Yuusuf Garaad oo ka ruqseystay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
London (TNN): Madaxii Laanta Afka
Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu
xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta
iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Bartiisa facebook ayuu Yuusuf Garaad ku soo qoray warkan, wuxuuna
sheegay in uu 20 sano kaddib maanta xilkaas ka ruqseystay.“20 sano
kaddib, waxaan maanta ka ruqseysta y BBC World Service oon u ahaa
Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga
qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”ayuu
bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.
Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC
World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da,
isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale
ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu howl-karsan
Laantaas.
Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf
Garaad waxaa uu wax ka bedelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo
kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, inkastoo ay xusid
mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo
qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena ay meesha uga baxeen
is-qabad ay is-qabteen Yuusuf Garaad.
Inkastoo uusan Yuusuf Garaad si cad ugu sheegin farriintiisan in uu
arrimaha siyaasadda u weecday, haddana waxaa jira warar sheegaya in
uu hunguri kaga jiro siyaasadda Soo maaliya oo uu weliba doonayo in
uu ka mid noqdo musharrixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka
madaxweynenimada Soomaaliya.
Source:HOL
|