Xusuustii yaabka lahayd iyo Xuska Sannad-guurada 17aad ee Aasaaska Jamhuuriya

 

Munaasibad ballaadhan oo lagu maamuusayey xuska sannad-guurada 17aad ee ka soo wareegtay aasaaska wargeyska Jamhuuriya oo ku beegnayd bishii November 1991kii, ayaa shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana soo jiidatay indhaha marti-sharafta lagu casuumay, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), madaxda saddexda xisbi qaran, wasiirro ka socday xukuumadda, hoggaamiyaha urur-siyaasadeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, siyaasiyiin kala duwan, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, Sheekh Aadan-siiro, ururrada bulshada rayidka ah, shirkadaha ganacsiga waddaniga ah, ururrada saxaafadda iyo martisharaf kale oo tiro badan.

Xafladdaas oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa lagu soo bandhigay filim dukumentari ah oo ka xog-warramaya sooyaalkii taariikheed iyo duruuhii qallafsanaa ee wargeyska Jamhuuriya soo dhex dabbaashay tan iyo intii ka dambaysay aasaaskii wargeyska oo ku beegnayd 17 November 1991-kii, waxana filimkaasi si gaar ah ugu qotomay horumarka iyo tacadiyaddii foosha xumaa ee lagula kacay maamulka iyo hawlwadeennada Jamhuuriya, iyada oo muuqaal ahaan loo daawaday qaar ka mid ah xadhigyadii xad-dhaafka ahaa lagula kacay tifaftiraha guud ee Jamhuuriya Mr. Xasan Siciid Yuusuf.

Waxa kale oo filimka dukumentariga ah lagu soo bandhigay xadhiggii ugu muddada dheeraa ee uu suxufi reer Somaliland ah dhammaysto oo lagula kacay Guddoomiyaha wargeyska Jamhuuriya Mr. Faysal Cali Sheekh iyo Cabdkariim Cumar Odawaa, kuwaas oo muddo sannad ah ku jiray xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyada oo suxufiyiintaasi tacadiyadda lagu hayey awgeed ay muddo toddobaad ah cuntada ka soomeen.

Filimkan dukumentariga ah ayaa si weyn u ruxay dareenka ka qaybgalayaasha xafladda, kadib markii ay indhahooda ku daawadeen muuqaallo xambaarsan tacadiyo kala duwan oo loo geystay madaxda iyo hawlwadeenmnada Jamhuuriya iyo weliba duruufihii qallafsanaa ee wargeysku soo dhex jibaaxay muddadii 17ka sannadood ahayd ee uu jiray.

Siyaasiyiinta iyo martisharafta kala duwan ee xafladda lagu martiqaaday oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa siyaabo isku mid ah uga sheekeeyey marxaladihii Jamhuuriya soo maray iyo tacadiyaddii kala duwanaa ee lagula kacay hawlwadeennadiisa, waxaanay wargeyska ku tilmaameen hooyada barbaarisay saxaafadda Somaliland, isla markaana la mid ah jaamacadaha waaweyn ee dunida sida Oxford iyo Cambridge.

Madaxweyanaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin oo xuska sannad-guurada 17aad ee aasaaska Jamhuuriya ka hadlay, ayaa sheegay in wargeysku yahay ka ugu da’ weyn saxaafadda dalka, isla markaana guul u rajaynayo mustaqbalka. Sidaa waxa Madaxweyne Rayaale ka sheegay munaasibad uu wegeysku ku gudoonsiiyey shahaado sharaf oo ka dhacday xafiiska Madaxweynaha, waxaannu isagoo madaxda Jamhuuriya la hadlayey yidhi; “Waxaan aad u rajaynayaa horumar inaad gaadhi doontaan, iyada oo aad tihiin wargeyska ugu da’da weyn wargeysyada ka soo baxa Somaliland, waxase aan idinku dardaarayaa in had iyo jeer aad noqotaan kuwo qoraalkiinu ku salaysan yahay runta iyo xaqiiqada hadba jirta, waxaanan idiin rajaynayaa inaad noqotaan mustaqbalka wargeys caalami ah oo adduunka meelo badan laga akhristo.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xuska munaasibaddii Jamhuuriya ka hadlay ayaa yidhi; “Wargeyska Jamhuuriya oo maanta 17 jirsaday ayaa aniguna hambalyo aad u ballaadhan u soo jeedinayaa, kuwii abuuray, kuwii ka shaqeeyey iyo kuwa maanta wada oo aan ku ammaanayo halganka ay horseedka ka noqotay saxaafadda madaxabannaan ee Somaliland. Markaynu ka hadalno taariikhdeena, dawladnimadeena iyo mustaqbalkeena waxaynu marwalba ogsoonaanaynaa qaybaha aynu u kala duwanahay in saxaafaddu guud ahaan ay rukun weyn oo qaali ah ka tahay qaranimada, madaxbannaanida, xorriyadda, ilaalinta dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka, dhinacaa markaynu ka eegno Jamhuuriya doorkay ka qaadatay waakaa aynu ku wada hambalyeynayno maanta.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa isaguna ka tacsiyadeeyey tacadiyadii iyo xabsiyadii isdaba jooga ahaa ee lagula kacay, ayaa isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi; “Hambalyaan leeyahay Jamhuuriya, runtii waqtigii ay dhalatay wuxuu ahaa waqti duruufo adagi jiraan, wax qaaciido ahna may haysan oo dawladdii burburtay ee Soomaaliya jaraa’id xor ahi muu jirin, markaa siday fikrada u eekeeneen dhallinyaradu ayaa ahayd mid heersare ah. Runtii Jamhuuriya, waanuna ka tacsiyadaynaynaa xadhigyadii ku dhacay ee aan xaqa ahayn, waabaynu ladanahay haddii maamul ka soo jeeda NNS-tii uu intaa inagaga tago.

Jamhuuriya waxaan odhan karnaa waa hooyadii saxaafadda Somaliland oo dhan, waana jaamacad oo laga qallinjebiyaa, joornaalada jiraana iyaday ka soo baxeen.

Sidoo kale, waxa isna in la xuso ah Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Cabdi Shide oo xilligaas oo dadka ka fikirayeen baayac-mushtari ay ka macaashaan, isagu ka fikiray inuu keeno mad-bacad iyadoon madaxaba lagu hayn, waxa uu mutaystay ammaan wanaagsan Alle ha u naxariistee.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa isaga oo ku hadlay afka xukuumadda, ayaa Jamhuuriya ku hambalyeeyey muddada 17-ka sanno ah ee ay shaqaynaysay.

“Jamhuuriya Waxaan leeyahay aniga oo ku hadlaya magaca xukuumadda iyo magacaygaba walaalayaal waanu idin hambalyeynaynaa 17-kaa sanno ee aad soo jirteen, waynu ognahay in joornaalo hore ee la fac ahaa Jamhuuriya aanay maanta jirin, waxaannu rajaynaynaa in kuwan maanta jira iyo kuwa dambe inay noqdaan qaar waara oo aan la aasin, xukuumadduna aad bay u dhiirigelinaysaa runtii,” ayuu yidhi Md. Ducaale.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna xuska wargeyska Jamhuuriya hadalkooban ka jeediyey ayaa sheegay in ay gole ahaan hambalyeynayaan sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay aasaaska Jamhuuriya iyo sida ay mudadaas dheer ugu soo dhabar adaygeen hawsha baaxada leh ee ay u hayeen umadda.

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Md.Cali Cilmi Geele, ayaa isuguna xusay in ay wasaarad warfaafin ahaan aad ugu faraxsan yihiin qaangaadha buuxa ee wargeyska Jamhuuriya oo uu ku timaamay curadkii wasaaradooda, isaga oo sheegay in ay had iyo jeer ku dadaalayaan sidii ay saxaafada dalku u hano qaadi lahayd.

Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa sheegay in uuu goobjoog ka ahaa 17-ka sannadoed ee Jamhuuriya halganka ku jiray, waxaannu ka sheekeeyey tacadiyaddii kala duwanaa ee lagula kacay suxufiyiintii wargeyska.

“17kii jeer ayaa Xasan Siciid lagu xidhay xabsiga isaga oo waxa keli ah ee lagu haystayna ahaa fikirkiisa oo uu cabbiray, Jamhuuriya dulmiga kala duwan ee lagula kacay keligood kumuu koobnayn ee waxa la qaba boqolaal qof oo reer Somaliland ah, maantana haddii halgankii qorigu dhammaaday daalinkii iyo dulmigii ma dhammaan, waana in Jamhuuriya halgankii halkii ka sii wadaaa,” ayuu yidhi Dr. Gabboose.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Maxamed Ismaaciil Bullaale oo isna munaasibaddaa hadal kooban ka jeediyey ayaa yidhi; “Aad baan ugu mahadnaqayaa Jamhuuriya oo maanta u dabbaaldegaysa dhalashadiisii waqti adagna soo maray. Waqtigii Jamhuuriya la aaasaasay ilmihii dhashay maanta waa qaan-gaadh oo waa aqoonyahan jaamacadaha dhigta.”

Waxa iyaduna halkaa ka hadashay Guddoomiyaha dallada haweenka ee NAGAAD Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi, waxayna hambalyo iyo bogaadin badan u soo jeedisay wargeyska Jamhuuriya oo ay ka tilmaantay inuu in ka mid yahay kuwii bud-dhiga u ahaa ururrada bulshada rayidka ah, iyada oo intaa ku dartay in Jamhuuriya uu la da’ yahay dalka Somaliland, isla markaana uu yahay aabbihii ama hooyadii saxaafadda Somaliland.

Iyada oo Marwo Sucaad ka hadlaysay Jamhuuriya waxay tidhi; “Anigu subaxii markaan soo kaco waxaan akhristaa Jamhuuriya, waxaanan ka eegaa DHANXIIRKA, sababtoo ah Dhanxiirku labadiisa qaybood waxay I tusaan sheekada maalintaa waddanka taagan ayuu sawirkeeda ka bixiyaa, dabadeedna waxaan idhaahdaa sheekadu maanta halkaasay taagantahay oo haddii aan dabagal u baahdo aan ka sii dabagalaa, waxaanan ugu mahadnaqayaa in ay Jamhuuriya tahay warbaahinta dhexdhexaadka ah ee sida ugu macquulsan warka ugu soo tabisa ummaddeeda, waxaanan rajaynayaa inay halkaa ka sii wadaan.”

Sheikh Aadan-siiro oo isaguna xafladdii lagu xusay aasaaska wargeyska Jamhuuriya ka hadlay ayaa u mahad naqay bahda Jamhuuriya iyo saxaafadda dalka oo runtii ummadda ugudbiya waxay doonayaan, waxaanna uu isaga oo Sheekhu saxaafadda la hadlaya uu shegay in heshiis lagu wada yahay sidii loo illaalin lahaa calanka dalka ee tawxiidku ku qoran yahay, isla markaana la sameeyo dal madaxbannaan oo jiritaankiisa halgan loo galo.

Waxa isaguna xuska aasaaska wargeyska Jamhuuriya ka hadlay Guddoomiyaha Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland (USJ) Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaannu yidhi; “Madashan oo kale inta badan ma yimaadaan kuwa taariikhda neceb, sababta oo ah waxay doonayaan lagama sheego amaba waaba iska xaasid oo waxay ku nacayaan waxaanay ogayn baa laga sheegaynayaan. Markaa waxaan jeclahay in Jamhuuriya in wargeys la da’ ah aannu jiin Somaliland, isla markaana iyadoo 17 sanno jirtay Somaliland-na intaa in leeg jirtay ay raggii aasaasay ku guulaysteen in la aqoonsado, laakiin xukuumaddihii iskaga dambeeyey talada dalkeenu kumay guulaysan weli in la aqoonsado. Waxaannu u qiraa inay yihiin aabihii iyo hooyadii saxaafadda oo uu dab iyo jahli adag u soo dhexmaray jiritaankeeda iyo in saxaafad kaleba dhalata.”

“Waxaan isna tacsi xus ah u dirayaa Alle ha u naxariistee marxuun Cabdi Idiris Ducaale oo ahaa Afhayeenkii Madaxtooyada oo yaqaanay wixii lagu nacay Siyaad Barre oo malayn karayey waxay dadku doonayaan.”

“Waxaan hambalyeynayaan Sheekh Aadan Siiro mowqifkii adkaa ee uu iska taagay wixii inagu dhacay 29-kii October 2008 iyo dareenkii uu ka muujiyey ee uu aqoontiisa inagu tusay halisteenu halkay ka soo ifayso, xukuumaddana waxaan ugu yeedhayaa bil baa laga joogaaye inay inoo sheegto cadowgeenu kuu yahay.”

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Mr. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo isaguna xuskaa ka hadlaya ayaa yidhi; “Nasiib-darro inkasta oo aanan ka soo shaqayn Jamhuuriya, laakiin waxaan ka hawlgalayn wargeysyo kale oo ay isku facyihiin, markaa waxaan odhan karaa Jamhuuriya waxay ahayd wargeys la tiigsado oo lagu daydo, isla markaana tartan iyo nolol gelisa saxaafadda gudaha.”

Mustafe Shiine waxa uu xusay in Jamhuuriya ka soo hadhay wargeysyo badan oo la fac ahaa oo ay kelideed ka taagan tahay, isla markaana inta badan kuwa maanta jiraa ay iyada ka farcameen.

Mr. Cabdi Faarax oo ka socday shirka xaawilada ee Dahabshiil oo isna xuskaa erayo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in ay shirkad ahaan wada shaqayn fiicani ka dhexeyso wargeyska Jamahuuriya iyo saxaafadda kale ee dalkaba.



 

 


Jamhuuriya Online