Adduunka ama Kownka
Qaybtii 13 aad

 

 

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu  Waxaan salaantaa qaaliga ah ee Islaamka u dirayaa Shebekadda  Longlivesomaliland iyo Akhristayaasheeda.


Gaalada iyo sida loola dhaqmayo

Gaaladu waa dhamaan ciddii aan haysan Diinta Islaamka oo isugu jira dadka loo yaqaan Ehlu kitaabka oo ah Kiristaanka iyo  Yuhuu dda,waxa kale oo gaalada ka mid ah Mushrikiinta ee sanamada  i yo naarta iyo wixii la mid ah caabuda iyo Cawaanka ama  Mulxidii ntaaan Alleba aaminsanayn,dadkaas oo ay ugu ood sokeeyaan  ku wa Ehlu kitaabka ahi(Kiristanka & Yuhuudda), laakiin ilaa intay ka qaadanayaan Islaamka oo Alle iyo Nebiga rumaynayaan,waa  gaa lo oo dhamaan waa ehlu naar :


إنّ الذين كفروا من أهل الكتاب والمشرلين في نار جهنّم خالدين فيها أولئك هم شرّ البريّة(البيّنة)


Aayadda:kuwa gaaloobay ee isugu jira Ehlu kitaabka(Kiristanka & Yuhuudda) iyo Mushrikiintu waxay gelayaan Naarta Jahannama oo ay ku waarayan,waana kuwa ugu shar badan wax la abuuray oo dhan.
Alle Diinta Islaamka mooyaane diin kale kama raalli aha mana ogola:

...اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم ألإسلام ديناً(المائدة)

Aayadda:Maanta waa la idiin kamilay oo laydiin dhamaystiray  Dii ntiinna, nimcadaydana waan idiin taam yeelay,oo waxan idiinka raalli noqday Islaamku inuu Diin idiin ahaado.

Diin aan Islaamka ahayn oo Alle ka raalli yahay ma jirto oo ciddii Diin kale qaadataa waxay helayaan abaal ah inay Naarta  Jahann amo galaan:

(... ومن يبتغ غير إلإسلام دينا فلن يقبل منه)

Aayadda:ciddii radsata ama qaadata Diin aan Islaamka ahayn  la ga aqbali maayo.

Dadka gaalada ah haddaba sidee ayay Muslimiintu ula  dhaqmaya an?!,Islaamku wuu xaddiday oo wax kasta nidaam ayuu u  dhiga y,markaa dadkaa gaalada ah, waxa qofka Muslinka ula  dhaqma yaa si waafaqsan manhajka iyo sharciga Diintu u dhigtay, waxana saaran xil ah inuu ku dadaalo inuu badbaadiyo intuu karo,ee  Bin i'aadam ah oo falowgeed gabto siduu Ehlu janno dadkani u noqon lahaa oo Naarta uga badbaadi lahaa,markaa waa in mar hadduu Islaam yahay isaga lagu deydaa,ee aanu isagu gaal lunsan ku  day an,waa in qofka Muslinka ah qowlkiisa iyo ficilkiisa uu dhaqan  ah aan u samaynayoba laga helaa sifooyinka wanaagsan ee  Muslin ka,taas oo soo jiidanaysa qof kasta oo Bini'aadan ah,Diinteennu waxay ina faraysaa in aynu ciddii magan gelyo ina weydiisata ee gaalada ah aynu magangelino,si uu u maqlo diinteenna oo u arko dhaqnkeenna wanaagsan:

وإن أحد من المشركين استجارك فأجره حتّى يسمع كلام الله ثمّ أبلغه مأْمنه ذالك بأنّهم قوم لا يعلمون (التوبة)

Aayadda:haddii mid Mushrig ahi ku soo magangalo,sii magangelyo oo magangeli si uu u maqlo kalaamka Alle,ka dib gaadhsii ilaa iyo meesha aaminka u ah,waa Qowm aan waxba ogayne.

Waxa loo baahan yahay in Diinteenna oo ah diin raxmadeed  caala mkoo dhanna Alle u soo rogey,waa in ay innaga muuqataa dhaqan iyo qowlba oo dadku innagaga daydaa, waana in aynu mar kasta ahaannaa kuwo ku nool kalsooni iyo talo saarasho Alle oo aynaan cid kale wax ka sugin Eebbeheen mooyee,isagaa ina abuuray  irsa aqadeenna iyo waxaynu helaynoba qoray,oo ay gacantiisa ku  jirt aa,markaa waa in aynu u noqonnaa Bini'aadamkoo dhan halbeeg ay ku deydaan,oo ku sifownaa diinteennu sifooyinkay ina amrayso ee ina farayso,qofka Muslinka ahi waa inaanu isagu ku deyan gaal lunsan,sidoo kale waa inaanu ka yeelan gacal uu ku tiirsado,oo yaanu jaal ka dhigan:

( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللَّهَ لا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ) المائدة

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebiga rumeeyow ha ka yeelanina  Yuhuu dda iyo Nasaarida(Kiristaanka)Awliyo(kuwo aad ku tiirsataan oo jaal ka dhigataan),iyaga ayaa badhba badhka kale jaal u  yahay e,qofka ka yeesha jaal uu ku tiirsado,waa ka mid iyaga,Alle ma hadeeyo Qowm daalimiin ah.

Gaalada Ehlu kitaabka ah Yuhuudda iyo Kiristanka waxa lagu kala sifeeyaa:kuwii loo cadhooday(qayru maqduubi calayhi)oo  Yuhuud da ah,iyo kuwa lunsan(wala daaliin)oo ah Kiristanka,waayo  Yuhu uddu iyagoo xaqii garanaya ayay caniidnimo darteed u  diidayaan, halka Kiristanku ay ka lunsan yihiin xaqa oo aanay garanayn.

Gaalada sidaad ula dhaqmaysaa waa xaddidan tahay oo marna  la ma ogola inaad isu dhiibto oo iyaga talosaarato oo quud darayso, waa inaad ogaato inaad xaq ku taagan tahay,oo ay waajib tahay inaanad seegin wanaagga diintaada,iskuna daydo in aad soo  bad baadiso intaad karto ee insaan adduunka ku nool,qofka Muslinka ahi waa inuu Illaahay ku tiirsadaa,dadka Muslimiinta ahina uga  d howaadaan cid kasta,oo aanu ku doorsan gaalo marnaba:

( لا يَتَّخِذْ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ فَلَيْسَ مِنْ اللَّهِ فِي شَيْءٍ إ... ) آل عمران

Aayadda:Muuminiintu kama yeeshaan gaalada jaal ay ku  tiirsada an,halkii Muuminiinta ay ka yeelan lahaayeen,kii caynkaa  sameey aa,Alle wax uu ugu jilan yahay ma jirto oo Alle agtiisa waxba kama aha.

Qofka Muslinka ah waa ka aan soo dhoweysan gaalada,laakiin  Mu slimiinta soo dhoweysta,oo gaaladu xataa hadday ehelkooda iyo qaraabadooda yihiin oo gaalo yihiin aan rafiiq ka dhigan iyo jaal ay ku tiirsadaan:

( لا تَجِدُ قَوْماً يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُولَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الأِيمَانَ وَأَيَّدَهُمْ بِرُوحٍ مِنْهُ ) المجادلة

Aayadda:heli maysid Qowm Alle iyo Yowmul qiyaamaha  rumeey ey,oo kalgacal iyo jeclaan siinaya mid Alle iyo Rasuulkiisa la  cola atamaya,haba ahaadeen Aabayaashood,ama Carruurtooda,ama Walaalohood,ama Qaraabadooda,kuwa caynkaas sameeya,ee  gaa lada ka dheeraada,Alle ayaa qalbiyadooda iimaan dejiyey,oo ku ayiday oo ku taageeray ruuxdiisa.

Waalidka oo Alle ina faray inaan ixsaan u samayno oo u  dhibirsan aanno,oo Alle ku lamaaniyey cibaadadiisa uu Addoomada  farayo, oo in qofku waalidkiisa aanu wax dhibaya ku samayn oo maqashii n ,oo aanu uf ku odhan,hadalkiisa iyo amarkiisana adeeco,mar  ke liya ayaa Alle banneeyey in aan la adeecin waalidka,waa hadday yihiin gaalo oo ay ku amraan wax diinta Islaamka khilaafsan,oo  tusaale ahaan wax diintu xaaraan ka dhigtay,hadday xalaal ka  dh igaan,ama wax xalaal ah xaaraantinimeeyaan, ama sharci kale oo Alle diinta innoogu sheegay ay khilaafaan,sida wax shirkinimo ah oo kale ku amraan waad diidaysaa oo ma adeecaysid:

ووصينا الإنسان بوالدين بوالديه حمّلته أُمّه وهناً على وهن وفصاله في عامين أن أشكر لى ولوالديك إليّ المصير
وإن جاهداك على أن تشرك بي ما ليس لك به علم فلا تطعهما وصاحبهما فى الدّنيا معروفاً...(لقمان)

Aayadda:waxannu Insaanka u dardaarannay waalidkooda  Hooya d ii qofka waxay ku qaaday(uurka)dhib aad u daran,waxanay naas nuujintu tahay laba sanno,waa in uu ii shukri naqaa aniga iyo  wa alidiintiisa xaggayga ayaa loo soo noqon doonaa'e,haddii ay isku deyaan inaad iigu shariig yeeshoo wax aanad cilmi u lahayn,ha  ad eecin,oo wanaag kula dhaqan waalidka Adduunka intaad wada joogtaan.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa inuu ilaashado iimaankiisa oo aanu u dayicin gaal uu is leeyahay wax buu kuu tarayaa,waa inuu Alle keliya wax ka sugaa,oo uu ka maarmo ciddii kale ee aan Alle ahayn,oo aanu adeecin gaalada oo raacin baadidooda:


ولا تطع الكافرين والمنافقين ودع أذاهم وتوكّل على الله وكفى بالله وكيلا(ألأحزاب)

Aayadda:ha adeecin Gaalada iyo Munaafiqiinta oo iska dhaaf  dhib tooda waxad talosaarataa Alle,isaagaa talosaarasho kuugu filane.
Gaalada uma bannaana loomana ogola in ay gabadh Muslin ah guursadaan:

يا أيّها الّذين ءامنوا إذا جاءكم المؤمنات مهاجرات فامتحنوهنّ الله أعلم بإيمانهنّ فإن علمتموهنّ مؤمنات فلا ترجعوهنّ إلى الكفّار لا هنّ حلّ لهم ولا هم يحلّون لهنّ...(الممتحنة)

Aayadda:kuwii Alle iyo Nebigiisa rumeeyow haddii ay idiin  yima adaan dumar Muuminiin ah oo soo hijrooday,imtixaana Alle ayaa og iimaankooda'e,haddaad hubisaan oo aad ogaataan in ay dumar muuminiin ah yihiin,ha ku celinina gaalada,uma aha xalaal in ay gaaladu guursato,iyagana gaaladu xalaal uma aha.

Mushrikiinta lama guursan karo iyaguna ma guursan karaan Muslimiinta:

ولا تنكحوا المشركات حتّى يؤمنّوا ولأمّة مؤمنة خير من مشركة ولو أعجبتكم ولا تنكحوا المشركين حتّى يؤمنوا ولعبد مؤمن خير من مشرك ولو أعجبكم أُولئك يدعون إلى النّار والله يدعوا إلى الجنّة والمغفرة بإذنه ويبين ءاياته للنّاس لعلهم يتذكّرون(البقرة)

Aayadda:ha gursannina dumarka Mushrikiinta ah,ilaa ay ka  musli mayaan,waxa Mushrikadda ka khayr badan Addoomad Muslin  ah, xataa hadday idin cajebiso, oo ha guursannina(dumarka muslinka ahow)ragga Mushrikiinta ah, ilaa ay ka muslimayaan, waxa ka  kh ayr badan Addoon Muslin ah,xataa hadday idin  cajebiyaan, kuwa asi waxay idiinku yeedhayaan Naarta,Allena wuxu idiinku  yeedh ayaa Jannada iyo Maqfirada ama denbi dhaafka, idamka  Alle, wa xana Alle u caddeeyey dadka Aayadihiisa waxa la arkaa inay ku waana qaataane.

Qofka Muslinka ahi waa inuu ku kalsoonaadaa waxa Alle nasiibka u siiyey,oo uu u dadaalaa inuu liibaanta Ifka iyo Aakhiro helo taas oo ah in Alle ka raalli noqdo,waa in uu ka maarmo cid kale oo  aa nu waxba ka sugin,waayo Alle ayaa qoray wuxuu la kulmayo oo helayo,intuu noolaanayo,meeshuu ku dhimanayo,iyo wax  kasta, markaa waa in aanu qofna Gaalada dhaldhalaalkooda iyo waxa  A dduunka Illaahay ku siiyey is raacin oo u hanqal taagin,waa wax Gaalada lagu luminayo oo ay isa siiyeene:

فلا تعجبك أموالهم ولا أولادهم إنّما يريد الله ليعذبهم بها في الحياة الدّنيا وتزهق أنفسهم وهم كافرون (التوبة)

Aayadda:ha la yaabin oo yaanay ku cajeb gelin Maalka iyo  Carruu rt oodu Alle wuxu doonayaa inuu ku cadaabo dunida oo ay  naftoo du ku taraarto oo ku fogaato iyagoo gaalo ah.Mushrikiintu waa kuwa Alle cid aan ahayn caabuda sida Sanamada,Dabka…..iwm

Waxa Diinta Islaamku u aragtaa inay yihiin nijaas,maadaama  aan ay garanayn wixii loo abuuray oo ah inay Illaahay keliya  caabuda an,waa inaad u aragto sida Diintu u aragto:

يا أيها الذين ءامنوا إنّما المشركون نجس فلا يقربوا المسجد الحرام بعد عامهم هذا وإن خفتم عيلة فسوف يغنيكم الله من فضله إن شاء إنّ الله عليم حكيم(التوبة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebi rumeeyow Mushrikiintu waa nijaase yay u dhowaanin Masjidul xaraamka wixii sannadkan(Fatxul  mak ka) ka dambeeya,oo haddaad gaajo ka cabsataan Alle ayaa idinku irsaaqaya fadligiisa,insha Allah, Alle waa cilmi badane ah xakiim.
Qofka Muslinka ahi maadaama uu Alle ku tiirsan yahay oo  talosaa rtay,waa inaanuu dan ka gelin cid kale oo ogaado inanay waxba ku samayn karin mar haddii Alle la jiro

يا أيّها الّذين ءامنوا عليكم أنفسكم لا يضرّكم من ضلّ إذ أهتديتم إلى الله مرجعكم جميعا فينبئكم بما كنتم تعملون(المائدة)

Aayadda: kuwa Alle iyo Nebi rumeeyow ka adkaada  naftiinna, idi nma dhibi karo oo wax idinma yeeli karo,mid baadiyoobey  hadda ad adinku hadawdaan oo hanuuntaan,Waxa dhamaantiin u  noqon aysaan xagga Alle oo idiinka warrami doona waxad ahaydeen  ku wo samaynaya.

Alle subxaana watacaalaa wuxu Gaalada iyo Munaafiqiinta ugu ballan qaaday inuu gelin doono naarta Jahannama ee kulul:

وعد الله المنافقين والمنافقات والكفّار نار جهنّم(التوبة)

Aayadda:Alle wuxu ugu ballan qaaday Munaafiqiinta rag iyo  dum arba iyo Gaalada naarta jahannama.

Gaalada waxa loo qaybiyaa Afar qaybood:

1-Kaafir dimmi ah:waa gaalka deggan dhul muslimiintu  leedahay oo bixiya Jisyo,waxana loola dhaqmayaa sida Muslimiinta loola, dhaqmo oo kale oo dimmadaada ayuu saran yahay oo adigaa ka masuul ah.


2-Kaafir mucaahid ah(heshiis):waa marka heshiis dhex maro  dawl adda Islaamka ah iyo Dawladdaa gaalada ah oo metelan muddo  g o'an aan la dagaalamayn,ama heshiis nabad furan lagu  jirayo, tus aale Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu  m ar la galay Qurayshta heshiis Toban sanno in aan dagaal dhicin  w uuna fuley.

3-Kaafir musta'min ah(magangelyo ama Amaangelin):waa gaal ka mid ah gaalada muslimiinta dagaalka kula jirta laakiin  magangel yo ku yimi ama qof ha magangeliyo ama Dawladdu ha  magangel isee,sida Aayaddani ina farayso:

وإن أحد من المشركين استجارك فأجره حتّى يسمع كلام الله ثمّ أبلغه مأْمنه ذالك بأنّهم قوم لا يعلمون (التوبة)

Aayadda:haddii mid Mushrig ahi ku soo magangalo,sii magangelyo oo magangeli si uu u maqlo kalaamka Alle,ka dib gaadhsii ilaa iyo meesha aaminka u ah,waa Qowm aan waxba ogayne.

Saddexdaa qaybood lama layn karo,dhib kalena looma geysan  ka ro inta ay xaaladdaa ku sugan yihiin:

قال صلى الله عليه وسلم: "من قتل معاهداً لم يرح رائحة الجنة وإن ريحها ليوجد من مسيرة أربعين عاماً" أخرجه البخاري

Xadiiska:Rasuulku sallallaahu calayhi wasalam wuxu yidhi qofka dila gaal mucaahid ah,ma urinayo Jannada urteeda,iyadoo  Janna da urteeda laga dareemayo meel afartan sanno loo socon karo.

Aayad iyana arrinkaa oo dilku u dhacay si kama' ah sheegaysaa waxay odhanaysaa:

قال تعالى: " وإن كان من قوم بينكم وبينهم ميثاق فدية مسلمة إلى أهله وتحرير رقبة مؤمنة"(النساء)

Aayadda:hadduu qofka la dilay ka mid yahay Qowm uu heshiis  idi nka dhexeeyo,waa inuu qofkii wax dilay siiyo Diyo ehelkii  qofk a,oo uu qof Addoon ah oo muslin ahna xoreeyo.

4-Kaafir xarbi:waa gaalka aan Saddexdii aynu soo sheegnay  midn a ahayn,noocan qofka muslinka ihi wuu dilayaa hadduu dhulka  m uslimiinta ka helo wax loo raacayaana ma jirto oo waa gaal Muslimiinta dagaal kula jira.

قاتل الّذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الآخر ولا يحرّمون ما حرّم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الّذين أُتوا الكتاب حتّى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون(التوبة)

Aayadda:la dagaallama kuwa aan Alle iyo Yowmul qiyaamaha  ru mayn,oo aan xaaraamayn waxa Alle iyo Rasuulkiisu xaaraan ka dhigeen,oo aan Diinta xaqa ah ka yeelan diin,ee ka mid ah  Ehlulk itaabka ilaa ay Jisyada bixiyaan iyagoo xaqiran oo hooseeya.

Gaalka aan Muslimiinta la dagaalamin oo aan wax necayb ah u  qa bin,adoo aan marna ka baxayn xuduudda Islaamku kuu  dhigay, w aad u samayn kartaa ixsaan iyo wanaag:

لا ينهاكم الله عن الذين لا يقاتلوكم في الدّين ولم يخرجوكم من دياركم أن تبرّوهم وتقسطوا إليهم إنّ الله يحب المقسطين (الممتحنّة)

Aayadda:Alle idiinma diidayo in gaalada aan diinta idinkula  daga alamin,ee aan guryihiinna idinka saarin in aad u dhibirsanaataan oo caddaalad u samaysaan,Alle waa jecel yahay kuwa  caddaal adda sameeya.

Qof kastoo Muslin ahi waa inuu ogaadaa inuu xaq ku taagan  yah ay oo lahaadaa oo ay ka muuqdaan sifaha wanaagsan ee  Islaamk u,oo Salaadda oo ah sheyga ugu horreeya ee ina kala sooca  inna ga iyo gaalada ku dadaalo,oo naxariista iyo dhaqanka wanagsan qabatimo,oo la jeclaado gaalada inay soo Islaamaan oo naarta iyo cadaabka ka badbaadaan,taas oo ay wanaagsan tahay inuu ugu soo bandhigo si fiican oo habaysan, oo uu ka sii  fekero, dhaqankii sa wanaagsanina noqdo mid dadka jecleeya Islaamka oo ay  doon aan inay iyaguna sidaa wanaagsan u dhaqmaan,ha lagugu daydo ee adigu wax ha ku dayanin.

 

 

Gaalo talo ha weydiin
Garaadkooda foorora
Garan waaye Allohood
Garabsade Ibliisoo
Gacansaar la yeeshoo
Geyaysii halaag iyo
Go'doon iyo wareeriyo
Gef aan laga dhamaanayn
Guunyadiyo xoolaha
Garmaamada ismoodka ah
Go'aan baa ka yaalloo

********

Guullihii abuuray
Gaalnimo ka doorteen
Guga soo socday garan
Geeri iskama baajaan
Godka waa la wada gelin
Garta iyo xisaabtuna
Goorteeda way iman
Gurigoodu waa naar
Gungumiyo abeesiyo
Guhaadooda cabashada

********

Gargaar li'da imanay
Gaax weeye dhigashoo
Geedkay iyagu beereen
Gurta midhaha lagu yidhi
Gala idinkaa doortee
Goor iyo Alleyl baa
Garo lagu lahaayoo
Gees aad ka dhaaftoo
Gowsaha dhigaysoo
Garta qaadan weydee

********

Gaashaankaagii meeyoo
Geesinimadii keenoo
Geerida bal celiyoo
Guji halkaad bidaysoba
Garaac albaabkaad doontana
Gargaar Ibliis ma helaysaa
Garba dheer ma fuulay
Gabbashada ma kaashanay
Godad maysku qarinay
Galgalo ama garmaamee
Gilgilo kaama goysee

********

Gantaashiyo fallaadhaha
Gubashada dab naareed
Gacmahaagaa keenee
Garaadkaagaa doortee
Guulle mayska celinay
Geeshkaa hallawsani
Guuxiisa beenta ah
Geddiskiyo dhaqaalaha
Guluubkooda xorriyadda
Gorfaynteeda ilbaxnimo
Gefku uu ka buuxana
Garo oo ha moogaan
Gudintu yay ku goynine
Guullaa ilaaliyo
Garabkaaga joogoo
Gacan kuu fidinayee
Gaalo talo ha weydiin
 

 

Saeed Ibrahim Hussein