Ya Ku Guulaystay Tartankii Gaabayada Nabada Ee Somaliland?




Burco (TNN) Taratanka gabayada nadaba ee Gobolada somaliland ayaa habaynkii xalay ahaa la so oaf jaray, tartankaas oo lagu qabtay Gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco, waxaana halkaas lagu kala saaray seddexda gobola ee isugu soo hadhay, isla markaana waxaa la soo ban dhigay cida ku guulaysatay kaalinta koobaad, labaad iyo seddexadaad.


Abwaanada ma talaayey gobolada dalka ayaa ahaa kuwo aad u da’a yar, isla markaana si weyn ugu heelan habaynta iyo isku duba ridka fanka iyo suugaanta soomaaliyeed.

Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey urur lagu magacaabo The Horn Democracy, oo sanad kasta qabta wareeg lagu tar tarnsiiyo gabayada iyo suugaanta uu leeyahay dalka somaliland.


Ugu horayn waxaa halkaasi hadlo dheer ka jeediyey gudoomiyaha ururka Mr Maxamuud Cirro, waxaanu in badan amaan u jeediyey cidii soo qaban-qaabisay, isla markaana suura galisay in tartanku uu ka dhaco magaalada Burco, waxaanu amaan u soo jeediyey  Naadi ga Hal-karaan Readers Club, uruka wadaniga ah ee SOYVO iyo masuuliyin kale oo aad u tiro badan.


Gudoomiya ayaa xusay inay tartanka ka qaybgali doonaan guud ahan goboda dalka marka laga reebe gobolka Sool, isagoo ka cudurdartay inaanay soo gadhsiin waraaqaha oglansha ee gobolka Sool loo soo gudbinayey ka hor tartanka heer gobol, tasina uu ku tilmamay nasiib daro balse uu rajaynayo inuu gobolka Sool ka soo qayb gali doono sanadka danbe hadii Alle idmo.

Sidoo kale waxa madash ku sugnaa abwano ruug cadaaya oo ka caana gayiga somaliyeed, gaar ahaan Somaliland oo ay kamid ahaayenn , Abwaan Axmed Awgeedi (Dheeraad), Abwaan Cisman Ibraahin Warsame oo loo yaqano Hure Walan Wal, Abwaan Salebban Baashe, iyo abwano aad u tiro badnaa kuwas ooo iyagu ka aha garsooreyal kala sareyey tartamayasha.

Xaflada ayaa ku bilaabmtay xamaasad iyo sacab loo tumayey tartamayasha marka lagu soo dhaweyo madashay uu soo bandhigayeen gabayadooda .


Ka dib markii ay soo bandhigeen abwanada tartamayey gabayadooda ayaa waxaa qadar wakhtiya la siiyey garsoorayaasha oo qol ka mida hotelka, kaas oo ay ku soo kala saarayaan cida ku guulaystay kaalmaha koowaad, labaad iyo seddexaad.


Intii ay garsoo rayshu maqnaayey aya dadweynihii loo qabtay bakhtiyanasiib, googaalaysi, su’aalo iyo aqon isweydaarsi.


Waxaa la gaadhay wakhtigii ay garsoorayashu ku dhaawaqi lahayeen gobolka ku guulaystay tartanka gabayada nabada ee sanadka 2010

Waxaana madasha kaga dhawaaqay gudoomiyaha ururka soo qabanqabiyey, waxaana kaal mahaas galay seddex gobo lee hoos ku xusan.


1. kaalinta koowaad waxa ku gulaystay gobolka Saaxil oo u matalayey abwaanka da’da yar Cabdi Gaydh Cali.



2. kalinta labaad waxa ku gulaystay gobolka awdal oo uu matalayey Abwaan Maxamed Budin.



3. Kaalinta sadexaad waxa ku gulaystay gobolka Togdheer oo matalayey abwaan Cabdi Nuur Cawil Xaashi


Sahra Moh’ed Ali (Sahra Ladan)

Timacade News Network (TNN)
nance_143@hotmail.com
Burco /Somaliland