165 Shaqaale Oo Ka
Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Maanta U Fadhiistey
Imtixaan.
Wasiir Xaabsadde waxa uu intaasi ku daray in Guddida Saxaysa
Imtixaankani ay yihiin kuwo si Caddaalad ah ku eegi doona
Hargeysa (TNN) Waxa Maanta Si rasmi ah ugu Fadhiistey Imtixaan ay
Soo qaban qaabisey Wasaaradda Warfaafintu Shaqaale Gaadhaya 165,
Kuwaasi oo dhamaantood kala ahaa Sa wir Qaadayaal, Barnaamij
Soosaare iyo waliba Wariyayaal, waxana ay dhamaantood ka tir
sanaayeen Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Wasiirka Wasaraadda warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsadde oo ka
Soo qayb galay, goobtii Shaqaalaha lagaga Qaadayay Imtixaanka ayaa
sheegay in uu Aad ugu Faraxsan ya hay in Shaqaalaha Wasaaradiisu ay
ku soo kala Hadhaan Aqoon, waxana uu ku Booriyay Dhamaan Dadka laga
qaadayay imtixaanka in ay Si Niyad Sami ah uga shaqeeyaan Imtixaanka.
Wasiir Xaabsadde waxa uu intaasi ku daray in Guddida Saxaysa
Imtixaankani ay yihiin kuwo si Caddaalad ah ku eegi doona, isla
markaana Qof kasta la siin Doono Aqoontiisa iyo Waxa uu Muteystey.
Waxana uu Wasiirku ku nuuxnuuxsadey isla mar ahaantaasna Tilmaamay
in Imtixaankan la gu Saxayo si Caddaalad ah, waxana uu Sheegay in
Dadka u fadhiisanaya Imtixaanka Horto odda lagu Dhaarin Doono, Dadka
Saxaya Imtixaanka.
Dhanka kale Waxa isna Goobtaasi ka Hadlay Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Waxana uu Tilmaamay in ujeedda
loo Qaadayo Imtixaankani ay Tahay In la kal Saaro Dadka Aqoonta leh
Ee Ka Hawl Galaya Wasaaraddaasi, iyo Dadka Ay Aqoontoodu ho oseyso.
Ugu Danbeyntii Waxa Dadkii Imtixaanka laga Qaadayay Hortoodda lagu
Dhaariyay Masuul iyiintii Saxaysay Imtixaanka, iyadda oo Gacanta loo
Saarey Kitaabka Quraanka Kariimka ah.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|