“2014 Genel waxa ay ka qodi doontaa ceelkii ugu horeeyay Somaliland” Wargeyska Telegraph

 



Hargeysa (TNN):- Shirkadda sahaminta iyo soo-saarka shidaalka ee Genel ayaa ka rajeynaysa wax soo-saar xooggan ka dib marka ay ka bilawdo qoditaanka shiidaalka Somaliland oo ay ber yahanba ku haysay hawlgalo sahamin ah.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph, shirkadda Genel Energy waxa ay sheegaysaa inay horum ar ka samaysay dhinacyo badan oo ay filayso hor u socod ballaadhan oo saliideeda sannadka soo socda.

Shirkadda Genel waxa madax ka ah Tony Hayward oo ah guddoomiyihii hore ee shirkadda BP, waana shirkadda ugu ballaadhan ee shiidaalka ka soo-saarta gobolka is-maamul hoosaadka leh ee Kurdiyiinta Ciraaq.

Waxa kale, oo shirkadda Genel sahamin ka samaysay Marooko, Malta iyo Somaliland oo la filayo inuu qoditaanku bilawdo dabaqayaaqada sannadkan.

Warbixintan uu wargeyska Telegraph ka qorey shidaalka waxay intaa raacisay in dunida intee da badan daaha laga rogay shiidaalkii sahlanaa, sidaa awgeedna ay haatan shirkadaha shiidaal ku ay u jeedaan dhulalka aan la sahamin inay ka raadiyaan kaydad cusub.

Waxaanu wargeysku yidhi “Sannadka soo socda, Genel waxay ka qodi doontaa ceelka ugu hore eya Somaliland oo ku yaalla bariga Afrika oo xorriyadeeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya la baatan sano ka hor, ka dib dagaal sokeeye, waxaanay wararku sheegayaan inay jiyoolajiyada dalku la mid tahay ta dalka Yaman, halkaasi oo lacagta ka soo baxda shiidaalku qayb wayn ka tahay dakhliga dawladda.”

Wargeyska oo qoraalkiisa sii wada waxa uu sheegay inay caddaan tahay in aan Somaliland laga samayn sahamin iyo dhaqdhaqaaqyo sidaas ah tan iyo markii ay shirkadihii shiidaalku ka baxe en sannadihii 1980 –meeyadii. Taasina ka dhigan tahay in ay ka jirto halkaasi fursad wanaags an oo lagu heli karayo shiidaal.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland