WAR-SAXAAFADEED
 

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) waxaa ay ku casumayaan warfidiyeenka Somaliland in ay soo dalbadaan oo ay soo gudbiyaan araajida ka qaybgalka abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013 taas oo lagu xoojinyo arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo bini’aadaminada dalka. Abaalmarinta waxaa taageeraya hay’adaha UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO.

Abaalmarinta Warbaahinta waxaa lagu qiimeeyaa oo laguna aqoonsadaa shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahi nta. Abaalmarintani waxaa ujeeddadeedu tahay in lagu aqoonsado dadaalka suxufiyiinta So maliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha. Abaalmarintan waxaa la siinayaa suxufiyiinta Somaliland ee Afsoo maaliga ku shaqeeya ama wax ku tabiya taas oo looga dan leeyahay in la dhiirri geliyo mihn ad warbaahin oo xooggan, firfircoon, mas’uulna ah oo waxtar u leh Shacabka Somaliland .
 


Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com
Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com