Waa qarannimo 55tan jirsatay, waa da' kolka loo eego cimriga aadmiga
laakiin waa shabaab kolka loo eego cimriga dawladaha. Maanta waxa
inala gudboon inaynu qiimeheeda siino, wal ow ay jiraan duruufo aynu
ku kala qaybsanay oo ka dhashay gaabis siiyaasi oo dhammaan ay nu ka
mas'uul nahay mucaarid iyo muxaafidba. Eedda ugu weyna ay leeyihiin
Golaha Wakiilada ee shacbiga matalo oo noqday gaabis guntii. Waa
Golaha ku fadhiya Sharciga dib u eegidda qaybsiga kuraasta Golaha
Wakiilada oon la'aanteed aan la helayn doorasho xor oo xalaal ah.
Intaas u dhaafimaayo oo ma rabo inay damaashaadka inaga leexiso iyo
maalintii aynu dalkee na ka xorreynay gumeysi aan diin iyo dhaqan iyo
midab midna inala wadaagin ee aynu ku luuq aynaynay: waa ayaantii
maaloodigii meesha daran ka yimid aynu ka dhoofinay dalkeena
Soomaliland. Maalin farxaddu ina mideysay.
Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa
maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo
yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah.
Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah
leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland.
Iyadaa u sal ah oo dhash ay halgamadii ina soo maray ee uu ugu
dambeeyey kii SNM ee aynu dib u dhisnay jamhuuriy addii labaad
kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadii aynu ku luminay haybaddii
26ka Juun.
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii
aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa
maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 3 0. Waa ayaantii abwaan
iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u
naxar iistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen
gabayada taariikhiga ah een doo goobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd
maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar,
ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey
sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd
maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay
ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is
qabsade en. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay.
Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax
kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu
noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada
ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed
dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh
ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo
dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay
burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta
Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF,
USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen
midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah
ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo
maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba
shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u
sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay
taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo
nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo
isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u
horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna
noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku
soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli
xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay
27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo
NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay
is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah
oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.
Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku
gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta
gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda
iyo wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu
ka horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee
siyaasiga jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa
in taliska Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland
sida uu u aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo
kuwa Kenya, horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo
markaynu u baahannay inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul
aynu ku badbaadno.
Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag
iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay
leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah
lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax
xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy
sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku
xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin,
odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray
iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo
dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka
bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku
dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la
qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon
waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi
ah, kala beel ah, oo wad aninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan
geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halg ankii seddexda
xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen
abwaan ada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe,
Guduudo, Cali Sugule iyo dhamm aan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale
siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cab dillahi,
Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan,
Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay
xoriyadda dalkeena hooyo.
Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku
biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay
qarannimada Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee
sharciyeynaysa qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga
ayaa caydhiyey isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa
sidoo kale soo celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay
qarannimada Soomaliland..
Waa Ramadaan iyo Jimce ee aan ku soo afjaro duco iyo Aalle ka cabsi.
Allow quluubtayada isku soo duw, Alle nabada noo adkee, Allow naga
dhig kuwa isu dulqaata, is cafiya, isu naxa, is tusa xaqqa, iska
waaniya qaladka, is toosiya oo is tilmaama iyagoon is caayeen, is
huruufeyn, is ceebeynayn, Allow madaxda iyo masuuliinta ku hadee
xaqqa iyo tubta toosan, Allow ka dhig shacbiga kuwa arka wanaaga,
kuwa ka kora eexda qabiil iyo dacaayadda beenta ah. Allow Islaamka
dhammaan meesha dab ka baxaayo bakhtii oo u gogol gogosha nabadda,
Allow inta baahan u gargaar, inta xanuunsan caafimaad sareecan ah
sii. Allow raxmadaada u shub, Al low barakada bishan soon na waafaji,
allow naga yeel kuwa aad ka xorreyso naarta, Allow maytidayo iyo tan
islaamka u nacariiso. Allow Inankii Maxamed oo Ramadaantii hoer
caafim aad qabay haatana agtaada u dheeelmaday u naxariiso, qabriga u
waasici, u nuur ugana dhig beer ka tirsan fardawsta sare. Allow
baari, waalidkii adeeca oon dalabkayo aax marna ka odh an, oo
naftiisa taayada ka hor mariya ayuu ahaa ee Allow ugu naxariis
jaceylka uu noo qabay, anagana naga dhaaf waxaanu ka gaasirnay. Wa
salalaahu calaa siyidaana wa nabiyaana Maxamed caleyhu salaam.
GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH
EE 28KA JU UN
Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga