79 Arday oo xalay shahadooyin lagu guddoon siiyay Hotel City Plaza, iyo Agaasimkii Soydavo

 



 

Burco (TNN)- waxaa xalay lagu qabtay Hotel city plaze ee magaalada Burco xaflad  qalinjebine ed oo shahadooyin lagu gudoonsiinaayay Arday kaqalin jabisay ama dhamaysatay  waxbaras ho kala duwan oo ay ufulisay Ha'yada EDC SHAQADOON.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah losoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen gudoomiye kuxigeenka waxbaradhada gobolka xasan jaamac warsame,masuul ka socday Hayadda EDC Xuseen maxamuud{laki}masuuliyinta Ururka SOYDAVO, Maamulka Jamacadda Golis qaybteda Burco Prof: C/xakiin, isuduwaha arimaha Qoyska ee gobolka togdheer caasha cali  Qabiile,Sar kaal kasocday warshada biyaha MAAXDA ,iyo Marwo aamina oo ah inanta uqaabilsan  mashru uca SHAQADOON u qaabilsanyd SOYDAVO .

G/kuxigeenka waxbrashada Gobolka Xasan jaamac warsame oo ugu horayntii munasibadda ka hadlay ayaa umahad naqay dhamaanba martisharafta kasoo qaybgashay munaasibadan  wax aanu hanbalyo ujeediyay SHAQADOON EDC iyo SOYDAVO oo uu ku ammaanay sida ay wax u bareen ardaydan oo gaadhaysay 79arday oo aybareen xirfado kaladuwan, waxaanu ardayda kooraskan dhamausatay usoo jeediyay inaanay ka caajisin ee ay halkaas kasii wadaan kuna shaqaystaan xirfadahan ay barteen, waxaanu shirkadaha ka codsaday inay shaqaalaysiyaan ardaydan ay EDC SHAQADOON ufulisay waxbarashadan ah xirfadaha shaqada .

Marwo amina ayaa iyaduna sharraxday qaabka ay wax u bareen ardaydan iyadoo muuqaal ahaanna dadka u tustay ardaydii oo wax la barayo, waxay tirada ardayda ka qalinjebisay ku sheegtay 79 arday oo ka kala qalijebiyey bay tidhi xirfadaha.

waxa iyana munaasibadda wacdaro ka dhigtay abwaanadda ahna suxfiyadda da'da yar Nafisa Ciise Yusuf, iyadoo halkaas ka jeedisay suugaan iyo maansooyin ay ku ammaanaysay  dhamm aanba inta ka qabyqaadatay barashada xirfadahan ay shahaadadooda qaadanayso.

waxaa kaloo isna xafladan kahadlay masuul kasocday Haya'dda EDC SHAQADOON mudane  xus een maxamuud{laki} waxaanu aad ugu mahad naqay ardaydii dhamaysatay  waxbarashado odii ay ufuliyeen waxaanu iyana mahad naq ujeediyay dhamaanba Hay ddha kaqayb qaatay inay fuliyaan mashruucan SHAQO DOON ,isago sheegay in 7 xarumood ay siiyeen mashruucan Sida : SOYVO ,SOYDAVO, Togoyovo,CCS,Candlelight,Jaamacadda Burco iyo Siitco College. waxaanu ardayda kula dar daarmay inay joojiyan tahriibta waayo buu yidhi waa haligaad aad naftaada haligayso waxaanu usheegay in ay sabab utahay tahriibta iyo dhibta kale dhalinta haysataba shaqo la aantu, iyadoo sidaasi ay nagu keliftay bu yidhi inaan mashruuc shaqo raadsi ah samayno.

wuxuu sido kale yidhi "ganacsatada haw dhega nugladaan , xafladaha nocan oo kale si ay shaqo u siiyaan ardayda xirfadaha kala duwan baratay oo laga yaabo inay u baahan yihiin"


marwo caasha cali qabiile oo iyana xafladan kahadashay ayaa tidhi "waxaan aad ugu mahad naqayaa dhamaan dadkii baray ardaydan xirfadaha iyo aqoonta sida Ururka SOYDAVO iyo  H ay;adda EDC SHAQADOON, waana inaad shaqo siisaan dadkan aad wax barteen" waxaanay halkaas uga soo jeedisay waano wax ku ool ah waxaanay in badan kala dar daarantay  tahr iibta.

Ardaydan shahadooyinka lagudoon siiyay ayaa ka qalin jabisay English, xisaan, computer, of fice management ,Cillaan saarka ama qurxinta dumarka ,far barashada ,iyo faaradda.

Mashruucan SHAQADOON ayaa ah mashruuc ay dhamaan gobolada Soomaali land ka wadday hay'adda EDC ,waxaana gaba gabo gabadii shahadooyin lagudoon siiyay ardaydii qalinjebisay, waxaanay xafladani ku soo dhammaatay jawi farxadeed.






Ifraax Cawil Siciid
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland