Ogaysiis: Abwaan Ali Hassan Banfas iyo Jaaliyada London



Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community oo la kaashanaya Kayd Somali Ar ts and Culture iyo qoyska reer Ali Hassan Banfas wuxu bulshada reer Somaliland ee dagg an magaalada London ogaysiinayaa in la qaban doonoo munaasibad balaadhan oo lagu s abootinayo Abwaan Ali Hassan Banfas oo muddaba inala joogay London.


Abwaan Ali Banfas wuxu ka mid ahaa Abwaanadii ka yimid Somaliland ee kasoo qayb galla y bandhigga lagu magcaabo “Somali Week Festival” oo bisha October dabaayaaqadeeda ka dhaca London se Abwaan Ali qadar Alle umay suurta gallin innuu ka qayb qaato “Soma li Week” xanuun si kadis ah ullasoo darsay aawadeed.


Hadaba si Abwaanka murtidiisa iyo aqoontiisa umaddu ugasii faa’idaysato waxa maalinta Axadda ee soo socota la qaban doonaa xaflad aynu ku maamusayno Abwaankan waynee reer Somaliland. Munaasibadan waxa inagalasoo qayb galli doona oo kale aqoonyahanka caankaa ee reer Somaliland ee Rashiid Sheikh Cabdullahi (Rashiid Gadhwayne), Abwaan Ali Seenyo, Abwaan Abdirahman Abees, qoraaga caankaa ee Maxamed Baashe iyo fana aniinta kala ah: Nuur Daalacay, Nimco Yassin, Nimco Daggan, Abdikarim Raas iyo qaar kaloo badan.


Madasha munaasibadani ka dhacaysaa waa: Copland Community School, Cecil Avenue, Wembley, HA9 7DU, Axadda soo socota ee 16-ka December, saacaduna waa 5pm.


Wixi faahfaahin ah kalasoo xidhiidh 07870515334 amma 07903712949
 



Sidaa iyo kasoo qayb gal wacan