SHEIKH AADAN SIIRO RUNBU KU AADIMAY WAANA SHEEKHA KALIYE EE SOMALILAND LEEDAHAY
 


Marka ugu horeysa waxan halkan ka salamaya dhamaan warbaahinta Somaliland oo hadh iyo habe en uu heegan dadkoodda iyo dalkoodda, waxan leeyahay Allah ha idiinka abaal mariyo howsha wey n aad haysan , dhamaan shacab ka somaliland waan salaamay .


Haddaba ariintan maal mahan ka socotay wadankii Somaliland gaar ah caasimada hargesia waa ariin fool xun dhaqan ah iyo diin ahanba qof kaste oo damiir leh ka dhiidhinaayo hadii aynu qarsano fawa axishka cadho Allah ayaa inu dhacaysa waa in xumaanta la diida dadkana laga wacdi galiyaa maha i n la qaarsado wixi diintada wax yeelaya, dalkaga wax yeelaya, iyo dhaqan suuban kaga wax yeelay


Hadii aan u daadago dulucda maqaalka , dawladii Somaliland oo difaacaysa Ninkii dhaqan xumada sa mayey ee galka Jarmalka ah kiiskiisa af iyo adiinba, bal eeg Wasiirkii Dr Gaboose, oo islaha waa nin diinta islaamka sharafteed ilaalinaya,ayaab difaacay sancadaalaha caruurta yar yar fara-xumeyay  ( Child abuse) oo leh ninka Jarmalku xidid banyu nahay , ileen af aanad lahayn ma qaabatid !!

Bal halkeed ku aragtay kiis maxkamada sharciga ahayd laga wareegiyey oo CID loo wareejiayay ma rka CID ma maxkamadba mise waa cid aan danbi baadhista ariinta kale la yaabka ley ayaa ah, wasa aradii diinta iyo awqaaftu wali kamay hadal dhaqan xumada iyo diinta dhulka jiiday ninka galka  Jarmalkii ku tuntay iyaado qaabilsan ilaalinta diinta islaamka iyo xumaan reebista, waxa kale oon ka hadal culimadii Somaliland marka laga reebo sheikh aadan siiro mooye sheikh kale kamu hadal fawaaxishka ninka gaalkii ku kacay.


Bal haddaba , Sheikh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Shiiro) , oo ah culimada waa wayn Som aliland difaac Qaranimada iyo gooni isku taga Somaliland, hadii ay tahay af iyo gacanba sheikh kaliye mowqifkiisa somalilandernimada la gaaban ,waliban dadka jilicda saan caawiyah.Hadii uu ka gilgishay Sheikh Aadan Siiro,  fawaaxishnimada ninka gaalka samayn, ma in xadhig loo maleega oo la amro CID inay soo qabato “ haddad dhimato geeridu mar bay nolosha dhaantay”, ma ha hadliin oo ka dhiidhi yin xumaanta ? ma arag maqal oo iska dhaafba ?!


Gunti iyo gunaanadkii , Sheikh Aadan Siiro,  waa sheikh kaliye Somaliland leedahay , markay noqoto Qarannimada Somaliland , waa ninka alshabaab geedka kaga xidhay Somaliland ,mowqifkiisan cadeey ay ,mar walba maalkiisa ku bixiya horumarka dalka , dadka jilicda sana iyo aqoomihi SNM ka tagta ca awiyah,haddaba Dawladu ha ixtiraanto ,hana ka taxatiirto xidhista Sheikh Aadan Siiro,  hadii kale ce ebti ugu wayn iyo fadeexadii Qarniga ku dhici Dawlada ,wax khalad ah u sameeyay ma jirto hadii u k a gil gishay xumaanta, in xadhig loo qorsheeya wa khalad, hadii culimada ka gil gilatay xumaanta la xidho , ninkii jarmalka xumaanta samayay la xukumi waayo, wadanku dagaal diin ayuu halis u yahay dagalka diintuna , ka xoog wayn dagaalka qabilka illahay inooma keene.

 

 

 

 

 

Mohamed Abdillahi (M.dheere)
gallaydh1@hotmail.com
Malaysia KL