30 Ka Mid Ah Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Loo Soo Gaba gabeeyay Tababar La Xidhiidha Culuunta Dab-Damiska

 



Hargaysa(TNN)- Waxa manta lasoo gabagabeeyay toobabarkii dabdamiska ee labaraayay shaq aalaha Fire Fighting-ka ee Dekeda oo mudo bila loo toobabaraayay sida looga hortago aafada dabka waxaana toobabarkaa fulinaysay shirkada magaceeda lagu sheegay Sadba Enterprises waxaana qaabka dabka lloga hortagana Baraayay shaqaalahaas oo tiradoodu aheyd(30)laba macalin oo mid yahay ajinabi halka kalena yahay Somali waxaanay labadaa masuul sheegen in qaabkan dabka looga hor tago ee ardaydan la barayaa uu Yahay qaabka lagaga dhaqmo wad amada mareykanka iyo Canada waxaanay sheegen in uu yahay Qaabka ugu haboon ee dabka lagu bakhtiin karo sida ay labadaa masuul sheegen

Toobabarkan ayaa manta waxa lagu soo xidhay qaabka Practical ah waxaana shaqaalaha la Geeyay Meel xeeliga bada ah halkaas oo lagu gubay dab kabcadin shaqaalahaas sodoneeyada ah lagag qaaday imitixaankii ugu danbeeyay ee dabka waxaana mid mid loogu diray sidii dabkaa loo bakhtiin lahaa Waxa Kaloo iyana madashaa lagu soo bandhigay qaabka tuubada xoogan ee ku rakiban gaadhiga dab damiska Ah loo isticmaali lahaa iyo hababka kale ee laysaga difaaco aafada dabka ka kaca meelaha Publica ah oo Sida la ogyahay ah ka ugu daran ee wxyeelooyin ka ugeysta bulshooyinka waxaana xidhitaankaa toobabarkaa manta kazoo qeyb galay oo joog ay Madaxda waaxda Fireta iyo Securityga Dekeda Cismaan Cabdillahi(Bakooshe) iyo ku xigeenk iisa Khayre Cali Cabdillahi iyaga oo labadaa masuul sheegay in Shaqaalaha la baray xirfad anfici doonta dekeda iyo magaalada berbera iyaga oo umahad celiyay Labada macalin ee toobabark an fulaanay

Dhan kale waxa iyagun aad ugu faraxsanaa xirfada labaray shaqaalaha manta loo soo gaba  ga beeyay Toobabarkaa iyaga oo saxaafad usheegay inay ugu adeegi doonaan xirfadaa labaray ee dabka laga Hortago Dekeda magaalada berbera iyo dhamaan magaalada berbera

Masiibooyinka dabka ayaa inta badan waxay magaaladan berbera ka kacaan xiliyada xagaa ee ay dhacayso Dabeysha xagaagu iyada oo inta badana uu dabkaasi ka dhasho sigaarka lagu tuu ro meelaha uu ku badan yahay geedka loo yaqaao garan waagu.

Dhinaca dekeda ayaa inta badan dab ka kicin balse waa meel laga baqe qabo in uu dabka kaco sababtoo Ah dekedu waa xarunta laga soo rogo dhamaan badeecadaha kala duwan ee dalka la keeno kuwaas oo u halisa in dab ka dhasho.
 

Source:Waaheen