Yaa Looga Ashkatoodaa Gudoomiyaha Max kamada Sarre ee Somaliland

Maxamed Xirsi Oomane

 

Qoyska marxuumku uu ka tegay

Hadii aanu nahay ehelada Marxuun Maxamed Khaliif Axmed oo uu dilay gacan ku dhiigle Ibraahim Jaamac Siciid markay taariikhdu ahayd  31/03/08. dilkaasi oo u dhacay si foolxun oo lagu dhex dilay Masaajid uu ku tukanaayay,markii dilkaasi dhacay waxaanu soo jeedinay in lays raaciyo maxruunka iyo ninkii dilay laakiin waxa naga horjoogasaday oo naga qabsaday beesha aanu ka soo jeednay oo yidhi waxaynu maraynaa nidaamka sharci ee Somaliland. Sidaa darteed waanu aqbalnay anagoo u qaadanay inay jiraan nidaam garsoor oo cadaalad marin doona dilkaasi foosh xun ee dhacay.

Markii ay dhamaatay saddexdii darajo ee Maxkamaduhu taasi oo saddexda darajaba ku xukumeen dil gacan ku dhiiglaha, oo ay marayso in Madaxweynaha loo gudbiyo si loo fuliyo go.aanadii saddexda darajo ay gaadheen.


Maalintii ay gaadhay in sharciga la mariyo waxa is hortaagay Gudoomiy aha Maxakamada Sarre . Maxamed Xirsi Oomane oo ah nin ay isku reer yihiin gacan-ku-dhiiglaha oo doonaya inuu nagu qasbo siidaynta gacan-ku-dhiiglaha isagoo is hortaagay kiiskii oo soo maray 3da darajo, ee Maxkamadaha kiiskaasi oo dhamaystiran una baahan in la fuliyo .
 


Eheladii Marxuumka Maxamed Khaliif:


Sidaa darteed Haddii aanu nahay ehelda Marxuun Maxamed Khaliif Axmed waxaanu ka cabanaynaa cadalaada darada cad ee uu nagu sameeyay

Gudoomiyaha Maxakamada Sarre. Maxamed Xirsi Oomane oo  u hiilinaaya gacan-ku-dhiiglaha kuna barbartaagan banaysiga dhiiga islaamka isagoo ka doorbiday inuu raaco cadaalada iyo xilka loo dhiibtay ee dadka u dhexeeya inuu noqdo nin reer wakiil ka ah kuna gabanaya xilka iyo Maxkamada sarre ee uu hayo

Hadaba Hadii aanu nahay ehelada Marxuun Maxamed Khaliif Axmed waxaanu ka cabanaynaa cadaalad darada cad ee uu nagu sameeyay Gudoomiyaha Maxakamada Sarre waxaanu ogaysiinaynaa sadexda gole iyo dadweynaha Somaliland inay ogaadaan wixii khasaare ka yimaada inay ka masuul ka yahay Maxamed Xirsi Oomane haii aan deg deg wax looga qaban.arintaasi



Magacyada ehelada Marxuun Maxamed Khaliif Axmed


- Walaal ka marxuunka: C/qadir Khallif Axmed

-
Xaaska Marxuunka :Safiya Cabdi Cali

-
Hooyada : Xaliimo xaashi Cali



 Caruurta marxuunka


- Suhayb

- Subeer

- Sakariya

- Siciid

- Faatiriin


 

 


Source:SDWO