Xusuus
Baa Geela Lagu Xero Geeyaa
Ujeedada qormadani waa xasuusin
dhibaatadii aynu u soo marnay in aynu ka xorowno (Xunyow
Xunku dhalay). Waxaad moodaa in wixii inoo gacan hadiyaba la
isaka raacayo. 60kii waxaa aynu la jiboonay Somali waynimo oo
xadhkihii aynu isku xidhxidhnay ilaa iyo imka ayaa la furfuri kari
la yahay. Imikan wixii yidhaa Yaa Muslim ayeynu isu dhhibaynaa.
Xitaa haddii ay ku socdan in ay aqalkaaga dab qabsiiyaan gaasta iyo
kabriidka ayeynu u qaadaynaa.
Waxaa dhicikarta in aanad ku kalsoonayn maamulka hada jira ama aanad
ku qanacsanayan sida loo maamulo Somaliland. Waxaa kale oo dhici
karta in aanay kuu muuqan sidii aad jaranjaradii aad u karo lahay
siyaasadu ama aad ka rajo xuntahay xisbiga aad ka midka tahay.
Laakin waxaa mihiim ah in aanad jiritaanka iyo halganka loogu jiro
gooni isu taga Somaliland anaad waxyeelo u gaysan waa haddii and
wadani tahay. Waayo lama huraa waa caws jiilaal. Maha in aad
gacantaada isku baabiso. Ama aad iskula kacdo waxa loo yaqaan “
Political suicide “ waxaa lagu macneeyaa suicide ama isdilku in uu
yahay “ Permanente solution for temporary problem”. Godob ha ka
galin dalkaaga iyo dadkaaga adna ha is khiyaameen.
Aniga oo aan rabin in aan ka tago qaybo halgeenka kamida hadana
waxaan ogahay in aanan qormadan ku soo koobi Karin. Waxaanse rabaa
in aan idiin xasuusiyo magaalada Hargaysa noloshu cayka ay ahaay
dhamaadakii 80kii.
Marka hore waa ayaandaro in aan la xusin ama la is xasuusin
ardaydii ku dhimatay
dhagaxtuurkii 20ka February 1982 ama
shacuurtii dad waynaha reer Somaliland kicisay ee tidhi xumaha ka
gilgilsah oo mudan xus iyo maamusba. Waxaa lagu wada mashquul yahay
siyaasad iyo elegshanka iyo reer dhagax baa ku biiray xisbi. Waxaan
jeclaanlahaa in aan umada reer Somaliland waydiiyo subabta ay u
dhinteen ardaydii iyo dadkii afartan afartan tiirka lagu xidhay?
Ma xasuusan tahay makii waxbarashada
lagala dagaalamay ee inta wixii macalimiin waxgaradka ahayd loo
badalay Muqdisho lana keenay macalimiin yaryar oo qaarkaood
dhamaysan dugsiga sare ee loo bixiyey qirin qir. Mase axasuusan
tahay markii aad ku dhigan jirtay afka ingirisiga contoroban.
Ma xasuusan tahay markii aad laaluushak
bixinjirtal si aad u gasho jaamacad ama aanad xor u ahayn in aad
barato madadii aad jecelayd ee aad waliba abaalka ku qabtay in aad
Talyaani wax ku dhigato.
Ma xasuusan tahay markii waxgaradkii la
xidhxidhay ee badhna firdhadeen ee reer walba xoogiisi didbada tagay
ee A’boogu dalka u soo hadhay. Miyaadse ilawday laalushkii aad
bixisay si aad baasabor u qaadato.
Ma xasuusan tahay markii odoyashaa
magalaada in ta la uruuriyo loogu u hajabijiar Birjeex si ay u soo
qabqabtaan dhalinyaradii talowday. Miyaadse ilowday sidii ba’anayd
ee sharfta iyo maamusak odayaasheenu lahaayeen inta laga xayuubiyey
ay baryo iyo laalush la hor tumnan jireen wasaradaha si ay u
codsadaan wax ay xaq u lahaayeen.
Ma xasuusan tahay markii habeenka oo
laba ah inta xafadah la baadho laadka ay askartii Morgan ama Gaani
ku furijireen albaabada ee carurtay iyo matada la gilgili jiray ee
aanad awood u lahayn in aad tidhaa dumar baa hurda ee nasuga intay
wax gashanayaan. Waxaan qabaa in aynu ka xumaano marka anynu aragno
sawirada laga soo qabtay askarta American ahayd iyagoo habeen madow
ku soo gudaya xaafadaha Iraqiyiinta.
Ma xasuusan tahay in Hargaysi mugdi
ahay oo hadana maalinta 21 October 24 sacadoo uu shidnaan jiray
laydhku. Waxaa Hargaysa mugdiga ka dhigay muu ahay in aanay warshad
lahayn laakiinse ay ahayd cadadis lagu mujinayo cida ka talisa.
Ma xasuusan tahay adigoo lacag haysat
in aanad Aqal laba dabaq kabadan laguu ogolayn in aad dhisato.
Ma xasuusan tahay Isaaq-magayo
baaburkii looyaqaanay masa ilowday warqada dhaqdhaqaaqa. Waxyaabah
anaan ilaawi karin waxaa ka mid ah in dadka reer Hargaysa loo diiday
in ay gaadhiyaashooda ku kaxaystaan magalada gudaheed, dibadeedana
reeb adoo inta aad laalush bixiso waliba baryo ku darto mooyaane.
Ma xasuusan tahay hoonkii laguu yeedhin
jiray 5ta galabnimo ee qof walba halka ay uugu dhacdo seexan jiray.
Moorgan ayaa ku soo rogay dadka reer Hargaysa wax looyaqaano bando.
Xukunkaa oo ahaa mid amarkutaaglaysi ah ayaa ujeedadiisu ayahad
qadarjabin.
Tusaale ahaan haddii lagu qabto wixii ka danbeeya 5ta waxaa lagugu
qaadijiary sharci la odhanjiray seexan waa. Dadka la xidhayaa may
kala lahayn dumar, carur, dhalinyaro, oday reer u taliya ama mid
caaqil ah. Waxaa dadka loo taxaabijiar Birjeex marka uu waagu baryo
ayaa ehelkiisu ku soo furan jireen lacag. Seexan Waaga waxaa kale
lala tiigsanjiray aqalada la arko in uu iftiin ka baxayo. Miyaad
ilowday inta umul isku go’day , miyaad ilowday inta ay ku qabsatay
in ay diran kari wayaan qaylo doon iyadoo geeri ku habsatay.
Ma xasuusan tahay in aanad xoriyad u
lahayn in aad radiyowga aad donto dhagasto oo mararka qaar BBCdu ka
mid ahayd kuwa la mamnuucay. Mase xasuusan tahay markii farxada qof
waliba uu sugo oo ah Aroos lagug qasbay in aad 2da duhurnimo aqal
gasho.
Ma xasuusan tahay markii hoyada
doonaysa in ay war u dirto inankeeda ama inanteed dibada ku maqan
lagu qasbay in cajaladii ay duubtay ee arimo xaasaasi ah oo famali
ku saabsan ay kaga hadlayso ay nabad-sugida gayso si wiil yar oo
meel uu ka yimid la aqooni u dhagayso si loogu fasaxo in ay
dirikarto iyo in kale.
Ma xasuusan tahay sidii laguu gumasan
jiray mark ay wax kaaga xanibmaan Dekada Berbera. Miyaadse ilowday
laalushkii xaqdarada ahaa ee tallabo kasta lagaaga qaadi jiray.
Laalushka waxaa loo yaqaanay howl fufudeen waxaana lagu dhisijiray
Muqdisho. Dhibaatooyinka la soo darsi jiray bayacmushtariga waxaa ka
mid ahaa iyadoo xafiisyada dowladu khasab kaga amaanhan jiray
badeecada iyoga oo aan ku tallogalin in ay bixiyaan.
Ma xasuusan tahay in qofkii dill
lalatiigsado ehelkiisu aanu awood u lahaan jirin inuu muujiyo murugo.
Miyaad ilawday heesihii laynoo samayey ee ay ka mid ahaayeen
Samadiidow Dabin Baa kuu xidhan.
Ma xasuusan tahay boqolaalkii kun ee ku
qudhwaayey habqankii dagaalkii lagu qaaday dadkii rayid ka ee reer
Somaliland. Ficilkan noocan ah waxaa looga yaqaanaa aduunka Ethnic
Cleansing ama Genocide.
Dhacdooyinkan kor ku xusan waxaa la odhankaraa waa farta cidideeda
marka laga hadlaayo wixii loo gaystay reer Somaliland. Haddaba waxaa
is way diin leh reer Somaliland ilowshiyo dhawaa ma umul baa?
Waxaa la yaableh haddii aanad xusuusan wixii ku soo maray ayey kula
tahay in ay ku xasuusiyaan. In la xasuusto dadkii u soo halgamay
gobonomada reer Somilland maha mid wax loola jeedo in laga
sheeganayo Somaliliand qofna oo waxaan qabaa dulimiga loo gaystay
Somaliland gaar ahaan xaga dhaqaale iyo horumarba waa mid wada
saamaysay dalkoo dhan. Taariikhda iyo halgankii la soo maray waa mid
marwalba sal u ah sababta keentay gooni isu taiga Somaliland.
Aad baynu ugu degdegnaa in aynu u muujino walaaltinimada inaga
dhaxaysa dadka reer Somaliya.
Hadaba tusmadan ila eega: Walaalkaa oo inta aad tidh darbiga u
dhaxeeya labadeena aqal aynu burburino oo caruurtaadu waa sida
kuwayga. OO maalkayga ila wadaag isku magacna aynu noqono,
cadowgaagu waa cawgayga. Oo waxaan hayab hoo. Oo ku yidhi hor ta
maad aqalkayga u soo guurtida, kaygaa kaa waayne oo aynu labada
aqalba xagaa ka maamulno oo aad tidh haye iyo gudoon. Oo intuu
xoogsaday kobcintii iyo horumarkiiba caruurtada la dagaalamay ood
waliba leedahay waa walalakay. Oo caruurtiisi ku naxnaxday xoolahagi
oo tidhi waxba maha walaal ee adaa wayne inoo talli adogoo og in aad
ka wayn tahay. Oo bilaabay in uu kala qayb qaybiyo caruurtada oo uu
qaar soo dhawaysto. Deedna caruurtada badh laayey, badh gumaystay,
badh xidhxidhay intii soo hadhayna dab ku qabtay. Su’aashaydu waa
side baad wali walaal u odhankar?
Xaqiiqadu waxaa ay tahay in aan Somaliland lahayn cadow aan
Walaalkeed ahayn. Taa waxaan ku caadaynkaraa haddii ay rumaysan
yihiin walaaltino sidee bay ku dhacday in uu 2ga noqdo Maslax
Maxamed Siyaad Bare ama uu isa soo sharaxaba? Sedee bay ku dhacday
in ilaa hada Morgan ka mid yahay dawladaha ay soo dhistaan? Waxay
tani la mid tahay iyadoo Germany ay Ina Hitler iyo mid uu sodoga u
ahaa ay u soo sharaxaan madaxwaynenimo. Masladan micnaheedu ma waxaa
weeye “Walaalkeen Somaliya” wali ma rumaysna wixii uu ku sameeyes
Walaalkii Somaliland. Waa la hayaa dad badan oo dafirsan in “
Holocaust” waxaa la yidhaa dhacaday.
Waxaan taa u leeyahay dhawaaqii ugu horeeyey ee ka soo baxa SH Shari
dawladiisay hore in uu noqdo in ay sanabka nabada ee Somaliland
caabudayso ay ka soo burburinaynaa. Sidebay ku dhacday in al-shabaab
soo atakto Somaliland? Maxayse markasta u magacaabaan qof aan
matalin reer Somaliland?
Haddii aan u soo noqdo bulshada reer Somaliya marka aad istidhaa u
sharax sababta keentay goni isutaga Somaliland sidii oo aad moodo in
macalin kaliya umariyey jawaabta waxa is barbardhigaan Somaliland
iyo Majeerteeniya oo micnaheedu tayah waa laydinla qabaa dhibatada.
Marka ay ka hadlayaan dawlad nimo ama dagaalada dalka soo maray
waxaa kaliya ee ay ka xasuusan yihiin waa dagaalkii 1991ka Muqdisho.
Taasina waxaa ay tusmaynaysaa in aan reer Somaliland iyo Somaliya
isku taariikh ahayn.
Inkas to aan aminsanahay magan-galyada dad qaxootiya haddana haddii
ninka aad kabihisa tolayso haddii uu kafantaada tolaayo waa mid aad
u adag.
Waxaa aan odhan lahaa qofkii reer Somaliland ah ee u hanqal taagaya
in aad ka mid noqoto Somaliya waxaad ogaataa in Somaliland
demuqaradiyada ku dhaqanto oo aad xor u tahay in aad meesha doonto
ka soo jeedsan karto. Somaliland way ka maarmi karto nin am laba,ama
boqolba laakiin xusuuso waxaa loo soo maray halka manta la joogo.
Ogowna albaabkaa furan in uu mar xidhmay.
Waxaan reer Somaliland odhanayaa lax waliba haka ay isdhigto ayaa
lugu qalaa. Haddii Somaliland cududeeda malateri laga baqayo ila
maha in cidina ku dhici lahayd in Maslax Siyaad Bari banka isa soo
dhigi laha. Somaliland ama waxay noqon meel dadku kala soocan yahay
oo la qiimeyo Somalilandnomadu waxaay tahay ama waxay noqon doona
“No Man’s Land” u furan cidkasta iyadoo wax lagu xidhaa jirin.
Somaliland waxay noqon dal
Qaranimo ama Qabyalad ku dhisan.
Somaliland waa dal cadow ku wareegsan yahay taa waxaan uga jeeda
dalalka jaarka ee aynu u naqaan saaxiibka iyo kuwa kale toona diyaar
uma aha in ay aqoonsadaan Somliland. Sidaa awgeed waa in ay awood
difaac oo laga baqo lahaataa. Waa in yar iyo wayn arday, shaqaale,
dumar, rag, iyo mushtamaca gabi ahaaneed tabarbar ciidan lahaanaa oo
lacag la galiiyaa Ciidamada qalabka sida. Waa in la dhisaa ciidan
xoog leh oo u babacdhigi kara awood kasta.
Beesh reer dacar ama reer dhagax baa ku biiray xisbi ama gudoomeye
hebel ayaa reer qudhac la shiray waa wax laga khajilo in lagu faano.
Wadaniyadu waa in ay marwallba ka horaysaa xisbiga. Waxaa wax ka
badili kara marin habaabinta ku salaysan qabyaaladu waa dhalin
yarada. Markaan dhaliyaro leeyahay waxaan u jeedaa 15-35 dhalin yaro
ayaa dalka xoraysay oo u dhimatay haddii manta Somaliland la soo
ataago cida difacay saa ma aha Odayasha Guurtida ee waa dhalinyarada.
Waxaan qormada ku soo gunanadayaa.
“ Qof lagu
seexdow ha seexan hawl baad sidaaye ha seexan
”
|