La Taliyaha Siyaasada Ee Madaxweynaha Abiib Timacad Oo Laga Celiyay Irida Madaxtooyada Iyo Kala Qaybsanaanta Garabyada Siyaasadeed Ee Ku Hirdamaya Gabiley
........

 



Hargeysa (TNN)_La taliyaha dhinaca siyaasada madaxweynaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Tima cad) ayaa la sheegay in shalay ilaalada madaxtooyadu dib uga celiyeen iridaka hore ee qasriga madaxtoo yada, taas oo la sheegay inuu doonayay inuu ka qayb galo kulanujeedadiisu ahayd in lagu xaliyo shaqaqa da Ceel-Bardaale oo madaxweyne Siillaanyo uu kula lahaa madaxtooyada odayaasha iyo masuliyiinta laba da beelood ee isku haysta deegaankaa Ceel-Bardaale ee ka soo kala jeeda gobolada Gabiley iyo Awdal.

Sida ilo wareedyadu sheegayaan ayaa waxa la sheegay la taliyaha siyaasada madaxweyne Siillaanyo Ab iib Diiriye Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gabiley markii laga celiyay madaxtooyada waxa la sheegay in madaxweynaha kulan shira wada lahaayeen Sheekh Maxamuud Sheekh Muxumed  Ra age, Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Badhasaabka Gabiley Rashiid Sheekh C/laahi (Rashiid-Xaraaro) oo la sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo soo afjari lahaa colaada ka soo noq noqonaysa dee gaanka Ceel-Baraadle.

Ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa noo sheegay in markii ciidanka ilaalada madaxtooyadu hor  istaage en la taliyaha siyaasada Siillaanyo inuu dib iskaga soo laabtay, ilaa haddana ma jiro war xaqiijinaya in am ar lagu siiyay ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo sababaha keenay in la celiyo, hase yeeshe waxaa loo ma laynayaa in arrinkaasi la xidhiidho khilaaf u dhexeeya isaga Badhasaabka gobolka Gabiley Rashiid Xaraaro inay isku haystaan sida la xalinayo shaqaqada deegaanka Ceel-Bardaale iyo cida gaadh wadeenka noqon aysa dhinaca ka soo jeeda beesha gobolka Gabiley, Mr Abiib-Timacad oo ay jifo hoose isku yihiin ardaaga beesha Gabiley ka soo jeeda ee ku doodaysa lahaanshaha deegaanka Ceel-Bardeele, taas oo tibaaxuhu s heegeen in in maalimo dhawayd la sheegay in Badhasaabka Gabiley Mr Rashiid -Xaraaro iyo Abiib- Timacad in arrimaha Ceel-Bardaale xalinteeda ay isku faro saareen, iskuna adeegsadeen weedho kul kulul oo huw an hanjabaado oo la xidhiidha cida loo dabo joogsanayo bud dhiga iyo ka ariminta shaqaaqada Ceel-Bardaale.

Wax kale oo wararku intaa ku darayaan in khilaafka awoodeed ee ka dhex taagan hogaaminta  siyaasade ed ee gobolka Gabiley ee ka dhex aloosan labadaa masuul uu dabada ku hayo sidoo kale hawshii baadhista Hanti-dhawrka guud ee qaranku ka wadeen Gabiley, isla markaana ku amreen in la soo qabto masuuliyiinta Musuqmaasuqa lagu eedeeyay ay si weyn ugu kala qayb sameen masuuliyiin ka soo jeeda gobalkaasi oo iyagu ku kala aragti duwan qabashada masuuliyiinta eedaysan in xabsiga loo taxaabo, kuwaas oo aan ilaa hadda aanay ciidamada Bilayska Gabiley aanay gacanta ku dhigin iyagoo ku sugan magaalooyinka Gabiley iyo Wajaale.

Dhinaca kale ilo wareedyo ka ag dhaw qasriga madaxtooyada ayaa ayaa Haatuf u xaqiijiyay in la taliyaha siyaasada ee madaxweynaha Abiib Timacad ee madaxtooyada laga soo celiyay isaga iyo kooxda  odayaa sha ah ee garabkiisu ay shalay galab gurigiisa kula kulmeen madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Saylici oo la sheegay in kulankaasi ay kaga dalbadeen inuu madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) la kulansiiyo, iyadoo sida tibaaxuhu sheegayaana lagu sheegay inay cabasho la xidhiidha  bad alkii lagu sameeyay taliyaha qaybta Bilayska Gabiley Maxamed Faarax Nuur oo sida la sheegay lagu tirina yay garabka Abiib Timacad ay kala hadleen madaxweyne ku xigeenka sidii dib loogu soo celin lahaa  jaga diisii.

Source: wargayska Haatuf