Adduunka ama Kownka
Qaybtii 24 aad

Amaanada iyo Daynta
Alle subxaana watacaalaa
wuxu makhluuqaadka uu abuuray,u kala saa ray kuwo caqli
leh,iyo kuwo aan caqli lahayn,kuwa caqliga leh waa sad dex
Malaa'igta,Insaanka iyo Jinka,waxa ay wadaagaan Malaa'igta iyo Jinku
in aynaan arki karin innagu,haddaynu Insaan nahay,iyaguse ina
arkaan,waxa sidoo kale Insaanka iyo Jinku wadaagaan,waxa ay
labado odu yihiin mukallafiin,ay saaran tahay amaanada diinta xaqa
ahi:
وما خلقت الجن والانس الا ليعبدون ما اريد منهم من رزق وما اريد ان
يطعمون ان الله الرزاق ذو القوة المتين...(ءاية في سورة الذاريات)
Aayadda:Umaan abuurin
Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaan e,kama rabo risiq
iyo inay i quudiyaan,illaahay ayaa Raasiq ah oo leh quwad xoog leh.
Labadaba Insiga iyo Jinka waxa Alle u abuuray in ay caabudaan Alle
keligiis,wax kale oo loo abuuray ma jiraan.
Amaanadu waa shey culus oo leh shuruudeheeda iyo waajibaadkiisa,oo
ay tahay in looga soo baxo,oo loo guto sida la iska rabo,ee waajibka
ah,waxana Alle isagaa korreeyee inoo soo diray Rusul ina barta,oo
inoo caddaysa sida iyo dariiqa loo guto,ee Amaanadaa waajibkeeda
looga soo boxo.
Waxa Alle subxaana watacaalaa u soo bandhigay makhluuqaadka oo
dh an,in ay amaanada diinta qaadaan,laakiin way ka cudur
daarteen,Allena waa ka aqbalay, waxase qaaday oo ogolaaday Insaanka:
قال تعالى (إنا عرضنا الأمانة على السّماوات والأرض والجبال فأبين أن
يحملنها وأشفقن منها وحملها الإنسان إنه كان ظلوما جهولا) الأحزاب
Aayadda:waxannu u bandhignay amaanada samooyinka iyo arlada iyo
buuraha, dabadeed way diideen in ay qaadaan,oo culayskeeda ayay
dhibsadeen,waxase qaaday Insaanka waa dulmi badane jaahil ah.
Alle subxaana watacaalaa Adduunkan wuxu u abuuray si xaq ah,oo
ujeeddo ku dhisan,uma abuurin dheeldheel iyo ciyaartoonna,amaanada
Insiga iyo Jinka saaranina ma aha mid la fududaysan karo,maadaama
amar Eebbe ay tahay:
وما خلقنا السّماء والأرض وما بينهما لاعبين(ألأنبياء)
Aayadda:uma aannu abuurin samooyinka iyo arlada iyo inta u dhexaysa
ba si dheeldheel iyo ciyaar ah.
Qofka muslinka ahi waa in aanu dhayalsan noloshan iyo ujeeddada ka
dambaysa,iyo amaanada ina wada saaran,ee ah in diintu waxay ina
farayso aan la nimaadno,waxa ay innaga reebaysona ka dheeraanno,oo
hoggaansamid dhab ah la nimaadno.
Qof kasta amaanada waa lagala xisaabtami doonaa,oo xataa naftiisu
waa amaano Alle u dhiibtey,isagu iskama leh,waxana laga rabaa in uu
xaqeeda mariyo,ma halligi karo mana dili karo,oo waxay la mid tahay
hadduu is dilo isagoo qof muslin ah dilay:
ومن يقتل مؤمنًا متعمدًا فجزاءه جهنّم خالدين فيها(النسّاء)
Aayadda:kii u dila qof muumin ah,si badheedh ah jasaa'igiisa iyo
abaalk iisu waa jahanama oo uu ku waarayaa.
Ma aha noloshu ciyaar ciyaar iyo sidii filin la metalayo,oo diintan
Alle ay aa soo dejiyey,sharcigeeda iyo waajibkeeda ina
baray,innagu ikhtiyaar uma lihin in aynu ciddaynu doonto diinta ka
saarno,ama u deyno,waxa ynu doonnona xalaalayno,waxa aynu
doonnona xaaraan ka dhigno,d iintani waa amaano ina wada
saaran,qof kastana waa lala xisaabtami doonaa,dheeldheel iyo sidaynu
jecel nahay ma aha:
أفحسبتم أنّما خلقناكم عبثاً وأنّكم إلينا لا ترجعون فتعالى الله الملك
الحقّ لا إلـه إلا هو ربّ العرش الكريم(المؤمنون)
Aayadda:ma waxad u malaynaysaan in aannu idiin abuurnay dheeldheel
iyo ciyaar,oo aan xaggayaga la idiin soo celin doonin,Alle ayaa kor
ahaa day,boqorka xaqa ah,ee isaga mooyee aan Alle kale jirin,waana
ka carshiga kariimka ah iska leh.
Waxa laga rabaa qofka
muslinka ah,in uu ilaaliyo amaanada Alle ku wa ajib yeelay,oo
ay uga soo baxaan masuuliyadda ay leedahay amaanad ani sida la
rabo,oo aanay ka gaabin,oo khiyaamin amaanada saran,ee waajibka ku
ah:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لاَ تَخُونُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ
وَتَخُونُوا أَمَانَاتِكُمْ وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ) الأنفال(
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow,ha khiyaamina Alle iyo
Ras uulkiisa,oo ha khiyaamina amaanooyinkiinna,idinkoo og,oo
garanaya.
Alle wuxu ina amrayaa in aynu ilaalino amaanada oo u celino ciddii
iska lahayd,iyada oo sideedii ah,oo aan nusqaan lahayn iyo ceeb
kale,waq tigeeda iyo muddadeedana waa in la ilaaliyo,oo aan lala dib
dhicin,ee loo celiyo ehelkeeda ama ciddii lahayd:
إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الأَمَانَاتِ إِلَى
أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا
بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ
سَمِيعاً بَصِيراً(النساء(
Aayadda:Alle wuxu idin amrayaa in aad u celisaan amaanooyinka
ehel koodii iska lahaa,oo haddii dadka aad kala xukumaysaan,aad si
cadda alad ah u kala xukuntaan, Alle wuxuu idiinku yeedhayaa oo
idiin yaboo hayaa wanaag,Alle waa ka maqlaya ee arkaya wax
kasta.
Waxa diinteenna xaniifka ahi ina faraysaa in aynu ilaalino
amaanada,oo aynaan marna samayn khiyaamo,xataa haddii adiga lagu
khiyaa mo,aanad adigu sidooda yeelin:
)قال رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ أَدِّ
الأَمَانَةَإِلَى مَنْ ائْتَمَنَكَ وَلا تَخُنْ مَنْ خَانَكَ.(مسند
أحمد
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaat e e yidhi; amaanada u celi ciddii ku aaminta,oo ha khiyaamin
adigu ka ku khiyaama.
Amaanadu waa mas'uuliyad si guud dadka midba si gaar ah u
saara n,mid waa la wada wadaagaa,oo waa ta diiniga ah,ee waajibka
ina wada saran,ta kale qof kasta wixii si gaar ah,ama loogu aamino
ee loo dhiibto,ama xil ha ahaado,ama xoolo iyo alaabo,ama ha ahaado
ballan iyo sir…iwm,waxa qofka looga baahan yahay in uu masuuliyadaas
ka soo baxo:
قال رسول الله صلى اللّه عليه وسلم" كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته
فالإمام راع و مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها و مسئولة عن
رعيتها والخادم راع في مال سيده و مسئول عن رعيته فكلكم راع وكلكم
مسئول عن رعيته"
Xadiiska:Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu
yidhi kulligiin waxa tihiin masuul,waxanad ka masuul tihiin waxa la
idin raaciyey,ee mas'uulka la idiinka dhigay,Iimaamku waa masuul
waxanu masuul ka yahay Ummadda la raaciyey,Haweenaydu waa mas'uul
waxa nay ka masuul tahay,guriga ninkeeda oo la
weydiinayaa,Khaadimkuna waa masuul oo maalka iyo xoolaha
sayidkiisa(kuu u shaqeeyo)ayuu masuul ka yahay oo la weydiinayaa,
kulligiin waxad tihiin masuul waana laydin weydiinayaa waxaad
masuulka ka tihiin.
Qofka waxyaalaha lagu qiimeeyo,ee lagu qadariyo,waxa ka mid
ah,aa min nimada:
قال النبي عليه الصلاة والسلام: "ألا لا إيمان لمن لا أمانة له، ولا
دين لمن لا عهد له"
Xadiiska:wuxu yidhi Nebigu calayhi salaatu wasalaame,waar hooy
iima an ma laha,qofka aan amaano lahayni,oo diin ma laha qofkaan
ballan lahayni.
Rasuulkeenna sallallaahu calayhi wasalam,waxa loo yaqaanney saadiqul
amiin,oo ah run badanihii aaminka ahaa,xataa ka hor intaanu nebiga
noqon,ka dib Alle wuxu ku sifeeyey aamin:
مطاع ثمّ أمين(التكوير)
Aayadda:waa
mid muddeec ah,oo aamin ah.
Aaminnimadu waa
sifooyinkii anbiyadoo dhammi lahayd, iyo muslin kas too khayr
jecel,dhamaan waxa ay Anbiyada ama Rusushu sifo u lahaay een
aaminnimo, iyo dhamaan sifooyinka Islaamku ina farayo,waayo waxay
inoo ahaayeen ku dayasho:
إذ قال لهم أخوهم نوح ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم هودٌ ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم صالح ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم أخوهم لوط ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين(الشعراء)
إذ قال لهم شعيب ألا تتقون إنّي لكم رسولٌ أمين (الشعراء)
Dhamaan aayadahani waa isku mid waxana Nebiyada Nuux,Huud,Saalax iyo
Shucayb, mid kasti qowmkiisa u sheegayaa in uu yahay Rasuul Alle u
soo diray,oo ah mid aamin ah,waxaynu soo qaadanaynaa qawlka Nebi
Nuux:
Aayadda:waqti(xus Nebi Allow)uu ku yidhi walaalkood Nuux miyaydaan
cabsanayn waxan idiin ahay Rasuul laydiin soo diray oo aamin ah.
waxa tusaale aynu u soo qaadanaynaa dhacdooyin inoo muujinaya
aaminnimada iyo qiimeheeda:
Nebi Yuusuf markii boqorkii Masar u yeedhay wuxu u sheegay Yuusuf
sifadiisa:
قال اجعلني على خزائن الأرض إنّي حفيظ أمين(يوسف)
Aayadda:iga dhig ninka khasnadaha ka masuulka ah,waxan ahay mid wax
xifdiya,oo ilaaliya oo ah aamine.
Nebi Muuse ayay gabadhi u sifaynaysaa Aabbeheed si uu shaqaale uga
dhigo:
قالت ياأبت استجره إنّ خير من استئجرت القويّ الأمين(هود)
Aayadda:Aabbow shaqaale inooga dhig,waxa shaqaale u khayr badan qof
xoog weyn,oo aamin ahe.
Cirfiid isagoo Nebi Suleyman isu sifaynaya,oo leh carshiga waan
keeni karaa:
قال عرفيت من الجنّ أنا ءاتيك به قبل أن تقوم من مقامك وإنّي عليه لقويّ
أمين(النمل)
Aayadda:wuxu yidhi cirfiid oo jinka kamid ahaa,anigaa ayaa
keenaya(carshiga),inta aanad ka kicin meeshaada,oo waxan ahay mid
xoog leh oo aamin ah.
Amaanadu waa shey culus,inta badanna dadka muslimiinta ahi way
ilaaliyaan,oo way ka soo baxaan waajibkeeda,laakiin gaalada iyo
munaafiqiintu ma laha aaminnimo,oo waxay sifooyinkooda ka mid ah in
ay khiyaamaan,oo buriyaan amaanada:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:"علامات المنافق ثلاثة:إذا حدث كذب
وإذا وعد أخلف وإذا أُوتمن خان"
Xadiiska:Calaamadaha munaafaqu waa saddex:hadduu hadlo been ayuu
sheegaa,oo hadduu ballan qaado wuu jebiyaa ballanta,oo haddii wax
lagu aamino wuu khiyaamaa.
Sida diinta islaamku u adkaysay amaanada iyo daynta,qofka haddii uu
dhinto,iyadoo dayn lagu leeyahay,haddii aan laga bixin,ama aanu
saamixin qofkii uu deynka ka qaatay, jannada way ka hor istaagaysaa
deyntaasi:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"إذا إستشهد أحد ورجع وإستشهد ورجع
وإستشهد لن يدخل الجنّة إذا كان عليه شيء من الدين.
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaatee yidhi; haddii uu qof shahiido,oo la soo celiyo,oo uu haddana
shahiido,oo mar kale la soo celiyo,haddana uu shahiido,jannada ma
gelayo,haddii wax dayn ah lagu lahaa.
Ilaalinta sirta iyo ceebaha qofka kale waa amaano:
قَالَ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم "إنما يتجالس المتجالسان
بالأمانة، ولا يحل لأحدهما أن يفشي على صاحبه ما يكره"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee
wuxu yidhi;laba waxay ku kulmaan oo ku wada fadhiistaan amaano,ay is
aaminaan,midna uma xalaal aha,in uu saaxiibkii ka fidiyo wax uu
karhayo.
Waxa Alle ina amrayaa in aynu oofinno,heshiisyada iyo ballamaha,oo
aynan ballanka iyo heshiisyada ka bixin oo khiyaamin,ee waqtigooda
iyo waajibkoodaba dhawrno:
{يا أيها الذين آمنوا أوفوا بالعقود} المائدة
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow oofiya heshiisyada.
Waxa la sifaynayaa dadka
muslimiinta ahi saday amaanada u xifdiyaan:
Waxa Ummad kasti leedahay dad ku caan baxa aaminnimada,oo marka
amaanada laga hadlayo la soo xusuusto,Ummaddeenna waxa Rasuulku inoo
sheegay in uu u yahay amiin ama aamin saxaabiga la odhan jirey Abu
Cubeyda,sida xadiiskan ku cad:
قَالَ رَسُولَ اللَّهِ صلى
الله عليه وسلم:اِنَّ لِكُلِّ اُمَّةٍاَمِينًا، وَاِنَّ اَمِينَنَا
اَيَّتُهَا الاُمَّةُ اَبُو عُبَيْدَةَ بْنُ الْجَرَّاحِ(صحيح
البخارى)
Xadiiska:waxa Rusuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha
ahaat ee yidhi; Ummad kasti waxay leeday amiin(aamin),innagana
amiinkeen nu ummad yahay waa Abu Cubayda Ibnu Jarraax.
Soomaalidu waxay dhaqan ahaan iska ilaaliyaan daynta iyo
amaanad a,haddii ay dantu ku khasabtona,waxa ay ku dadaalaan in ay
masuliya deeda ka soo baxaan,oo ay culayskeda iska qaadaan,sida ugu
dhaqsaha badan,waxana ay ku maahmaahaan:
Amaano kugu raagtay yaddaadaad mooddaa,iyo amaano cirkaa diiday oo
dhulkaa diiday oo aadamaa qaaday…iwm,oo wada caddaynaya sida ay u
dareensan yihiin.
Waxa qaab dhaqameedkaas ku
aaddan amaanadu ina tusayaa sida ay uga feejignaayen ee u ilaalin
jireen amaanada,xilna isaga saari jireen.
Daynta iyo amaahdu waa shey culus oo Alle ina amray in haddii aynu
wax kala deynsanno,aan qorno iyadoo marag leh,Aayadda deynta ka
hadlaysaa,waa Aayadda ugu dheer Quraanka,ee ah Aayadda 282aad ee
suuradda Albaqra:
) يا أيها الذين آمنوا إذا
تداينتم بدين إلى أجل مسمى فاكتبوه وليكتب بينكم كاتب بالعدل ولا يأب
كاتب أن يكتب كما علمه الله...( البقرة)
Aayadda:kuwii Alle iyo
Nebigiisa rumeeyow haddii dayn aad kala deyns at aan,qora oo
ha idiin qoro dhexdiinna qore caadil ah,oo yaanu diidin qoruhu in uu
u qoro sidii Alle u baray.
Amaanadu way balaadhan
tahay waxa hoos imanaya;amaanada weyn oo ah diinta,ka dib nimcada
Alle ku siiyey ee amaanada kugu ah,sida nafta iyo xubnaha kala
geddisan ee maqalka iyo araggu ka mid yihii n,waa in uu
ilaaliyaa waa amaano lagala xisaabtamayo'e,sidoo kale cirdigiisa iyo
sharaftiisa qofka waa amaano dul saaran, ubadku waa amaano
rabbayntooda iyo masuuliyadoodu qofka saaran tahay,camalka iyo xilka
ama shaqada qofka loo igmaday waa amaano:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " إذا ضيعت الأمانة فانتظر الساعة
"
Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee
wu xu yidhi; haddaad dayacdo amaanada sug saacadda(Qiyaamaha).
Sidoo kale Rasuulku
sallawaatullahi wasalaamuhu calayhi wuxu tilmaa may camalka sida loo
baahan yahay in loo guto:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : " إذا عمل أحدكم عملا فليتقنه "
Xadiiska:haddii midkiin shaqo qabanayo ha uga soo baxo si fiican,oo
hagarla'aan ah.
Waxa amaanada ka mid ah ilaalinta iyo xifdiyidda sirta,qofka ama
dadka waa in aan sirtooda la faafin,waa amaano,wixii laguu dhiibto
ee alaab ama maal ahina waa amaano,lagaa rabo xifdinteeda iyo
ilaalinteeda.
Waxa ka mid ah sifooyinka qofka muslinka ah aaminnimada:
(والذين هم لأماناتهم
وعهدهم راعون) المؤمنون
Aayadda:kuwa amaanadooda iyo axdiyadooda ama ballamohooda
ilaal inaya.
Laba qiso oo Rasuulku kaga
bixinayo tusaale aaminnimada aan soo qaa danno:
Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,isagoo
asxa abtiisa u sheekaynay ayuu yidhi;nin baa wuxu nin kale ka
iibsadey dhu l,dabadeed dhulkii uu iibsadey,ayuu ka helay
dahab,markaasuu ninkii dhulka ka iibiyey u geeyey,oo ku yidhi
dahabkan dhulkii aad iga iibisey ayaan ka helaye qaado,dabadeed
ninkii dhulka iibiyey wuu diidey,oo yidhi anigu dhulka iyo waxa ku
jiraba waan kaa iibiyey,ka dib ayay isula tageen nin kale oo u kala
gar qaada,ninkii u kala gar qaadayey markuu dhegaystey labadii nin
ee arkay sida mid kasti uga cararayo amaanada iyo waxa aanu
lahayn,ayuu ku yidhi wax carruur ah ma leedihiin,mid ba a ydhi
wiil baan leeyahay,kii kale ayaa yidhi anigu gabadh baan leeya
hay,markaasuu yidhi ninkii u gar naqayey, waxa aad yeelaysaan wiilka
iyo gabadha ayaad isu guurinaysaan oo dahabkan uga dhigaysaan
wa xay ku noolaan lahaayeen,sidii bay ku heshiiyeen,oo yeeleen.
Qisada kale wuxu Rasuulku sallallaahu calayhi wasalame sheegay in
nin reer Bini-Israa'iil ahi waydiistey nin kale in uu amaahiyo kun
diinna ar,dabadeed wuxu ninkii ku yidhi ii keen markhaatiyo,aynu
marag ka dhiganno,wuxu ninkii amaahda rabey yidhi; Alle ayaa innoogu
filan markhaati,markaasuu yidhi waayahaye ii keen cid kafiil ah,
wuxu yidhi ninkii Alle ayaa innoogu filan kafiil,wuxu ninkii yidhi
run ayaad sheegtay wuxu siiyey amaahdii oo u qabtay waqti
go'an,ninkii wuu qaatay deynk ii,dabadeed wuxu ka gudbay badda
oo u tallaabay halkuu degganaa,oo hawlihiisii iyo muraadkiisii
fushaday,markii ay gaadhey muddadii ballan ta,ayuu lacagtii
soo qaaday oo raadraadiyey markab,uu raaco oo u gud biya
meeshii ninka kale joogey,dabadeed markuu waayey markab maa
lintii ballantuna joogto,ayuu wuxuu sameeyo garan
waayey,amaanidii iyo ballantuu qaadayna wuu arkaa,wuxu soo qaaday
loox,dabadeed wuu xordhay,oo meel godan ka dhex sameeyey,markaasuu
lacagtii ku rida y,oo geliyey meeshii uu qoray,oo warqad uu
ninkii u dirayona raaciy ey,oo dusha ka awdey,wuxu isasoo
taagey baddii oo yidhi;Allow waad og tahay in aan hebel kun diinnaar
ka amaahday,oo markuu i weydiiyey kafiil aan idhi Alle ayaa innoogu
filan kafiil,oo uu ka raalli noqday,ka dibna waqtigii ballanta aan
waayey markab aan raaco,Allow adaan ku talo saaranayaa,wuxu looxii
ku tuuray badda,marku looxii badda galay ayuu iska tegey,isagoo weli
markab kale,deydeyaya,dabadeed ninkii uu lacagta ka amaahday ayaa is
yidhi waqtigii way gaadhee bal soo eeg in wax markab ahi yimi,ma uu
arag wax markab ah,wuxu xeeligii badda ku arkay loox yaalla, markaas
ayuu looxii sii qaatay si uu dabka ugu shit o,oo xaabo uga
dhigto,markuu looxii jejebiyey,wuxu ka helay lacagtii iyo warqaddii
ninku soo qoray,halkii buu lacagtiisii ku qaatay,muddo yar ka dib
ayuu yimi ninkii wax amaahday isaga oo sida kun diinnaar,isagoo
cudur daaranaya ayuu ku yidhi,ilaa intaan kaa maqnaa waxan ku
hawla naa sidaan u heli lahaa markab,oo aan lacagtaada kuu soo
celiyo,ma a anse helin, wuxu ninkii waydiiyey;miyuu jiraa wax
aad ii soo dirtay? ,wuxu yidhi waxan kuu sheegayaa in aanan helin
wax markab ah,kan aan hadda ku imi mooyee!,wuxu ninkii ku yidhi Alle
ayaa kaa furtay,oo looxii aad soo dirtay i soo
gaadhsiiyey,lacagtiina waan helay,markaas ayuu ninkii kunkiisii
diinnaar iskala noqday.
Waxa labadan qiso ee gaagaabani ina tusayaan sida ay tahay qiimaynta
amaanada iyo talosaarashada Alle aad ku talosaarato wixii niyad
wan aag iyo khayr ah,amaanada Alle waa kugu gargaarayaa haddaad
oofi nteeda iyo ilaalinteeda ku dadaasho.
Amaanada qofkii
oofiyaa
Waa akhyaar mudane
Abaal buu helaayaa
If iyo Aakhiro'e
Alle wuu ka baqay
Oo amarka wuu qaatay
Adeec buu la yimid
Oo Aayadaha diinta
Idil waxay faraayaan
Aqbalay intuu yidhuu
*****
Adeegsadoo fuliyey
Addoonkii Illaahay
Waa ehelu khayrkaase
Ixtiraam iyo qadderin
Amaan iyo wanaag
Ixsaan iyo samaan
Ehel buu u yahay
Ayniguu yahayba
Wuu istaahilaa uuye
Odhaah horaa lahayd
*****
Amaanada middii
Aminteeda badan
Ooddaada taal
Adhigaad ku dari
In aad leedahaad
Isku odhanaysaa
Ood u iilataa
Isticmaal ahaan
Addoonyohow ogow
Amaanadu ma aha
Arrin sahal ahoo
*****
Eeddeeda aad ka
adkaysatee
Is ilaaliyoo heedhe
Amaan aad heshide
Ummaddoo dhamina
Ha ku aamintee
Amarrada Illaah
Deyntiyo amaah
Ballan iyo ogaal
*****
Asalkiyo cirdiga
Naftan kugu alkuman
Adimada dhegaha
Indhaha iyo gacmaha
Adigaa masuul
Alle kaaga dhigay
Amaanada adkee
Oo oofiyoo
Ehlul khayrka noqo
|
Saeed Ibrahim
Hussein
As/w/w |
|