Adduunka ama Kownka
Qaybtii 19 aad
Sifooyinka
Muuminka
Sifooyinka laga rabo qofka muuminka ah,in uu ku sifoobo,waa kuwa
diinteennu ina farayso,oo ay aasaas u tahay taqwada ama cabsida
Eebbe oo koobsanaysa dhamaan ku sifowga sifooyinka wanaagsan oo ay
ka mid yihiin;sabirka iyo dulqaadka,furfurnaanta iyo weji
furnaanta,calool xaadhanta iyo hufnaanta,iyo deeqsinim ada iyo
geesinimada, runsheegga iyo daacadnimada, musuulnim ada iyo
xaqsoorka,iyo dhamaan sifooyinka wanaagsan ee diintee nna
xaniifka ahi ina barayso:
Taqwadu waxay u tahay sifooyinka wanaagsan aasaas iyo saldh ig,qofka
muslinka ah,ee iimaankiisu buuxo,Allena tala saarta oo itaalkiisa
aan waxba la hadhin ee dadaal ula yimaada cibaadada Alle faray,waxa
u suurtagasha in uu kasbasdo sifooyinka wanaagsan ee qofka muuminka
ah laga rabo:
وَعِبَادُ الرَّحْمَنِ الَّذِينَ يَمْشُونَ عَلَى الْأَرْضِ هَوْنًا
وَإِذَا خَاطَبَهُمُ الْجَاهِلُونَ قَالُوا سَلَامًا وَالَّذِينَ
يَبِيتُونَ لِرَبِّهِمْ سُجَّدًا وَقِيَامًا وَالَّذِينَ يَقُولُونَ
رَبَّنَا اصْرِفْ عَنَّا عَذَابَ جَهَنَّمَ إِنَّ عَذَابَهَا كَانَ
غَرَامًا(الفرقان)
Aayadda:Addoomada Allaha Raxmaanka ahi waa kuwa dhulka u socda si
deggan oo aan isqaadqaad ahayn,oo haddii ay la hadlaan jaahiliintu
salaama oo iska dhaafa,waa kuwa waqtigooda ku qaadanaya iyagoo Alle
u sujuudsan iyo iyagoo salaadda oogaya oo taagan,oo
odhanaya;Rabbiyow naga badbaadi cadaabka jahanna ma,waxa weeye
cadaab halis ah oo darane.
Muslinka iimaankiisu buuxo ee taqwada iyo cabsida Eebbe ku no
oli wuxu Alle u caabudaa sidii oo uu arkayo oo kale,waayo wuxu og
yahay in Alle arkayo,oo og yahay wax kasta oo uu fulinayo oo
samaynayo:
الإحسان: "أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك"
Ixsaanku waa in aad Alle u caabuddo sidii aad arkayso oo kale
,haddii aanad arkaynin isaga ayaa ku arkaya'e.
Waxa arrinkaasi qofka muslinka ah dhaxalsiinayaa in uu ahaado mid
mar kasta diyaar ah,oo heegan ugu jira inuu kasbado ajar iyo derejo
sare,oo uu xagga Alle ka helo:
Waxa dadku yidhaahdaan hebel waa fariid ama waa nin daran oo
fiican,haddaba run ahaantii qofka fariidka ahi waa muslinka
dhab ta ah ee huwan kuna sifooba,sifooyinka wanaagsan ee Islaamka:
وروي عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: (الكيس من دان نفسه وعمل
لما بعد الموت، والعاجز من أتبع نفسه هواها وتمنى على الله)، قال
الترمذي:
Xadiiska:waxa
laga weriyey Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee in
uu yidhi;qofka raganimada lihi waa ka naftiisa ilaaliya,ee u
shaqaysta waxa mowdka ka danbeeya, caa jiskuna waa ka naftiisa
raaciya hawadeeda,ee haddana Alle ka fila.
Xadiis kale ayaa Rasuulku
salawaatullaahi wasalaamu calayhi ku sheegay in uu yahay qofka
muuminka ahi ka fariidka ah ee maskaxda furan ee xaqa ku dadaala:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"المؤمن الكيس الفطن"
Xadiiska:Muuminku
waa ka fariidka ah ee maskaxda furan.
Qofka muslinka ah isagoo adeegsanaya garashada Alle siiyey ayuu ku
fekeraa waxa ku xeeran,ee kala geddisan,oo dareemaa awoo dda
Alle iyo caajaa'ibta kownkan:
"ويتفكرون في خلق السموات والأرض ربنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا
عذاب النار"( آل عمران)
Aayadda:waxay
ku fekerayaan abuurta samooyinka iyo arlada,oo odhanayaan; Rabbiyow
uma aad abuurin baadilnimo,adigaa nasah ane naga badbaadi naarta.
Qofka Muslinka ahi waa ka iska ilaaliya ee ka feejigan shayda
anka iyo meelaha uu ka soo gelayo,iyo waswaaska iyo cabsida uu ku
abuuri karo oo dhan:
إنّما ذالكم الشيطان يخوف
أوليائه فلا تخافوهم وخافون إن كنتم مؤمنين(العمران).
Aayadda:kaasi
waa shaydaan bajinaya kuwa raaca ee wehesha da,ha ka biqina,oo
aniga iga baqa haddaad tihiin kuwo muuminiin ah.
Qofka Muslinka ahi wuxu ku nool yahay kalsooni oo wuxu si habs
ami ah ugu dhaqmaa waxa Alle faray iyadoo naftiisu ku raaxaysanayso
oo raalli ka tahay:
إن الله يأمر بالعدل
والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي يعظكم
لعلكم تذكرون(النحل)
Aayadda:Alle
wuxu amrayaa in la sameeyo caddaalad iyo ixsaan oo dadka ehelka ah
la xidhiidhiyo,waxanu Alle reebayaa oo diida yaa in xumaha iyo
munkarka iyo xadgudubka la sameeyo,Alle wuu idiin yaboohayaa oo
idiin yeedhayaa waxa la arkaa inaad waano qaadataane.
Ku dhaqmidda sida
diinteennu dhigayso,oo ah mid ku habboon oo daboolaysa baahida dadka
dhinac kasta,ayaa qofka wanaagsani baraa naftiisa oo caado ka
dhigtaa,Waxana uu ka dheeraadaa oo ka fogaadaa waxa la reebay oo
dhan,iyo waxa u horsedi kara oo dhan,waxa naftaadu diiddo ama shaki
iyo dareen xun ku geliyaa ma fiicna:
قال رسول الله صلى الله
عليه وسلم "الْبِرُّ حُسْنُ الْخُلُقِ ، وَالإِثْمُ مَا حَاكَ فِي
صَدْرِكَ وَكَرِهْتَ أَنْ يَطَّلِعَ عَلَيْهِ النَّاسُ.
Xadiiska:Wanaaggu
waa dabeecadda iyo akhlaaqda wanaags an,denbiguna waa wixii
dhiba laabtaada,ee aad karaahiyaysato in dadku kugu arkaan.
Sifooyinka wanaagsan waxa
ka mid ah in qofku u ahaado waalidk iisa baarri oo u
debecsanaado,si uu u hanto ducadooda iyo jacayl kooda:
"وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ
إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ
كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ
لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً" ( الإسراء)
Aayadda:
Alle wuxu waajib yeelay inaan isaga mooyee cid kale la caabudin oo
Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah ama
labaduba uu da' ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha
ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin oo ku dheh hadal wanaagsan.
Waxa Ayad kale Alle inoogu sheegayaa in keligii la caabudo,oo aan
loo shariig yeelin,sidoo kale loo sameeyo waalidka iyo dadka
qaraabada ah iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka,qofka laga helo
fulinta arrimahan oo dhami,wuxu ku sifoobayaa sifada qofka muuminka
ah ee wanaagsan:
واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى
واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب
بالجنب(النساء)
Aayadda:caabuda
Alle oo shayna ha ugu shirki samaynina, una sameeya ixsaan waalidka
iyo dadka qaraabada ah iyo agoonta iyo masaakiinta iyo jaarka kuu
dhow, iyo jaarka kugu xiga iyo saaxiibkaaga kugu xiga(culimada
qaarkood waxay ku fasiraan qofka aad isu dhaxdeen ee ixqabtaan).
Qofka muslinka ah waxa loo baahan yahay inuu ku sifoobo sabir iyo
dulqaad:
Sabirku waa in uu qofku wixii dhib ah ee la soo dersa uu u
sabra a,oo Alle ka baryaa in uu khayr ugu beddelo,sidoo kale nimcada
Alle siiyo,waa in uu u sabraa oo aanu ku kufriyin oo nimcada Alle
siiyey ku shukri naqaa oo ay ka muuqataa:
"وأمّا بنعمة ربّك فحدث"(الضّحى)
Aayadda:nicmada
Allena sheeg yacni ku shukri naq oo ha kaa muuqato.
Samirku waa sifo looga
baahan yahay qof kasta oo ah muumin:
يا أيّها الّذين ءامنوا استعينوا بالصّبر والصّلاة إنّ الله مع
الصّابرين(البقرة)
Aayadda:kuwa
Alle iyo Nebiga rumeeyow kaalmaystay oo taagee rsada sabirka
iyo salaadda,Alle wuxu la jiraa kuwa sabra'e.
Waxa sidoo kale qofka muslinka ah laga rabaa inuu isagu sabir la
yimaaddo,dadka kalena faro sabirka oo ku taageero:
يا أيّها الّذين ءامنوا أصبروا وصابروا ورابطوا واتّقوا الله لعلّكم
تفلحون(العمران)
Aayadda:
kuwa Alle iyo Nebiga rumeeyow
sabra oo dadka sabri ya,oo ku sugnaada xaqa,oo ku adkaada
goobihiinna,Allena ka baqa waxa la arkaa in aad aflaxdaan oo
guulaysataane.
Qofka muslinka ah haddii
arrin la soo gudboonaado wuxu qaataa dariiqa iyo wejiga ugu fudud ee
dhibta yar,isagoo doorbida inuu cafis iyo saamaxaad bixiyo,oo sabro:
ولمن صبر وغفر إن ذلك لمن عزم الأمور(الشورى)
Aayadda:kuwa sabra ee
denbi dhaaf sameeya(saamaxaadda),arrinkaasi waa go'aan qiimo badan.
Sifooyinka wanaagsan ee
muuminka looga baahan yahay waxa ka mid ah dulqaadka iyo cadhada in
uu loqo oo is illawsiiyo:
"والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين " (آل عمران)
Aayadda:kuwa
cadhada laqa(illaawa/qariya) ee dadka cafiya Alle waa jecel yahay
kuwa ixsaanka iyo samafalka sameeya. Waxa sifooyinka wanaagsan ka
mid ah xishoodka iyo dhowrsoonaanta:
قال : { الإيمان بضع وسبعون شعبة أو بضع وستون شعبة، فأفضلها قول لا
إله إلا الله، وأدناها إماطة الأذى عن الطريق والحياء شعبة من الإيمان
} [رواه البخاري(
Xadiiska:wuxu
yidhi Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam iima anku waa dhawr
iyo todobaatan qaybood,ama dhawr iyo lixdan qaybood,oo uu ugun
sarreeyo,uguna faddilan yahay qawlka laa illaaha illa Allaah,oo ay
ugu hoosayso dariiqa oo laga leexiyo ama laga baydhiyo,waxyaalaha
dhibta leh,xishoodkuna waa qayb iimaanka ka mid ah.
Waxa laga rabaa muslin
kasta in uu ku daydo oo sameeyo,wixii Rasuulku nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee samayn jirey:
"لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِي
رَسُولِ اللَّهِ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِمَنْ كَانَ يَرْجُو اللَّهَ
وَالْيَوْمَ الْآخِرَ وَذَكَرَ اللَّهَ كَثِيراً)"الأحزاب)
Aayadda:xaqiiqa'e
wuxu idiin ahaa Rasuulkii Illaahay ku dayasho wanaagsan,kii rajeyna
Alle iyo yawmul aakhiro,ee Alle in badan xusuusan ee xusaya.
Nebigu sallallaahu calayhi
wasalam wuxu ahaa mid xishood bad an,oo ay waajib tahay in
aynu ku deyano,oo sifooyinkiisii ku sifowno:
قال أبو سعيد الخدري رضي
الله عنه : " كان النبي صلى الله عليه وسلم أشدّ حَياء مِن العَذْراء
في خِدْرِها " . رواه البخاري ومسلم
Xadiiska:wuxu
yidhi Abu Siciid Alkhudri raalli Alle ha ka noqde e;wuxu ahaa
Nebigu sallallaahu calayhi wasalam wuxu ahaa mid ka xishood badan
gashaantida aan la guursan weli.
Xishoodku waa shey ku
amaanan Islaamka oo looga baahan yahay muslin kasta,bal u fiirso
sida labadii hablood ee Nebi Muuse u war aabiyey xoolaha,ugu
timi mid ka mid ahi iyadoo xishood ka muu qd,si ay ugu
wargeliso in Aabbeheed uga abaalgudayo hawshii uu u qabtay:
فجاءته إحداهما تمشي على
استحياء قالت إنّ أبي يدعوك ليجزيك أجر ما سقيت لنا...(القصص)
Aayadda:waxa
timi middood iyadoo u soconaysa si xishood leh oo ku tidhi Aabbahay
ayaa kuu yeedhaya si uu kaaga abaaliyo xoolahaad noo waraabisay…
Rasuulka nabadgelyo iyo
naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu ahaa mid xishood badan,oo waxa uu
inoo yahay halbeeg aynu ku daya no,oo siduu u dhaqmi jirey oo
kale u dhaqanno.
Dhawrsoonaantu waa in aad ceebta ka dheeraato,oo waxa Alle kaa
xarrimay sida sinada ka fogaato,oo aad ahaato qof daahir ah oo
naftiisa ilaaliyey,waxan tusaale u soo qaadanaynaa dhawr
so onaanta Maryama bint Cimraan calayhaa salaam iyo Nebi Yuusuf
calayhi salaam,Maryama waxa ay ahay haweeney dhawrsooni ba dan
oo u ah dumarka wanaagsan tusaale iyo ku deyasho wanaagsan:
ومريم ابنت عمران الّتي أحسنت فرجها فنفخنا فيه من روحنا وصدّقت بكلمات
ربّها وكتبه وكانت من القانتين(التحريم)
Aayadda:iyo
Maryama ina Cimran tii wanaajisey farjigeda ee ilaalisay,waxannu ku
afuufnay ruuxdayada waxanay rumaysay kelimaadkii Rabbigeed iyo
Kutubtiisa waxanay ka mid ahay kuwa iimaanka leh ee cabsada.
Nebi Yuusuf dhawrsoonaantiisa darteed waxa damacday oo doon
tay inuu si aan bannaanayn wax ugu sameeyo,oo ka sinays
to,la akiin gaashaankuu u daruuray,oo wuxu ahaa shakhsi leh iimaan
iyo taqwo Alle,kuna sugnaaday dhawrsoonaan:
وراودته الّتى هو في بيتها
عن نفسه وغلّقت الأبواب وقالت هيت لك قال معاذ الله إنّه ربّي أحسن
مثواى إنّه لا يفلح الظالمون(يوسف)
Aayadda:waxa
nafteeda la doontay tii uu gurigeeda joogey,oo albaabadii intay
xidhay ku tidhi kaalay haddaba,markaasuu yidhi Alle ayaan ka magan
galay waxaa, Rabbigaygu wuxu wanaajiyey meeshaan ku sugnaanayo,mana
aflaxaan kuwa daalimiinta ahi.
Waxa jira dad danyar ah oo
sabool masaakiin ah,laakiin dhawrso onaan darteed aan dadku
garanayn in ay yihiin dad baahan:
للفقراء الّذين أُحصروا في
سبيل الله لا يستطيعون ضرباً في الأرض يحسبهم الجاهل أغنيآء من التّعفف
تعرفهم بسيماهم لا يسئلون النّاس إلحافاً وما تنفقوا من خير فإنّ الله
به عليم(البقرة)
Aayadda:Fuqarada ah kuwa
dariiqa Alle loo koobay ee aan awoo daynin in ay dhulka
maraan,oo uu u malaynayo jaahilku in ay aqniyo yihiin,oo wax
haystaan,taasina waa dhawrsoonaantooda awgeed,waxad garanaysaa
calaamadahooda oo dadka waxba ma waydiisanayaan,wixii aad khayr u
bixisaan sadaqo,Alle waa og yahay.
Runtu waxay ka mid tahay
sifooyinka qofka muslinka ah looga baahan yahay,waxa qiimaha runta
ina baraya diinteenna oo Alle subxaana watacaalaa qawlkiisu yahay
run,innagana ay tahay in aynu run ku dhaqnno:
ومن أصدق من الله قيلا ".
النساء
Aayadda:ayaa
ka run badan qawlka Alle.
Runtu waa sifo wanaagsan oo qofka ay hawl yar tahay sida uu u baro
naftiisa,oo isaga ilaaliyo in uu afkiisa ka sheego wax aan run
ahayn,waayo qofku hadduu fududaysto oo aanu runta ku adkaysan way ka
fogaanaysaa oo waxay dhaxalsiinaysaa been.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: " إن الصدق يهدي الى البر والبر
يهدى الى الجنه وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقا. وإن الكذب
ليهدي الى الفجور والفجور يهدي الى النار وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند
الله كذابا". البخاري
Xadiiska:wuxu yidhi Rasuulkii Alle nabadgelyo iyo naxariisi
korkii sa ha ahaatee; runtu waxay kugu hanuunisaa wanaagga,
wanaa gguna wuxu kugu hanuniyaa Jannada, qofku runtuu sheegaa ilaa
looga qoro Alle agtiisa run badane,beentuna waxay kugu hanuu
nisaa faajirnimada,oo faajirnimadu waxay kugu hanuunisaa naar
ta,qofku beentuu sheegaa ilaa looga qoro Alle agtiisa beenaale.
Waxa qofka muslinka laga
rabaa inuu ku sifoobo sifaha wanaa gsan ee muslinku
leeyahay,oo ka dheeraado sifooyinka munaa fiqiinta iyo gaalada
oo beentu ka mid tahay:
"علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان"
Xadiiska:Calaamadaha munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo be en
ayuu sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo haddii
wax lagu aamino wuu khiyaamaa Qofka muslinka ah waxa looga baahan
yihiin in uu ku sifoobo fur furnaan iyo bashaashni mo,iyo
dabeecad wanaagsan:
"وتبسمك في وجه أخيك صدقة)راه الترمذي )
Xadiiska:dhoola
caddayntaadu aad wejiga walaalkaa ku qaabish aa waa sadaqo.
Waxa qofka muslinka ah
laga rabaa in uu dadka u muujiyo oo ku qaabilo weji furan, oo aan
ahayn weji macbuusnimo,sidoo kale isa saamaxa iyo liqida cadhada:
"والكاظمين الغيظ والعافين
عن الناس والله يحب المحسنين" ( آل عمران)
Aayadda:kuwa
laqaya cadhada(cadha burburaya)ee cafiya dadka Alle waa jecel
yahay kuwa muxsiniinta ah ee ixsaanka iyo wanaagga sameeya.
Waxa la rabaa oo loo
baahan yahay in qofka muslinka ahi ahaado mid calool xaadhan,oo
dadka muslinka ah wada jecel,oo sifooy inka wanaagsan ku
doorta oo ku ixtiraama,laakiin aan ku ixtira amin wax kale sida
qabiil iyo wax la mid ah:
عن أبي هريرة رضي الله عنه
قال: قال رسول الله : "لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا
تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم
أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى
صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل
المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه.
Xadiiska:Abu
Hurayra waxa laga weriyey in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa ha ahaatee yidhi;ha is xaasidina,oo ha isku eryina(sida
ganacsiga..iwm),oo ha isu cadhoonina,oo ha isu dha bar
jeedinina,oo yaanu iibsan badhkiinba waxa badhka kale doo nayo
inuu iibsado,oo ahaado Addoomada Alle ee walaalaha ah Muslinku waa
walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo oo ma hoojiyo mana xaqiro,taqwada
iyo cabsidu waa halkan(ayuu yidhi Rasu ulku)isagoo tilmaamaya
laabtiisa saddex jeer,waxa ugu filan qof ka muslinka ah shar
in uu xaqiro walaalkiisa muslinka ah,Muslin kasta muslinka kale waa
ka xaaraan dhiiggiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisuba.
Sifooyinka muslinku waa in uu kaashado,oo taageersado isna taa
geero u fidiyo dadka muslimiinta ah:
وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى
الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ
الْعِقَابِ(المائدة)
Aayadda:isku
caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku ca
awinina,denbiga iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu waa
mid daran oo adage.
Sidoo kale sifooyinka
muslinku waa in ay dadka muslinka ah is far aan wanaagga oo
iska reebaan xumaha:
وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ
يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ
الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ
أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ
حَكِيمٌ(التوبة)
Aayadda:Muuminiinta
Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin oo isfarayaan
wanaagga oo iska reebayaan xumah a,oo Salaadda oogayaan
Sakadana bixinayaan,Alle iyo Rasulkii sana adeecayaan,kuwaas
Alle ayaa u naxariisanaya,Alle waa ka qaaliga ah ee xakiimka ah.
Sifooyinka muslinka waxa
ka mid ah xaqsoor iyo cadaalad sama yn,mar kasta:
ياأيها الذين ءامنوا كونوا قوامين بالقسط شهدآء لله ولو على أنفسكم أو
الوالدين والأقربين إن يكن غنياً أو فغيراً فالله أولى بهما فلا
تتّبعوا الهوى أن تعدلواً(النساء)
Aayadda:kuwa
Alle iyo Nebigiisa rumeeyow ahaada kuwo ku qumma oo sameeya
xaqsoorka,oo Alle dartii taas uga marag kaca,haba ahaato
nafihiinna,ama waalidiinta,ama dadka qaraabada ah,qofku ama taajir
wax haysta ha ahaado,ama mid faqiir ah ha ahaadee u xaqsoor Alle
ayaa amarkiisu mudan yahay,ee ha ka raacina hawadiina inaad
caddaalad samaysaan.
Waxa ka reebban muslinka dulmiga in ay iyagu is dulmiyaan oo cid
kale dulmiyaan:
قال رسول الله " إتقوا الظلم فإن الظلم ظلمات يوم القيامة }"واه مسلم{
Xadiiska:ka
baqa dulmiga oo ha samaynina,dulmigu waa mugdi maalinta qiyamaha'e
Waxa ka mid ah sifaha laga rabo muslinka in uu ku sifoobo raxmad iyo
naxariis,waa sifo Alle inaga rabo,oo haddaynu ku sifowno Alle inoogu
naxariisanayo:
وعن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال: قال رسول الله : ((من لا يرحم
الناس لا يرحمه الله)) [رواه البخاري ومسلم] ، ورواه أحمد
Xadiiska:Jariir
Ibnu Cabdillaahi Alle ha ka raalli noqdee wuxu yid hi Rasuulku
nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:kaan dadka u
naxariisan Alle uma naxariisto.
Sifooyinka wanaagsan waxa
ka mid ah in qofka muslinka ahi noq do mid sadaqada bixiya,oo
waxa uu jecel yahay dadka kalena la jeclaada:
لن تنال البر حتّى تنفقوا ممّا تحبّون وما تنفقوا من شيء فإنّ الله به
عليم(العمران)
Aayadda:heli maysaan wanaagga ilaa aad bixisaan waxaad jeces
hihiin,wax aydin bixisaanna Alle waa og yahay.
Qofka kibirka badani ma
galo jannada oo waxa muslinka la faray aa kibir la'aan iyo
isqaadqaad la'aan:
قال رسول الله صلى الله
عليه وسلم "لا يدخل الجنة من كان في قلبه مثقال ذرة من كبر"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaa tee wuxu yidhi;ma galo jannada qof in yar oo kibir ahi
qalbigiisa ku jirto.
الحديث: "من تواضع لله رفعه
ومن تكبر وضعه "
Xadiiska:qofkii
tawaaduc iyo kibir la'aan u dhaqma Alle wuu kor qaadaa,kii kibrana
wuu hoos dhigaa.
Sida qofka sifaha
wanaagsan leh loo tixgeliyo ee loo doorto loog ana doorbido
ciddii kale,waxay ku tusaysaa in lagu qiimeeyo qofka dhaqankiisa iyo
wuxuu ku sifoobo:
حديث:"إذا أتاكم من ترضون
دينه وأمانته فزوجوه إلا تفعلوا تكن فتنة في الأرض وفساد كبير"
Xadiiska:hadduu
idiin yimaaddo mid aad ka raalli noqotaan diintii sa iyo
amaanadiisa u guuriya,haddii kale dhulka fitno iyo fasaad ayaa ka
dhacaya'e.
Sifaha iyo astaamaha qofka muuminka ah lagu gartaa way badan yihiin
waxana sal iyo aasaas u ah taqwada ama cabsida Eebbe.
Waxan Alle ka baryaynaa inuu inoo fududeeyo oo ina jeclaysiiyo
sifooyinka wanaagsan inagana dhigo kuwo leh sifooyinka muum
inka dhabta ah,kuna muta raalli noqodka Eebbe iyo jannadiisa
Aamiin Aamiin.
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|