Adduunka ama Kownka
Qaybtii 21 aad

 


Aafooyinka Bulshada(Qabyaaladda & Qaadka)


(1) Qabyaaladda


Waxa bulshada Soomaaliyeed haysta Aafooyin kala geddisan,oo ay aasaas iyo sabab u yihiin Qabyaaladda iyo Qaadku,waxana Alle ina faray in aynu adeecno amarkiisa, oo la nimaadno waxa la inaga  rab o,kana dheeraano waxa la innaga reebay,waxa Alle innaga reebay waxa ka mid ah Qabyaaladda iyo dhamaan wixii dhibaato iyo  mada rro inoo leh,waxa inta badan la isku khaldaa Qabiilka iyo  Qabyaal adda,waana laba shey oo kala duwan,Qabiilku waa wax Alle isagaa korreeyee dadka u kala qaybiyey,oo waa wax la isku garto,oo qofka lagu caddeeyo isirkiisa,Qabyaladduse waa adeegsi khaldan oo dulmi iyo eex huwan,oo khilaafsan Islaamka iyo manhajka Rabbaaniga ah,ee Alle inoo dejiyey,waxa Alle inoo caddeeyey in Qabiilka is garasho iyo is barasho loogu talogalay,laakiin aan lagu kala sarrayn karin marnaba,waxa lagu kala sarrayn karaa, ay tahay keliya  cabsi da Eebbe iyo iimaanka:


"يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوباً وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ" (الحجرات)


Aayadda:Dadyohow waxannu idinka abuurnay lab iyo dheddig,oo waxannu idinka yeelnay shucuub iyo qabaa'il si aad isu garataan oo isu barataan,waxana idiinku karaamo iyo wanaag badan Alle  xaggii sa kii cabsi leh ee idiinku cabsi badan,Alle waa cilmi badane ah khabiir.


Qabiilku waa dhisme iyo qaab Alle u sameeyey ummaddaha uu  kow nkan ku abuuray, oo wax ceeb ah ama sifo kale lama siin karo,haddii arrinkaa lala yimaaddo waxa la khilaafayaa manhajkii Alle,oo sida Alle ugu talogalay waa in qofka asalkiisa lagarto,oo ay dadku isku aqoonsadaan,waxa Alle qofka u sameeyey nasab xagga Aabbe  ah,iy o reer abti xagga hooyo ah:


وهو الذى خلق من الماء بشرا فجعله نسبا وصهرا وكان ربّك قدير ( الفرقان)


Aayadda:Illaahay waa ka Basharka ka abuuray biyaha ee u yeelay Nasab iyo Reer abti,Illaahay waa kii awooda waxkasta.

Waxa Alle isagaa korreeyee u abuuray basharka qaabkan oo ah  xik maddiisa,kuna habboon hab nololeedka ummaddan,ciddii  khilaaft aana waxay khilaafaysaa amarka Eebbe,qofka muslinka ahi wuxu dadka oo dhan u gudbinayaa khayrka iyo faridda samaha,waxanu ka bilaabayaa naftiisa,ka dib qoyskiisa iyo ehelkiisa,dabadeed  qaraa bada ama xigtada,ka dib dadka kale,isagoo ka dhinbiil qaadanaya amarka Alle:


"وأنذر عشيرتك الأقربين"


Aayadda:u dig cashiiradaada(qaraabadaada)kuu dhow.

Waxa la isku taageeraa xaqa iyo taqwada ama cabsida Eebbe,ee la iskuma taageero dulmiga iyo hiilka eexda ah,waxa Alle ina amrayaa in waalidka iyo qaraabada aynu wanaag iyo ixsaan u samayno:


واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب(النساء)


Aayadda:Alle caabuda hana u shariig yeelina,waalidkana ixsaan iyo wanaag u sameeya,sidoo kale dadka qaraabada kuu ah,iyo agoonta iyo masaakiinta,iyo jaarka kuu dhow,iyo jaarka kugu xiga,iyo  saaxii bkaaga jenbigaaga ah.


Waxa qofka muslinka ah ku guulaysan karaa in uu khayr badan u  ho rseedo qabiilkiisa oo isaguna halkaa ajar fara badan iyo raalli  noqo dka Alle ku heli karo,tusaale aynu u soo qaadano Saxaabigii Muscab ibnu Cumeyr,Alle ha ka raalli noqdee markii Rasulku salawaatullaahi wasaalamuhu calayhi u diray Madiina,ee uu la kulmay madaxdii  qab aa'ilka degganaa halkaas,waxa Muscab ibnu cumeyr ku degay,nin ay is yaqaaneen oo la odhan jirey Ascad Ibnu Suraara,dabadeed wuxu bilaabay in uu dadka diinta ugu yeedho,waxa isagoo aad u  cadha ysan u yimi nin la odhan jirey Usayd Ibnu xudayr oo si kulul ugu yidhi ma waxad doonaysaan in aad dadka naga duufsataan,haddii aydinan lafihiina la baxsan idinkaa yaqaanna,dabadeed Muscab Ibnu Cumayr ayaa ku yidhi,ka warran haddaad hadalkayga dhegaysato,haddaad aqbashona waxa diintani farayso baannu kuu sheegi,haddii aad  kar ahdo oo diiddana waannu kaa dayn waxad karahdo, dabadeed wuxu yidhi Usayd Ibnu Xudayr waa hadal gar ah,markaas ayuu Muscab u akhriyey Aayado Quraan ah,halkaas ayuu ku qancay Usayd oo diintii ku soo galay, waxa markuu diinta soo galay,iyana soo galay Sacad Ibnu Macaad iyo Sacad Ibnu Cubaada oo labada qabiil ee Aaws iyo Khasraj u kala ahaa caaqillo,waxa sababtaa saddexdaa nin diinta ku soo galay saddexdii qabiil ee ay ahaayeen,oo kala ahaa:

Bini Cabdi-Ash-hal,Aaws iyo Khasraj.

Waxa qofka muslinka ah laga rabaa in uu dadka khayr iyo wanaag,la jeclaado,oo qabiilka sida Alle ugu talogalay u qaato,oo aanu ka  lee xan dariiqa xaqa ah,waxana laga rabaa in dulmi iyo eex aan la isku taageerin ee khayr iyo ixsaan la isku taageero:

وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(المائدة)

Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku  caa winina,denbiga iyo cadawnimada,oo Alle ka baqa,Alle ciqaabkiisu waa mid daran oo adage.

Waxa laga rabaa qofka muslinka u hoggaansamid dhab ah oo uu ula yimaaddo waxa diinteenna xaniifka ahi ina farayso,oo ah in dadka si siman loogu xaq sooro,oo aan lagu qiimayn wax aan diintiisa   aha yn,waxana la rabaa in ficil iyo qawlba laga ilaaliyo, waxa denbiga iyo dulmigu ku jiro:

...واذا قلتم فاعدلوا ولو كان ذا قربي وبعهد الله اوفوا ذالكم وصاكم به لعلكم تذكرون (الانعام)

Aayadda:haddii aad hadal tidhaahdaan cadli sameeya( oo  weedhu nnu ha ahaato mid xaqsoor leh) haba ahaado qofka aad la  hadlay saan qaraabadiinna oofiya cahdiga iyo ballanta Alle,sidaa ayaa la idiin dardaarmaye,waxa la arkaa inaad waano qaadataane.

قال النبي صلى الله عليه وسلم:"انصر أخاك ظالما أو مظلوما"


Xadiiska:waxa Nebigu sallallaahu calayhi wasalame yidhi u gargaar walaalkaa,hadduu daalim yahay iyo hadduu madluum yahayba.

Waxay Saxaabadii Rasuulka dhegaysanaysey ku yidhaahdeen  Rasu ulkii Allow garanay,in loo gargaaro qof la dulmiyeye side ugu  garga arnaa qof isagu wax dulmiya,wuxu yidhi Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,ka dulmiga sameeya,waxad ugu  garga araysaa,waad ka qabanaysaa oo ka joojinaysaa,taas ayaa gargaar u ah.

Waxaynu nahay Ummad Islaam ah,macnaha Islaamkuna waa u  hog gaansamid dhan oo loo hoggaansamo waxa diintu ina farayso,ma  a ha in aynu qayb la nimaadno,oo qayb ka tagno,qabiilka Alle in la  is ku garto ayuu u sameeyey,oo inoo sheegay oo Aayadihiisa innoogu caddeeyey,waana waajib in sida Alle u dhigay loo raaco:

وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحداهما على الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى تفيء إلى أمر الله فإن فاءت فأصلحوا بينهما بالعدل وأقسطوا إن الله يحب المقسطين (الحجرات)


Aayadda:haddii ay laba kooxood oo muuminiin ahi is laayaan, heshi isiiya oo haddii kooxi diiddo heshiiska,la dagaallama ilaa ay amarka Eebbe u soo noqonayso,haddii ay soo noqoto si caddaalad ah u  hesh iisiiya,oo xaqsoor sameeya,Alle waa jecel yahay kuwa xaqsoorka sameeya'e.

Waxa loo baahan yahay in aynu qofka diinta sida uu ugu dhaqmo ku qiimayno,sida Alle inoo sheegay in taqwada iyo cabsida Eebbe lagu kala sarreeyo,markaa waa in aynu jeclaanno oo khayr ugu  gargaa rno,qofka Alle xadhigiisa si fiican u qabsada,kii kalena aynaan dulmi iyo denbi iyo eex ku taageerin:

لا تَجِدُ قَوْماً يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ أُولَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الأِيمَانَ وَأَيَّدَهُمْ بِرُوحٍ مِنْهُ (المجادلة)

Aayadda:heli maysid Qowm Alle iyo Yowmul qiyaamaha

rumeeyey,oo kalgacal iyo jeclaan siinaya mid Alle iyo Rasuulkiisa la colaatamaya,haba ahaadeen Aabayaashood,ama Carruurtooda,ama Walaalohood,ama Qaraabadooda,kuwa caynkaas sameeya,Alle ayaa qalbiyadooda iimaan dejiyey,oo ku ayiday oo ku taageeray  ruuxdii sa.

Dadka Muslimiinta ahi waa kuwo is fara wanaagga oo iska reeba xumaha,sida qabyaaladda iyo waxa aan diintu ogolayn oo dhan:

كنتم خير أُمّة أُخرجت للنّاس تأمرون بالمعروف وتنهون عن المنكر وتؤمنون بالله... (العمران)

Aayadda:waxad tihiin Ummaddii ugu khayrka badnayd ee dadka Alle u soo saaray,ee is faraya wanaagga iyo samaha,oo iska reebaya xum aha oo Alle rumaynaya.

Waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee  in oo sheegay in adeegsiga qabyaaladdu yahay,wax aan bannaanayn oo qudhun ah:

" قال النبي صلى الله عليه وسلم "دعوها فإنها منتنة"

Xadiiska:wuxu yidhi Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  aha atee;iska daaya (Qabyaaladda)waa qudhune(wax uraya oo  qudhm uun).

Sidoo kale waxa reebban is xaqiridda iyo is yasidda,oo aan  diintee nnu ogolay:

" قال النبي صلى الله عليه وسلم: "بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم"

Xadiiska:wuxu yidhi Nebigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha  aha atee;waxa qofka muslinka ah shar ugu filan,in uu xaqiro walaalkiisa muslinka ah.

Waxa fiican in aynu dhug u lahaanno xaqiiqada diinteennu ina barayso,oo aynaan si dhega la'aan ah,ula iman wax diintu innaga reebtay,waxana waajib ah in aan ogaanno in qof kasta gaarkii loo xisaabayo,wuxuu la yimi camal khayr iyo shar kuu yahayba:


" قال عليه الصلاة والسلام : " من أبطأ به عمله , لم يسرع به نسبه " رواه مسلم

Xadiiska:qofka camalkiisu dib dhigay,nasabkiisu ma hore mariyo.
Haddii qofku ku dhega adaygo waxa laga reebayo,oo qabyaalad iyo dulmi adeegsado,waxa iman doonta maalin(Qiyaamaha)aan cidna cid wax u qaban doonin,oo qof walba ay noqonayso isaga iyo camalkiisa oo keliya:

"واخشوا يوماًَ لا يجزي والد عن ولده ولا مولود هو جاز عن والده شيئاً إن وعد الله حقّ فلا تغرنكم الحياة الدنيا ولا يغرنكم بالله الغرور" )) سورة لقمان)

Aayadda:ka baqa maalin aanu Aabbe taageeraynin ilmihiisa,oo  ilm uhuna aanu taageeraynin Aabbihii,waar ballanta Alle waa dhab,ee yaanay idin dagin nolosha Adduunku,oo idinka dagin xagga Eebbe.


"فاذا نُفِخ في الصور فلا أنساب بينهم يومئذ و لا يتساءلون فمن ثقلت موازينه فأولئك هم المفلحون و من خفّت موازينه فأولئك الذين خسروا أنفسهم، في جهنم خالدون" (المؤمنون)


Aayadda:marka la afuufo suurta,wax nasab ahi maalintaas ma dhex yaallo,waxna isma weydiinayaan,kii miisaankiisu cuslaado wuu  afl axay,kii miisaankiisu fududaado isagu waa kuwa naftooda  khasaa riyey,jahannamo ayayna ku waari doonaan.


Qabyaaladdu waa camal shaydaan,oo waxa Qabyaaladda bilaabay oo ugu horreeyey, Shaydaanka,markuu iska weyneysiiyey,Aadan in uu u sujuudo,oo kibir iyo isweyneyn,yidhi sidaan ugu sujuudaa qof dhoobo laga abuuray:


ولقد خلقناكم ثمّ صورناكم ثمّ قلنا للملائكة اسجدوا لأدم فسجدوا إلا إبليس لم يكن من السّاجدين قال ما منعك إذ أمرتك قال أنا خير منه خلقتني من نار وخلقته من طين (ألأعراف)


Aayadda:xaqiiqa'e waannu idin abuurnay,dabadeed suuradda iyo  qa abka ayaan idiin samaynay,oo ku nidhi Malaa'igta u sujuuda  Aada m,way sujuudeen Ibliis mooyee,oo kama mid ahayn inta  sujuud  ey, waxa Alle ku yidhi;maxaa kaa manciyey,oo kuu diidey in aad u  suju uddo,haddaan ku amray,wuxu Ibliis yidhi;anigaa ka khayr badan,oo waxa aad iga abuurtay naar,isagana waxad ka abuurtay dhoobo.

Shaydaanka ayaa xaqiraadda iyo isla weynida bilaabay,wuxuna ka dhaxlay in abaal looga dhigo cadaab uu ku waari doono,isaguna  wu xu ballan qaaday in uu duufsado, dadka,haddaba ciddii uu duufsado ee ku dhaqanta qabyaaladda iyo camallada shaydaanka waxay la wadaagayaan cadaabkaa kulul ee aan dhamaanayn.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa inta nabadi taallaa ninba laba nin  le' eg yahay,inta ay goori goor tahay,ee fursadda la haysto ee nolosha lagu jiro ha la kasbado khayr,iyo wanaag,xaqiiqada ha lagu  dhaqm o,bal waxa Alle jideeyey waxa lagu doortaa waa maxay?!,innagoo og oo la inoo sheegay xaqiiqada iyo khaladka iyo saxa,oo la inooga warramay arrinku halkuu ku dhamaanayo ee ku dambaynayo,oo maalin ay imanayso iska daa qabiile,aad ka cararayso hooyo iyo aabbe oo arrinku yaa i bixiya taaganyay:

يوم يفرّ المرء من أخيه وأمه وأبيه وصاحبته وبنيه لكل امرىء منهم يؤمئذ شأن يغنيه( عبس)

Aayadda:maalin qofku ka cararayo walaalkii,iyo Hooyadii,iyo  Aabbi hii,iyo qofkay is qabeen,iyo carruurtiisa,qof kasti maalintaa tiisa ayuu la taag daran yahay,oo yaa Allah taagan yahay.

Waxa aynu haysanaa Amarkii Eebbe iyo kii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,oo innaga reebaya ku dhaqanka  qaby aaladda,oo si cad innoogu caddeeyey,natiijada ay leedahay iyo shay daankoo tusaale fiican inoo ah,waxana si waaqici ah aynu indhehee nna ugu aragnay,gudaha mujtamaceenna in ku dhaqanka  qabyaal addu dhib iyo cadaawad iyo xasad iyo xumo mooyee,aanay  haba yar aatee wanaag iyo faa'iido lahayn,haddaba innaga oo bannaan  arka yna maxaa buur ina saaraya,oo innaga oo Janno arkayna maxaa   ca daab innagu wada,aan u soo noqonno diinteenna iyo in aynu  adee cno amarka Alle.

Diinta islaamka ayaa innaga xoraysay in aan qabyaalad adeegsanno Qofka islaam ah eed is neef garataan ee xaqa iska taageersataan ayaa ka qaalisan kaagana dhow kaad isku qabiilka tihiin
 

 

 

 

Qabyaaladeey aday baday
Ba'iyo hooggaan qabo'e
Boog bulshada ku taaliyo
Soobax baad tahaye
Bilow aan dhamaaneyn iyo
Belo soconay baad tahaye
Beretenkaan geli lahaa
Adigayga baajiyeye

******

Adigaa beeneeyey damacaygiyo
Baawarkaan lahaan jireye
Boqmahaad i haysaa oo
Meelna beegsan kari maayo
Intaad baaxadaadiyo
Kala bixinay baallaha
Inta aad birtii adag
Belelkaaga gelinaay

******

Oo aad bislaynay
Intaad beerta shaydaan
Badarkeeda guranay
Inta aad badhaadhada
Baaruud ku saydhay
Inta aad belaayada
U busaylayso arageed
Waxa badhax la'aan run ah

******

Inaan cidi badbaadeeyn
Nimaan camalkii barraxayn
Ma bixiso bahdiisu'e
Waa kala baxsanayaan
Nin kastiyo bahdiisuba
Badbaadaa la dalbayaa
Yaa i bixiya anigoon
Berri baa la garan taa

 



Waxa aan shaki ka joogin in haddii sharciga Eebbe lagu dhaqmo oo loo fahmo Qabiilka sida illaah ugu talo galay in Soomaalidu ka bixi lahayd dibu dhaca iyo Aqoon darrada oo ay ka faa'iidaysan  lahaaye en waxyaalaha ay shucuub badan dheer yihiin oo qaali ah waa dad wada islaama,isku Af iyo luqada,isku qaab iyo muuqaal ah, waa dad maskax badan,waxase
la hadhay Qabyaaladda oo qayrkeed ka  ree btay,waxa mushkiladda Mujtamacan ku hayaa waa Qabyaaladda iyo Qaadka,oo ay ka dhashaan dhamaan dibu dhaca iyo horumar  la'aa nta,iyo dayicidda waqtiga.


Waxaynnu Alle ka baryaynaa isagaa awooda'e in uu innaga daweeyo cudurrada bulsheed ee mujtamaca haysta,oo If iyo Aakhiroba ina  ba dbaadiya,Aamiin.
 

 

 

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w