ZANAWI OO SHAACA KA QAADAY IN CIIDAMDIISA UU KALA BIXI DOONO SOMALIYA

 


Ra'iisal Wasaaraha dowladda Ethiopia Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kala bixi doono, hadii ay Xitaa aysan Tabar yeelan dowladda Imigathti ee Soomaaliya ee ay iyagu taageeraan, waxaanu sheegay Meles mar uu wareysi siinaayay Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriska.

Sidoo kale wuxuu Meles Zinaawi sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayso Dawlada Embigati , balse waxa uu sheegay in masuuliyadu ay tahay mid ay saaran tahay Mas’uuliyiinta Soomaalida.

Meles Zenawi wuxuu sheegay dushana u saaray in Mas’uuliyada dagaalada ka socda Soomaaliya ay ka dambeeyaan dalalka Reer Galbeedka, isagoo sheegay inaysan wax taageero ah siinin oo dhinaca Maaliyadda iyo Siyaasadda ku aadan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga.

Waxaanu intaa ku daray Meles Zenawi inay dhibaato ku tahay inay Ciidamadoodu ku sii sugnaadaan Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in wadankooda ay ka jirto baahi loo qabo Ciidamadaasi.