BAAQ KA YIMID LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA

 

 

 




AAN ILAASHANO NABADGELYADA, WADAJIRKA IYO MIDNIMADA.


Dhammaan shacabweynaha Somaliland, gudo iyo debedba, dawladda Soomalialnd Golayaal iyo xu kuumadba, waxaan u soo gusbinayaa hanbalyo kal iyo laab ah iyo bogaadin la xidhiidha 21 guura da la soo noqoshada qarannimada dalkeena. Waxaan leeyahay 21ka sanadood waayahooda iyo taariikhdooda aynu eegno, si aynu uga tabaabushaysano dhib iyo balaayo dib inoo riixda. Aan ka faa'ideysano qaladaadkii ina soo maray. Aadmigu waa qalad u joog, waxa se kala saaraa waa sida ruuxba uga faa'ideysto. Ruuxa maalin walba qaladkii soo maray ku noqnoqdaa, dabcan waa kan ku sifooba doqonnimo. Haddii taasi dadku u bataanna, qarankaasi waxuu noqdaa qaran doqoniimo qayrkii ka reebto.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed, waxay dareymeysa culeeska mus’uuliyadeed ee arr imaha ammaanku leedahay. Waxay mas’uuliyadda guud ahaan leedahay dhacda kasta oo dalkee na xumaan u soo jiideysa cid kasta ha sameysee. Waayo waajib saarani waa inay baajiyaan taas. Waxaa waajibka koowaad ka saran yahay badbaadada dadkeeda naf iyo maalba. Waxayna tacsi, tiiraanyo iyo murugaba la wadaageysaa cid kasta oo ku nafweyda dhacdo kasta. Waxay ka xunta y ooy aad uga damqatay in askar waajibaadkooda gudanaa iyo shacbi ay ku naf waayaan dhacdo oyinkii dhawaan Hargeysa ka dhacay.

Waxa ayaan darro ah in aarin dacwad iyo maxkamad loo mari karo inay ka dhalato isku dhac huba ysani. Shacbigu waa inuu ogaadaa, hadday ku qanci waayaan fal iyo arrin ay xukuumaddu daraf ka tahay siiba arrimaha dhulka inay xukuumadda ka dacweyn karaan maxkamadaha dalka. Una ma ri karaan habka dadka dhulka isku haystaa u maraan. Weli meynaan maqal muwaadin dacwadiisa geeyey maxkamad uu ku dacweynaayo wasaarad amba hay’ad uu dhib iyo dheef ka tirsanaayo.

Waxa bannaan in sida muwaadiniintu dacwadaha dhulka uga furtaan maxkamadaha ay ka furan ka raan mid lid ku ah xukuumadda laamaheeda tan deegaan iyo tan dhexeba. Shacbigu ha barto inay hay’adaha xukuumadda iyo wasaaradahaba dacweyn karaan. Halkaad hub qaadanayso, qaado gal dacwadeed. Maxkamadahana waxa la gudboon inay dhexdhexaad ka noqdaan ooy gutaan waajib ka ay u dhaarteen, ooy u arkaan dacwadda lidka ku ah xukuumadda mid la mid ah tan ay maalin w alba dadweynaha u qabtaan. Waa sida sharcigeenu qabo, waana tan baajinaysa in maalin walba dhiig aan loo baahnayn qubto iyo khasaare maal iyo noolba leh. Xukuumaddu waxay balan qaaday saa fulinta gu’aamada maxkamadaha xataa hadday lid ku tahay go’aan ka soo baxay laamaha xuk umadda. Waxaynu nahay qaran dimuquraadi ah, dastuur sameystay iyo qawaaniin ilaalinaysa xaq qa iyo sinnaanta muwaadinka. Xukuumaddu waxay aaminsantay in qalad iyo gef ka dhici karo, oo ma aha xukuumad macangag ah ee waa mid garwaaqsan in qaladkeeda la saxo iyo in xukun maxka madeed joojin karo go’aamadeeda. Waa xukuumad ku timi sifo sharci ah, dimuquraadi ah, iyo rabit anka dadweynaha. Sidoo kale waxa waajib saran yahay in muwaadinkuna ajiibo oo uu aqbalo go’a amada ay gaadhaan maxkamadahu. Waa sifaha iyo waxa lagu garto qaran sharcigu xukumo, shar cigu ka sareeyo qof kasta xaakim iyo maxkuumba. Waana mid baajinaaya qas iyo qalalaase bulsh ada dhex mara.

Waxa iyana waajib ah in la ixtiraamo hay’adaha amaanka, oo loo arko in askartu tahay, kuwa ilaal inaaya nabadda, kuwo u soo jeeda habeenkii, qarafaha iyo duurka ku noolaada iyagoo ka durugs an ehelkooda. Iyana waxa la gudboon dulqaad, iyo dhab adeeg ay ku hantaan waajibaadkooda qa ran. Wada shaqaynta hay’adaha amniga iyo bulshadu waa badbaadada bulshada, kala-xidhiidh-f urkooduna waa mid horseedi karta qas iyo qalalaase. Aan ixtiraamno cidda naftooda u hurtay daa faca iyo ilalinta qarannimada dalkeena.

Marxaladda aynu maraynaa waa mid u baahan xigmad, aqoon iyo waayo-aragnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo ay weheliso geesinimo lagu yahay ilaalinta sharciga, bal se aan ka taganayn dulqaad iyo naxariista inta qaladanta ee gefkoodu yahay garasho la'aan iyo meel-dhow-eeg.

Aan noqono ummad aan kala aar goosan, is cafida, isu caqli celisa, ninka qaldan wax u sheegta, ha dduu joogsan waayana gacanta qabta oo sharciga mariya. Yaan qalad qalad lagu sixin, ee caqligu ha taliyo. Wax walbana ha laga hormariyo nabadda guud, wadajirka iyo midnimada bulshoweynta, taas ayeyna dhib kasta kaga gudbaynaa, kuna noqonaynaa qaran ka fog kuwa lagu sifeeyo doqon iimada.



Alle hayna garansiiyo cadaaladda iyo macaanka nabaddu leedahay. Alle haynagu toosiyo dariiqa xaqqa ah iyo tubta toosan.
Amiin
 

 

 


Ahmed Hassan Arwo
Eci.advisor@gmail.com
http://www.facebook.com/groups/SLFIRST/

http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/