10 QODOB OO AAD KU XASUUSAN KARTO MADAXWAYNIHII HORE IYO MADAXDA MAANTA JOOGTA


 


Xoorkiii laga dhamay xagaagi horiyo , xasuusbaa geela lagu xero geeyaa


Naxiirstiii jano eebahay haka waraabiyeee Madaxwaynihiii hore ee somaliland mudane  marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal , oo maanta la tabay waxqabadkiisii.


Wuxuu marxuumku ahaa ninkiii horseeday ama aasaaska u taagay hab dhaqankan asxaabta  siya asada iyo nidaamkan dimuquraadiga ee Somaliland.

Isaga ayaa ahaa ninkii horseeday taariikhdana way ugu jirtaa intuu umadan u qabtay.Rag badan ayaa carabka mariya in dagaalo jireen ama dalka ka dhaceen waqtigii Cigaal , balse waxaan anigu ku tilmaami karaa in colaadahaasi ay ahaayeen qaar ay ka danbeeyeen inta maanta dalka qasay sa ama hagardaamada ku haysa .


Hadaan hadalka si kale u dhigana waxaan odhan karaa waxa haboon in la qiimeeyo intuu  marxuu m Cigaal qabtay iyo siduu colaadihii dalka nabad ugu badalay.Waxa haboon in aan la xaqirin ninka halyayga ahi intuu qabtay ayadoo loo nisbaynaayo dhibaato rag kale hoosta ka waday.

Waxaan jeclaan lahaa in aan shacbiga waydiiyo su'aalo dhawra?


1-Maxaa dabadii horumar la qabtay?

2-Halkiii ictiraafku taagnaa maalintii marxuum maxamed ibraahim cigaal iyo maanta keebaa rajo leh[ dabcan waad aragtaa in nidaam kaliya dalka ka taliyo hanaankii dimuquradiguna aanu jirin ilaa xataa ay gaadhay in dalka laga saaro ajaanibkii inaga caawinaayay dhinca doorashada iyo d iiwaangalintii la tuuray


3-Waqtigii marxuum Cigaal alaa yarxamuh waxa hoos u dhacay dilalka [ halka maanta uu kor u kacay 60%.

4- May jirin nidaam argagaxiso iyo qaraxyo lagu ugaadhsado saraakiisha somaliland iyo ciidamada somaliland[ halka maanta qaraxyo isdaba jooga ka socdaan jiidaha qaarkood tiraba saraakiisha dhimatay ay tahay5 iyo ciidanka oo maraya 20. hadaanay kaba badnayn.

5-Aminga dalka waqtigii cigaal wuu sugnaa [ halka maanta ilaa madaxtooyadii qarax lala soo  gal aayo iyo xuduntii somaliland ee magaalada hargaysa oo tiraba sadex goobood la qarxiyay  siday nu ka war qabnana gawaadhi miinooyin laga soo buuxiyay waatii lagu qorxiyay , madaxtooyada , xafiiska hay,ada undp iyo safaarada ethoobiya lu leedahay somaliland.

6-May jirin waqtigii marxuum maxamed ibraahim cigaal alaa yarxamuh dilal iyo afduub ajaanibka ina caawinaaya loo gaysto[halka maanta tiraba dhawr jeer ay dhaceen falalkan argagaxisadu.

7-Waxa aan aad ugu bogay shakhsiyan waqtigii marxuum maxamed ibraahim cigaal alaa  yarxam uh may jirin gorgorton iyo wada hadal lala galo somalia [halka maanta la arko ayadoo loo kala dhuumanayo xukuumadaha is badalaya ee somaliya ee la xaqiijiyay in dhawr jeer in siyaasiyiin somaliland u dhashay ku lug yeesheen inay la xaajoodaan dhinaca soomaaliya.

8-WAQTIGII alaa yarxamuh mudane cigaal maciishadu maalin kasta way soo jabaysay [ halka  ma anta ay sii qaali garoobayso laba cisho ka horna sonkortii oo danyartu goyn kari wayday ayaa m aqlayseen .

9-Ta ugu naxdinta badan ee jirta waa dadka maanka laga dooriyay oo sii badanaya maalin kasta ka dib markuuu dhibku taabto ama gaajadu ka badato ama caruurtiisuba nafaqa daro u dhimato [ halka aan dhacdooyinka sidan loo arki jirin waqtigii halyay maxamed xaaji ibraahim cigaal alaa  ya rxamuh]

10-ALAA YARXAMUH MADAXWAYNIHII HORE EE SOMALILAND WUXUU CARABKIISA KU CEL CELIN JIRAY[MIDNIMADA SOMALILAND WAA MUQADAS MANA GALAYSO GORGORTON],,,,,,, GEESI DHEH AAN LA GABAN MABDA,IISA. [ halka maanta mudo yar ka hor aynu maqalanay sh shariifka  soo maliya ka taliya oo qarxiyay wada hadal u socday asaga iyo maamulka somaliland ee hada talada haya.

GABAGABADII TAARIIKHDIII NUURKA AHAYD EE MARXUUM MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL ALAA YARXAMUH,  HADAAN WAX KA SII YARA TILMAAMO.

Hadii aanu asagu gacan bira ku qaban saraakiishii iyo siyaasiyiintii SNM ee dalka markay  qabsade en qaska iyo dagaalada ka bilaabay waxaan hubaa maanta waxaynu ahaan lahayn sida xamar iyo koonfur.

Waxase haboon in la xuso oo la tix galiyo LAGUNA SHARFO alaa yarxamuh ina Cigaal INUU ahaa kii asagu keenay maskaxdii iyo awoodii ninmakaasi dalka ka qabatay.Maantase waxa nasiib daro ah inaanu jirin dalkana joogin nin sidii haylayay Maxamed Ibraahim Cigaal naga qabta kooxdan  baar cadaynaysa ee [ NSS TII HORE AH].


Bal aynu rogrogno taladee maxaa inoo qabsoomay ilaa maanta, maxaase inaga dhacay halkii  ay nu markiii hore taagnayn.

Halkee loo socdaa ee geediga lagu furayaa , maxaa rajo ina horyaala iyo mustaqabal.
TIMACADE alaa yarxamuh wuxuu yidhi:

-Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
-Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
-Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Alayle maanta ayaa reer soomaliland siyaasiyiintoodu cuneen ubadkoodi si fiicna u dubteen.
Tolow hadaba inta hadhay ma u soo bixi halyay hanta oo hawlkara waxna u qabta oo ay ku jirto wadani nimo iyo caqli saliima.

Ilaahay subxaanuhu watacalaa waxba kuma aha in mid naga naxa uu noo soo diro ama kuwan ha da joogaba mid noo hadeeyo oo ay is dabaqabtaan.

GABAGABDII alaa yarxamuh Marxuum Cabdilaahi Suldaan Timacade wuxuu murti ku tilmaayay:

 

-Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
-Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso
-Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

 


Wabilaahi tawfiiq.

 

 

Saciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK