YAA DAACAD U AH JAMHUURIYADDA SOMALILAND OO ADIGOON QABIIL KU JIIDAN AAD U DOORAN LAHAYD

 

Waxaan salaamayaa shacabwaynaha jamhuuriyadda somaliland, waxaa kale salaan qiimo leh mudan war baahintooda had iyo goor heeganka u ah tilmaammidda goldaloolooyinka dhiirrina geliya wanaag falidda dalka.

Haddaan salaantaas ka gudbo una soo noqdo ujeeddada qoraalkan; Ummad waliba waxay leedahay taariikh oo ay tixgelisaa kana digtoonaadaan wixii dhibaato laga dhaxlay kana faa,iidaystaan wixii wanaag loo arkay , haddaba akhristoow haddii aad dib u dheehato marxaladihii ay soo martay somaliland way badnaayeen oo dib ugu wada noqon maayo, markaas waxaan soo qaadanayaa saddexda xisbi qaran ee u tartamaaya hoggaanka waddanka doorashadan soo socota ee ku beegan 31 may 2009 (Haddii aanay layaabkeediiba wuu dhammaadaye dibba uga dhicin) saddexda xisbi laba ka mid ah oo kala ah xisbiga talada dalka inta ilaahay ka sokaysa haya ee UDUB waynu ka dharagsannahay wuxuu yahay wax tarkiisa iyo wax yeelladiisaba oo haddii uu muddadii uu dalka ka talinaayay dhexdhexaad shacabka walaalaha ah u ahaa oo laga wada mahad sheeganaayo dalka iyo dadkabana wax u qabtay adiga oo aan u eegin degmo ama gobol gaar loo ilaaliyay kuwii kalena ay cabasho la liitaan oo uu xisbigaasi dalka iyo dadakaba simay waxba kama qabo in dib loo doorto,

Marka aynu eegno xisbiga kale ee gaammuray ee KULMIYE kaasina ma taariikh la,a oo walaalkay ama walaashy somaliland u dhashaw ama u dhalatayay waxaad is waydiisaa muxuu xisbigaasi ceeb leeyahay muxuuse wanaag leeyahay adigoo eegaaya taariikhdisii iyo xaaladda maanta uu ku suganyahayba qoraalkaygan ma doonaayao in aan cid ku af lagaaddeeyo jamhuuriyadda ka mid ah markaas haddii aad xiisa u qabto waddankaaga ama waddaninnimadu kaa run tahay adiga oo walaalahaaga dhan walba kaa xiga eegaaya oo aad is leedahay waxaa uu simayaa ummadda waddanku ka dhexeeyo kaana waxba kama wabo haddii lagu doorto,

Aan u soo noqonno xisbiga soo hadhay ee UCID xisbigan malaha taariikh dheer oo dib loo eego sida kuwa kale mar haddii ay sidaas tahayna looma hayo wax ceeb ah waa xisbigii ugu horreeyay ama sababba uu ahaa hirgelintooda kuwa kale, waa xisbi ay ka muuqato dhexdhexaad, waa ka aanay ku dhexgeli karin ragga hungurigu soo daashaday ee daneeya dantooda gaarka ah, waa ka ay ka dhex muuqdaan dadka jilicsan sida dumarka iyo dhallinyarada, waa xisbiga marka ay dalka xaaladdiisu murugto eega ummadda dantooda markaan sidaas u hadlayo yay kuula ekaan in aan xisbigan taageeradiisa ku maqanay, laakiin sidaas maahee waxaa aad iigu wayn waxa la yidhaahdo waddaninnimada taasoo ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo waddaninnimada lana safato ciddii kula fikrad ah, dadka qaarbaa waxay is waydiiyaan xisbigani ma muxaafidbaa mise waa mucaarid taasina yaanay iska kaa galin ee bal ila eeg goormuu xisbigani muxaafid u egyahay haddan ka jawaabo su,aashaas wuxuu u egyahay marka dalka xaaladdiisu meel adag gasho ee muran soo dhex galo qarannimada oo uu xisbigani ka hor yimaaddo wixii nabadgelyada dalka dhibaato u keeni kara taas oo la moodi karo in uu la soo saftay xisbi kale ama golayaashaba, markaas sidaas u eegto waad arki karaysaa cidda ugu dhow daacadnimada dalka.
 


Wa billaahi tawfiiq

 

 


By: Deeq Cabdi Digale