BBC:Aadan
Nuux Dhuulle, waa wariyaha ugu co dka miigan
ee ka warama idaacadaha Afkasoomaaliga
ku hadla !

Faaduma ,Aden
Nuuh, Yuusuf-Garaad,Abdisalam Hereri
iyo Abdinur Sheekh
Salaama Calaykum.
Sideedaba
codku '' dhawaaqu'' waxa uu ka mid yahay hantiyaha ugu mudan ee
ilaahay ugu deeqay abuurtiisa qaar ka mid ah , waa miciinka uu
noolaha leh ee Ilaahay siiyay sida ugu haboon dareenkiisa iyo
doonistiisa ugu gudbin karo, waxa uu codku ( dhawaaqu) ka mid yahay
waxyaabaha loogu adeegsi ga badan yahay ee qaabeeya nolosheena,
saamaynta ugu balaadhan ku leh aduunkan aan ku dul noolnahay!. Bal
hada qiyaas oo maxaad u malayn aduunku siduu u eekaan lahaa hadaan
dhawaaq jirin ?. Waa dhukanaan iyo dareen la' i garamaa hirig ah
dheh!
Dhawaaqa dhuunteena iyo isku-qoofallka qulaanqulshaha ka unkanma ee
dabadeedna neeftu xaga danbe kasoo bidho, carabka iyo debnahuna soo
dhiibaan ee ay dibada soo dhigaan ayaa dhegta marka uu ku soo dhaco,
dhadhamo kala jaad jaad yeesha, midbaa xanbaarsan dhiilo sakati kugu
rida, ku kalay ku soohan tahay naxdin argagax lehi, miidbaa cadho
keena aad ku falaadoodto , midbaa diirimaad iyo kalagacal is huwan
kugu abuura ood u qiirootaa, midbaa aad u riyaaqdaa maqalkiisa oonad
dhegaysigiisa ka caajisan, midbaa......... midbaa......midbaaa!!.
Hadaba hadaan abaaro ujeedada maqaalkan oo ah, ninka ugu dhawaaqa
w anaagsan ee ka mid ah wariyayaasha ku tabiya wararka
afka-soomaaliga, waxan anigu qabaa inuu yahay wariyaha ka hawl gala
idaacada BBC-da ee ku taal dalka
Ingiriiska, ee magaciisa la yidhaa, Aadan Nuux
Dhuulleh! waxan malahaygan qofeed food-saar uga dhigayaa, ku
taxnaan aan maalin seeg la hayn oon dhegaysanayay idaacadaha
faafiya wararka afsoomaaliga lagu sh eego ee ku yaal aduunka ( tii
ruuskhana ha noqotee) mudo ka badan haat an 30 gu'.
Waxan soo maqlayay hadaanan seeganayn mudadaa dheer ee ka badan
30-ka gu', codadka wariyaayaal aanan hada sheegiba karin badankooda
maga cyadooda, oo ka badan boqolaal, runtiina tayada codkooda uu aad
u heer sareeyo, waxase ka duway wariye Aadan
Nuux Dhuule een isaga gooni ugu soocay, xubinta dheeriga ahna
u siiiyay waxan qabaa waa,-
1- Codkiisa ku badhan xariiqa
dhawaaq-beega! Oon uga jeedo, in Ilaahay ku galaday dhawaaq aan
jabaq dheer oo lagu dhego barjoobo ama guux hoose oo la saluugo
lahayn.
2-Codkiisa aan gamuurka daba gooska ah
ama jiidista taraarxa ah ahayn, oon uga jeedo in la moodo in
codkiisu ku sar go' an yahay ama ku saameelan yahay mugo eraygu
leeyahay, ama godka eraygu fadhisanayo oo qudha.
3-Codkiisa aan dudubiska aad
dabaroorkiisa ama gaangida aad sugisteeda ku daasho lahayn, ee sida
ugu haboon looga bogana karo.
4-Isaga oo ka mid ah wariyuhu, dadka
tirada yar leh ee qaabka wax sheego odu uu joogtada aan is-bedbedelin
yahay, waxii kasta ee uu sheegayaana miigan yahay ! intaa aan
dhagaysanay wariye Aadan Nuux Dhuulleh,
marna ba wax kale iska daayoo shadka iyo madka ma ilduufan.
Dhawrkaa sumadood ee dusha ayaa marag inoogu filan inuu wariyahaasi
m udan yahay inuu noqdo sidaan qabo, nin ku haboon in ugu yaraan la
xuso, s ida ay dhagaystayaasha qaarkood tayadiisa wariyenimo u
qirayaan una qir ayaan !.
Somaliland ha
jirto oo ha joogto
|