353 Arday oo ka qalin jabiyay Kuliyadaha kala duwan ee jaama cada Hargaysa iyo madax wayne siilaanyo oo shahaadooyinka guddoonsiiyay Ardayda qalin jabisay:-

 


Hargaysa Sep 27, 2010 (TNN):--Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed (siilaanyo) ayaa maanta  s hahaadooyin gudoonsiiyey 353 arday oo ka qalin jabiyey jaamacada Hargeisa kuwaas oo oo  dhamayst ay 7  kuliyado od oo kala duwan oo ay ka midyihiin kuliayada sayniska ,caafimadka, iyo dhaqaalaha.


Xafladan ardayda lagu godoonsiinayey ardayda oo algu qabtay barxad wayn oo laga dhex dhisay  xaru nta jaamacada hargiesa ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha somaliland iyo masuuliyiinta  sa dexda xisbi qaran ee kulmiye ,ucid iyo udub,maamulka iyo macalimiinta jaamacada , xubno ka mida  Gola ha wasiirada, shirgudoonka Golaha wakiilada iyo Guurtida, ganacsato, Waalidiin,arady iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxaana munaasibadaasi hadal ka soo jeediyey madaxwaynaha somaliland Md:Axmed Maxamed  (Siila anyo) sheegay inuu si wayn ugu faracsanyahay inuu ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo sameeyey ardaydaasi dhamaysatay wax-barashada jaamacdeed oo uu madawynu ku tilmaamay  mask ax cusub oo ku soo korodhay aqoonyahanka somaliland, waxaanu madaxwaynuhu mahad naq u soo  jee diyey hormoodka jamacada hargeisa oo uu ku bogaadiyey sida ay dedaalka ugu jiraan horumarinta tacliinta iyo taaba gelinta aqoon jaamacadeed.

madaxwayne siilaanyo oo waxaa uu ka hadlay”amaanka dalka oo uu sheeegay inuu degenyahay oo ay nabadgelyada dalku marayso meel fiican inkasta oo ay jireen dhacdooyin mudooyinka dambe ka la  hada lyey oo dhamaaday isagoo madaxwaynuhu dhacdadii ka dhacday xeebaha somaliland ku sheegay  duul aan dawlada eretariya ay ku soo qaaday somaliland isla markaana ay uga dacwoonayaan beesha caala mka.Madaxwayne Siilaanyo oo munaasibadaasi ka hadlayey maanta ayaa waxaa uu xusay inay  xukuu madiisu xooga saari doonto wax-barashada iyo adkaynta nabad -gelyada, waxaanu gabagabdii  madax waynuhu kula dardaarmay Ardaydii qalin jabisay inay halkaasi ka sii wadaan dedaalka ay muujiyeen  ba rashada cilmiga.

Munaasibada lagu guddoonsiinayay wasiirka iyo kooxahaba oo ka dhacday Huteel Star Mudane Siilaany o waxa uu u balan qaaday dhalinyarada inay Balankoodii sidii yahay ayna ku hawlan yihin sidii ay dhalin yarada ugu abuuri lahaayeen Fursado shaqo.

Mudane Siilaanyo waxa uu umada ugu baaqay inay Ilaashadaan Nabadgalyadooda Muujiyaana Midnimo ay kaga hor tegayaan Cadaw kasta oo aan jeclayn Horumarka wadanka.

Isaga oo Canbaarayn xoogan u soo jeediyay Dawladda Eratariya oo uu ku sheegay inay ka dambaysay Maleeshiyadii Hubaysnayd ee sida sharci darada ah ugu gudbaysay Dawladda itoobiya.

Waxaa isna halkaasi hadal dheer ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaamacada Hargeisa Dr:Maxamuud Xus een Bulxan oo ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay iyo sida ay hada jaamacadu u  s haqayso oo uu ku tilmaamay mid aad u fiican isla markaana jaamacadu ka mid tahay hormuudka  jaamac adaha dalka, gudoomiyuhu waxa uu ku dheeraaday qiimaha wax-barashada iyo waajibaadka qofkasya ka saaran naftiisa inuu wax bar. waxaanu Dr:bulxan Hambalyo u soo jeediyey Ardaydaasi maanta qalin jabisay oo uu ku amaananay siada ay wakhtigooda ugu hureen barashada cilmiga mudadii ay ku jireen.

Gudoomiyaha jaamacada Hargeisa mar uu ka hadlyey dhaqaalaha jaamacada waxa uu sheegay inay  jir aan Ha,yado jaamacad kaalmo siiya aan badnayn isla markaana waxa uu gudoomiyuhu xukuumada ku  c anaantay sida ay uga sii jeedo wax tarka iyo dhiiri gelinta goobaha wax barashada gaar ahaan  jaamac ada isagoo xukuumada cusubna ka codsaday inay gacan ka siiyaan sidii loo horumarin lahaa jaamacada.
munaasibada oo ay ka muuqatay farxad iyo muuqaalo qurux badan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan kuwan oo dhamaantood hambalyeynayey Aradaydaasi qalin jabintooda loo fadhiyay oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin bulshada reer somaliland magac wayn ku leh. waxaana gabegabadii shahaadooyinkii uu madaxwaynu gudoonsiyey ardaydaasi.

 

Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeisa/Somaliland