidhka:

Qofka iyo Illaahiisa abuuray:Qofka waxa uu la leeyahay Allihii  ab uuray xidhiidh iyo cilaaqo,ahna inuu guto oo ka soo baxo  waajib aadka Alle faray, gartana waxa loo abuuray inay tahay oo keliya inuu Alle caadudo,Allena wuxuu u diyaariyey bini'aadamka  waxka stoo daboolaya baahidiisa si uu ugu guto waajibkaa cibaadada wejiga ugu wanaagsan,markaa waa inuu illaahay u caabudo sidii oo uu arkayo,haddaanu isagu arkayn Alle ayaa arkaya'e:


الإحسان: "أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك‏"

Allaahu Akbar Eebbow
Amaan badanihiiyow
Kii ku arkayow Eebbow
Isna aan la arag Eebbow
Uurkayaga waxa jira
Adigaa arkaayoo
Adigaa Aqoon u leh
Adigaa og keligaa
Adigaa og keligaa
Kuwii amarkaaga raacee
Ku adeeca naga yeel


Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi xaqa Alle ku leeyahay addoomadiisa waa inay caabudaan,xaqa addoonnaduna markaa waa in aan Alle cadaabin mar hadday caabudeen:


حق الله على عباده أن يعبدون ... قال: حق العباد على الله أن لا يعذبهم


Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raaca
Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane
Cimriguna markuu go'o jannuu cidhifsanaayaaye
Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoontahaye
Kalsoonidu inay camiri waa caadla'aan sugane
Ciddi wax le'eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye
Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane
Nafta ciirsataa Allaha way cadho go'aysaaye
Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka
Cawadii timaadaba eega camalkiisa
Cisho iyo ayaan caadilkii janno ka dhawraaya
Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo
Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taaggeedda
Cilmigay diintu qabto iyo sharciga cayntiisa
Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye
Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta
Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane
Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye
Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo'e
Cuqdadli'ida waxawgu wacan waa cibaadada'e
Cadhali'ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha'e
Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda
Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya
Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya
Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele'e
Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode
Xuquuqda Qofka iyo Naftiisa
Qofka waxa naftiisu ku leedahay xuquuq gaar ah oo ay waajib tahay inuu ilaaliyo.

Waxay naftu waajib u leedahay inaad u oofiso fulinta daacadda illaahay ama adeecista amarrada Eebbe,oo siisid carrabka xaqiisa oo wax khayr leh mooyee aanad wax kale ku dhawaaqin,in  Ma qalka iyo Dhegaha aad xaqooda siiso oo ku dhegaysato wax Alle ka raalli yahay keliya,sidoo kale Aragga iyo isha waa inaad  ilaali saa oo aanad ku eegin wax aan bannaanayn,Gacanta waa in  wax aad ku qabanayso ama ku qaadaysaa ahaadaan wax u  bannaan, sidoo kale Addimadaada waa inaad xaqooda siisaa oo aanad ku marin meel mamnuuc ah oo denbi laga kasbanayo,Calooshaada waa inaad xaqeeda siisaa oo aad ka ilaaliso inaad geliso wax xaaraan ah oon bannaanayn,Farjiga (habdhiska tarankaaga)waa inaad ka ilaaliso denbiga oo ku illaaliso sharciga iyo xeerka Alle u dhigay,waana inaad Alle talo saarato oo kaalmaysato si aad  arrin kaa ugu guulaysato,waxa dhacaysa maalinta qiyaamaha in  xubna haa jidhka ee aynu soo sheegnay hadlayaan oo mid kasti marag furayo oo sheegayo hawshii lagu fuliyey:


اليوم نختم على أفواههم وتكلمنا أيديهم وتشهد أرجلهم بما كانوا يكسبون.(يس)

Aayadda macneheedu waa Maanta waannu daboolaynaa oo  xidha ynaa dadka Afafkooda waxannuna ka hadlisiinaynaa gacmohooda oo lugohoodu waxay ku marag furayaan waxay samaynayeen ee kasbanayeen.

Qofka waxa loo baahan yahay inuu ilaaliyo xaqa naftiisu ku  lee dahay oo ah inay hesho baahideeda u suurtagelinaysa inuu u guto waajibaadka laga rabo ee dartii loo abuuray sida ugu fiican ee  ug u habboon taasoo ku imanaysa in aqoon iyo cilmi naftu hesho oo garato waxa la faray iyo waxa laga reebay,sidoo kale baahideeda kale sida quudka iyo cuntada iyo nasashada iyo raaxada sida  hurd ada iyo marka da'du gaadho waqti guur,waxyaalahaas oo dhami waxay suurtagelinayaan gudashada waajibaadka oo loo guto  dari iqo wanaagsan,waa inuu qofku ugu dadaalaa naftiisa inuu  gaad hsiiyo derejooyin sare oo ay ka gaadho abaalgudka iyo jannada loo shaqaysanayo:

وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الآخِرَةَ وَلا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ(القصص)

Aayadda macneheedu waxay leedahay Ku kasbo oo ku raadso  wa xa Alle ku siiyo sidaad daarta aakhiro ugu guulaysan lahayd oo  sa daqada bixi,dadka caawi,wixii khayr ah ee aad qaban karto  awoo ddaada qabo,hana illaabin nasiibkaaga adduunyada,oo u samee wanaagga sida Alle wanaagga kuugu sameeyey,oo Arlada ha ku samayn fasaad,Alle ma jecla kuwa mufsidiinta ah ee wax fasaadi ya'e.

Fiiro gaara ah:marka Aayaddu ku leedahay ha illaawin  nasiibka aga adduunka waxa weeye in baahida nafta xagga cuntada iyo cabbidda,nasashada sida hurdada iyo baahiyeheeda kale eek u xadaysan waxa Alle u banneeyey waa inaad nafta u samaysaa si ay u hesho awood iyo diyaargaraw ay ku fuliso ujeeddada loo abuuray ee ah caabudaada Eebbe,ganacsiga iyo shaqaysiga waa wax kaa caawinaya inaad cibaadada u gudato sida ugu  wanaa gsan dadka kalena ku taageerto gudashadaas oo ku caawiso.

Xuquuqda Qofka iyo Dadka kale

Dadka kale Qofku wuxu la leeyahay cilaaqo iyo xuquuq go'an oo mid kasti leedahay waajibaad iyo dariiq loo raaco oo loo guto:


Waalidka

Waalidka waxa la isku yidhaahdaa Aabbaha iyo Hooyada iyo iyaga waalidkooda iyo walaalohood iyo dadkay is xigaan ee isu dhow  yi hiin,dhamaan waxay kugu leeyihiin ixtiraam iyo qaderin,waxay  k ugu leeyihiin inaad hadalkooda maqasho oo aad qaadato  talado oda,inaad ka ducaysato oo markasta u dhibirsanaato,Diinta  Islaa mku waxay aad innoogu boorrisey oo inoogu adkaysay Waalidka iyo inaynu u ixsaan samayno,waxa in badan Illaahay ku  lamaan iyey sheegista Waalidka cibaadadiisa:

"وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً" ( الإسراء)

Aayaddu waxay odhanaysaa Alle wuxu waajib yeelay inaan isaga mooyee cid kale la caabudin oo Waalidka loo sameeyo  ixsaan, ha ddii mid waalidka ka mid ah ama labaduba uu da' ku gaadho  agta ada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin oo ku dheh hadal wanaagsan.

Waxaynu wada ognahay in qofka waalidkiisa ka ducaystaa inuu liibaanayo oo Alle dariiqa u iftiiminayo,qofka kalena Soomaalidu waxay yidhaahdaan habaar waalid buu qabaa,waana wax Alle laga magan galo,mar kasta waalidka ka farxi oo ka ducayso ugu na dadaal si hagar la'an ah:

Waa hiddahan raacoo
Waa hoyga barashada
Aan ku hanaqaadee
Ma hilmaami karayoo
Waa halbawlahaygiyo
Xididka dhiigga habayee
Hirashada kalgacalkiyo
Hammigayga weeyoo
Harraadkayga tirayee
Haddaan heli karaayana
Hadwalbaba jeclaadaa
Hortayda inay joogaan
Hadalkooda maqashoo
Hiyigaaga dejiyaan
Habbi kaa sameeyaan
Waa hooska noloshoo
Hadhka aad ku nasatoo
Ku hoggaaminaayee
Waa ruuxaa ku hagayoo
Hanuunkii illaahiyo
Janno kuu horseedee
Allahayow hataaq iyo
Habaar waalid iga hay
Haye mooye maan odhan
Hiif wax laga dareemee
Allaa igu hanuuniyey
Hilin toosan oo sax ah
Haybad waxan ku leeyay
Hibadiyo ayaankaba
Waalidkaa had iyo jeer
Ii hibeeya duco oo
Intaa ila horjoogee
Hagarli'i wanaag iyo
Hiil iyo hooba ila wada
Allow ifka is hanannee
Aakhirona jannadii na wada hooy
Xuquuqda Walaalaha ka dhexeeya
Walaaluhu waa laba nooc:Walaal uu Waalid idin wada dhalay iyo Walaal Alle dartii aad u walaalowdeen waana ka labada qaalisan illaahayna wuu sheegay in Muuminiintu walaalo yihiin:


(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ )

Aayadda waxa Alle odhanayaa Muuniniintu waa Walaalo heshiisiiya labadiinna walaal oo Alle ka cabsada,waxa la arkaa in Alle idiin naxariisto'e.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : "لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه"

Xadiiskan uu weriyey Abu hureyra wuxu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is xaasidina,ha isku eryina(sida ganacsiga iyo manfacada kale),ha iska cadhaysiinina,ha isu dhabar jeedinina,badhkiinna yaanu iibsan badhka kale wuxu  doo nayo inuu iibsado ahaada addoomada Alle ee walaalaha  ah,Musli nku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo,ma hoojiyo,mana  xa qiro,cabsidu waa halkan buu yidhi Rasuulku isagoo qalbigiisa farta ku tilmaamaya oo ku fiiqaya saddex jeer ayuu ku  dhawaaqay, ca bsidu waa halkaa,waxu yidhi Rasuulku waxa qofka muslinka ah shar ugu filan inuu xaqiro walaalkiisa muslinka ah oo yaso,muslin kasta muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisu.

عن أنس رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تقاطعوا ولا تدابروا ولا تباغضوا ولا تحاسدوا وكونوا عباد الله إخوانا ولا يحل لمسلم أن يهجر أخاه فوق ثلاث

Xadiiskan uu weriyey Anas Alle ha ka raalli noqdee wuxu  Rasuu lku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is goynina(xidhiidhka) Hana isu cadhoonina,hana isxaasidina,oo  aha ada Addoomadii illaahay ee walaalaha ah,uma xalaal aha qof  mu slin ah inuu cadho kaga maqnaado walaalkii wax ka badan saddex maalmood.

Walaalka waalidku idin wada dhalay waxa wadaagtaan dhaxalka oo waad is dhaxli kartaan dadka waalidka iyo ehelka ahna  dhaxa lkooda waad wadaagtaan,waxase qaali ah Walaal waalidku idin wada dhalay oo xadhiga Allena wada haysataan oo u  gudanays aan cibaadada Eebbe siduu idin amray,laakiin haddii walaalkaa aanu waajibka diineed ee Alla ka rabo la iman,walaalnimadiisu waa mid aan qiimo lahayn,walaalka aad Ifka isku taageersataan cibaadada Alle Aakhirona jannada ku rafiiqdaan ayaa qaali ah.

Xuquuqda Riximka iyo Ehelka(Qaraabada):

Alle isagaa korreeyee qofka wuxu ka abuuray Aabbe iyo Hooyo oo iyaguna sidoo kale waalid dhalay ka yimid:

وهو الذى خلق من الماء بشرا فجعله نسبا وصهرا وكان ربك قدير...(ءاية من سورة الفرقان)

Aayadda macneheheedu waa:(Alle) waa kii ka abuuray basharka biyo oo u yeelay nasab(xagga Aabbe) iyo sihir(xagga Hooyo/reer abti),labadaba waxa qofka ka saaran waajib ah ixtiraam iyo taageero ka horreysa dadka kale,haddii ay baahan yihiin,waxa loo baahan yahay in uu masaakiinta iyo dadka kale ka hor mariyo oo iyaga marka hore baahidooda daboolo,ka dib sadaqada dadka kale u gudbiyo.

واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب(النساء)

Aayadda macneheedu waxa weeye:Alle caabuda hana u shariig y eelina,Waalidkana ixsaan iyo wanaag u fala iyo dadka Qaraabada kuu ah iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaarka ama Jiiraankaaga kuu dhow iyo Saaxiibkaaga jenbigaaga ah(saaxiibka culimada qaar waxay ku fasiraan cidda aad isu dhaxdeen eed is qabtaan).


عن أنس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :
(من أحب أن يبسط له في رزقه ، وينسأ له في أثره ، فليصل رحمه) . رواه البخاري

Xadiiskan uu weriyey Abu hureyra wuxu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:Qofkii jecel in Alle risiqa u waasiciyo oo u badiyo,oo ka dhigo mid waxter leh oo raad leh,ha xidhiidhiyo riximkiisa.

Qofku waa inuu ehelka iyo riximka khayr ugu gargaaraa ee aanu denbi iyo hiil eexeed ugu gargaarin.

Xuquuqda labada isqaba(Sayga iyo Oorida/Sawjka iyo Sawjadda)
Waxay laba qof ee isqaba ee nolosha wadaagaa isku leeyihiin  xu quuq iyo masuuliyado badan tusaale ninka waxa waajib ku ah  me herkii iyo masruufkii iyo meeshee haweenaydu degi lahayd iyo qaybta kale ee nolosha oo ah cadaalad samaynta haddii ay  duma rku mid ka badan yihiin,dhibirsanaan iyo u debecsanaan xagga dhaqanka iyo tixgelinta iyo ixtiraamka,iyo ilaalinta dareenkeeda oo mar kasta raalli gelinteeda falo.

قال تعالى : ( وعاشروهن بالمعروف ) النساء

Aayadda waxa weeye: ula tacaamula oo ula dhaqma dumarka si wanaagsan.

Oorida ama Sawjadda waxa waajib ku ah inay ninkeeda adeecdo oo maqasho uguna dadaasho inay ka caawiso waxa u  suurtagelin aya gudashada cibaadada Eebbe oo ay iska kaashadaan oo Ooridu waa inay ahaataa raaliyo.

Dadka kale mid kasti gaar ayuu ixtiraam iyo kuugu leeyahay ku kaalmayn waxaad ku taageeri karto oo dhan aqoon iyo talo iyo tusaale iyo mid waxtar ah sida maal oo kale lana jeclaato khayr iyo wanaag oo u ducayso mar kasta Waxa jirta in Jaarka ama Derisku leeyahay xuquuq aad u qiimo badan :

وعن أبي شريح الكعبي أن النبي صلى اللَّه عليه وسلم قال "من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم جاره، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم ضيفه جائزته يوم وليلة، والضيافة ثلاثة أيام وما كان بعد ذلك فهو صدقة"

Abu shurayx waxa laga weriyey inuu Nebigu nabadgelyo iyo  naxa riis korkiisa ha ahaatee yidhi: kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha yidhaahdo khayr ama hayska aamuso, kii Alle iyo Qiyaamaha  rum eeyey ha karaameeyo(ixtiraamo) jaarkiisa, kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha karaameeyo martidiisa….

Uumiyaha kale iyo kownka waa inaad ku fekertaa oo ku  xusuusa taa awoodda Alle oo isagaa Alle nasahane ogaataa in Alle u  abu uray koonkan xaq iyo ujeeddo sugan:

"ويتفكرون في خلق السموات والأرض ربنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النار"( آل عمران)

Aayadda:waxay ku fekereyaan abuurta Samooyinka iyo Arlada oo odhanayaan Rabbiyow umaad abuurin baadilnimo adigaa  nasaha ne naga badbaadi naarta.

Qofka muslinka ahi waa inuu ilaaliyaa xuquuqda iyo waajibaadka lagu leeyahay oo u gutaa sida ugu habboon ee uu awoodi karo, wa ana inuu u naxariistaa cidduu ka awood ama xoog roon yahay  dh amaantood.

Alle hayna waafajiyo inaan la nimaadno xuquuqda sida ugu  sarra ysa Aamiin
 

 

 

Saeed Ibraahim Hussein