38 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada somaliland oo Maamuus ka xayuubin ku soo Oogay Madax wayne Riyaale iyo Kuxigeenkiisa Axmed yuusuf Yaasiin




Hargeisa (Longlivesomaliland News) Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxamaan maxamed C/laahi (Cirro) oo ay ka soo xaadireen 71 mudane oo ka tirsan golaha  wak iilada somalialnd ayaa la soo hordhigay laba mooshin oo mid la doonayo in Maamuus ka xayuubin lagu Sameeyo Xukuumada Madaxwayne Riyaale iyo mid kale oo la  doona yo isna in wax lagaga badalo xeerarka baarlamaaniga ah si loo rido Shirgudoonka Golaha wakiilada.

Mooshinka hore waxaa soo hordhigay Golaha 38 Mudane oo ka tirsan Golaha  wakiila da Somaliland oo ubadan xisbiyda mucaaridka ah ku waasi oo doonaya in  Madaxway naha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland la soo gole joojiyo oo maamuus ka  xay uubin lagu sameeyo.

Mudanayaasha mooshinkani wataa waxay ku eedeeyeen Madaxwayne Daahir Riyaale iyo Ku Xigeenkiis Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ay sheegeen in ay Xilkoodii Gudan  waaye en, iyo inay Distoorkii Somaliland Jabiyeen, Gaar ahaan Qabashada Doorashooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Mudane C/raxman maxamed C/laahi (Cirro) waxaa uu sheegay in Mooshinkan Maamuus ka xayuubinta Madaxwaynaha iyo ku  Xig eenkiisaba ay ugudbiyeen la taliyaha Sharciga ee Golaha wakiilada si uu usoo darso in Mooshinkani Waafaqsanyahay Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland, isaga oo baritto-na ku soo celin doona golaha wakiilada, si markaasi Cod loogu qaado, oo ay  mudana yaashu Dood ka galaan.



Mudaneyaasha ku sexeexan mooshinkan:




1-Aadan Tarabi Oogle

2-Abubakar C/Raxmaan Good

3-Axmed Cabdi Kijaandhe

4-Axmed Ducaale Bulaale

5-Axmed Ibraahim Daahir

6-Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)

7-Bashiir Xuseen Tukaale

8-C/Casiis Ismaaciil Ducaale

9-C/Raxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere)

10-C/Raxmaan Yuusuf Cartan

11-Cali Xasan Maxamed

12-Cali Yuusuf Axmed

13-Maxamed Cismaan Bulqaas

14-Cumar Axmed Sanweyne

15-Faarax Axmed Cabdulle

16-Xaashi Xuseen Caabi

17-Xariir Siciid Bulaale

18-Xamse Maxamed Gaadoweyne

19-Ibraahim Axmed Haybe

20-Ibraahim Jaamac Cali

21-Ibraahim Xuseen (Dhaadheere)

22- Jaamac Xasan Aadan

23- Maxamuud Axmed Obsiiye

24- Maxamuud Dhunkaal Tukaale

25- Prof. Maxamed Cumar Jiir

26- Maxamed Faarax Qabile

27- Maxamed Jaamac Cabdi

28- Maxamed Xuseen X Ciise

29- Maxamed Nuur Caraale (Duur)

30- Maxamed X. Yuusuf Axmed

31- Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi

32- Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)

33- Siciid Cilmi Rooble

34- Maxamed Jaamac Cali

35- C/Raxmaan Maxamed Talyanle

36- Mahdi Xuseen Caddarre


Mooshinka labaad Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane  C/raxm an maxamed C/laahi (Cirro) in ay soo hordhigeen Golaha wakiilada 29 xildhibaan oo ah kuwa taageera Xukuumada iyo xisbiga Udub oo doonaya in wax kabadal lagu  samee yo xeer hoosaadka golaha Wakiilada Somaliland.

Mudaneyaashaasi waxa ay sheegeen in xeer hoosaadka Golaha Wakiilada in ay ka  ba delaan Qodobka sheegaya in shirgudoonka Golaha wakiilada lagu ridi karo oo kaliya  S eddex meeloodoo laba meelood 3/2.

Mudanayaashaasi waxa kale oo ay ku doodeen ina ay doonayaan in ay xilka ka  qaad aan shirgudoonka golaha wakiilada oo ay ku eedeeyeen inuu dhinac noqday.


Dhinaca kale Fadhigii maanta oo loo Diiday Saxaafada Badankeedu inay ka qayb  gala an ayaa waxaa si xad dhaaf ah looga soo buuxiyay Golaha Ciidamo Aad ufaro badan oo hubaysan, kuwaasi oo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidanka somalialnd Col: Maxamed Saqadhi Dubad.


 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa /Somaliland
mccfuture@hotmail.com