29 October oo loo Aqoonsaday Maalin Qaran

Golaha Wasiirrada, ayaa fadhi ay
shalay yeesheen ku go’aamiyey in maalinta 29 October loo aqoonsaday
maalin qaran oo shacbiga Somaliland ku xusuusan doono falalkii
qaraxyada ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii toddobaadkii hore kooxda
argagixisada ahi ka fuliyeen caasimadda Hargeysa.
Kulankaas oo uu guddoomiyey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla
markaana ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada oo dhawrkii maalmood ee
ugu dambeeyey dhammaan xafiisyadu u xidhnaayeen burbur baaxad leh oo
ka soo gaadhay qaraxii baabuurka loo adeegsaday ee lala beegsaday
Arbacadii la soo dhaafay, haatanna uu ka socdo dhisme dib loogu
hagaajinayo, ayaa waxa Golaha Wasiirradu dood kulul ka yeesheen
falalkii argagixiso ee ka dhacay Somaliland, iyagoo gunaanadkii
kulankoodana isku raacay in 29 October loo aqoonsado maalin qaran oo
xusuus gaar ah iyo tixgelin ka mudan shacbiga Somaliland.
Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr.
Siciid Caddaani Mooge, waxa kale oo lagu sheegay in Guddiga
Nabadgelyada Qaranku kulankaas ku soo bandhigeen wararkii u
dambeeyey ee ku saabsan baadhista weerarradii argagixiso ee dalka ka
dhacay.
Warsaxaafadeedka Afhayeenka Madaxtooyada oo uu ku faahfaahiyey
waxyaabihii kulankaas lagaga hadlay iyo go’aamada ka soo baxay, waxa
uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:
“Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo maanta [shalay] lagu qabtay
xaruntii Madaxtooyada, ayaa la isku raacay in maalinta 29-kii
October loo aqoonsado maalin qaran oo xasuus iyo tixgelin ka mudan
ummadda reer Somaliland.
Shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, goob-joogna ka ahaayeen
Madaxweyne-ku-xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiiro badan
oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxa si qoto dheer loogu
qaadaa-dhigay dhacdadii foosha xumayd ee argagaxisadu ka fulisay
saddex goobood oo ay ka mid tahay Madaxtooyada Somaliland, xarunta
Ganacsiga ee Itoobiya iyo xafiiska laanta Qaramada Midoobay ee UNDP.
Madaxweynuhu isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yidhi;
“Arrintani waa dhacdo innagu cusub oo aan weli hore uga dhicin
Jamhuuriyadda Somaliland, inkastoo kuwo taas la mid ah aynu ka
hortagnay inay dalka ka dhacaan, sidaa daraadeed waxa lagama
maarmaan ah in shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan ka
gaashaantaan dhacdooyin kuwaas la mid ah in dalkeenna laga fuliyo,
meelna looga soo wada jeesto nabadgelyada iyo xasilloonida dawlad
iyo shacbiba.”
Waxa shirka lagu go’aamiyay in maalinta 29-ka October loo aqoonsado
maalin qaran oo lagu xuso taariikhda dalka.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu shirka kaga dhawaaqay
inuu ka noqday cafiskii uu hore u siiyay maxaabiistii u xidhnaa
falalka argagaxisada ah, iyaga oo xukunkoodii hore siduu hore u ahaa
loo fulin doono.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo
hadal kooban ka jeediyay shirka, ayaa isaguna tilmaamay in nimanka
dhacdadaas fuliyey ee argagaxisada aanay ahayn dad Muslim ah oo ka
fog diinta, isla markaana waxa uu ka digay in ay marin habaabiyaan
dhallinyarad reer Somaliland iyo faca soo koraya oo aanay ka
dhaadhicin diin khaldan.
Waxa kale oo Guddida Nabadgelyada oo hadda gacanta ku haysa
baadhistii dadkii dhacdadaas argagaxisada ah ka dambeeyay ay
shirkaas ka sheegeen in meel fiican arrintu u marayso, raadkeediina
hayaan, iyagoo sida ugu dhakhsaha badan ummadda u sheegi doona
go’aamada baadhistaas ka soo baxda.
Gebogebadii waxa shirka Golaha Wasiirradu isku raaceen in la qaado
waxa alla iyo wixii tallaabooyin ah ee ku habboon sidii loo xoojin
lahaa nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland.”
Jamhuuriya Online
|