XUSSEN MAXAMED BISAD OO AH NINKA 2AAD EE ADUUNKA UGU DHEER OO ISU SOO SHARAXAY XOGHAYAHA UDUB

 

   

Ninka labaad ee ugu dheer Adduunka Xuseen Maxamed Bisad, ayaa daboolka ka qaaday in uu u taagan yahay oo isu sharaxayo jagada dhawaan banaanaatay ee xoghayaha guud ee xisbiga siyaasiga ah ee UDUB, waxaanu sidaa Bisad ku sheegay xog waran khaas ah oo uu shalay gelinkii danbe siiyay wargeeska Saxansaxo.

Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka labaad ee ugu dheer Adduunka una dhashay Somaliland waxa uu muddooyinkan danbe ku noolaa cariga Ingiriiska isaga oo si joogto ah muddadii uu halkaa joogay uga qayb qaadanayay dhaqdhaqaaqyada ay muwaadiniinta reer Somaliland ku taageerayaan gooni isu taaga Qaranimada Somaliland.

Xuseen Bisad waxa uu Buugga mucjisooyinka dunida ku galay inuu yahay ninka labaad ee ugu dheer adduunka iyo inuu waliba yahay ninka ugu Gacmaha Dheer adduunka, isaga oo cabirka gacmihiisu yihiin 10.59 Inches ama 26.9 Cm.

Waxaanu dhererkiisu yahay 2.32 Mitir ama 7.5 Ft. Culayskiisuna waxa uu dhan yahay 210 Kg oo u dhigma 460 Rodol. Xuseen Maxamed Bisad, oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah u taageera xisbiga talada haya ee UDUB, wakhtigana ku sugan Hargeysa oo uu joogay bilihii ugu danbeeyay ayaa isaga oo aan hore loogu baran hawlaha siyaasada, waxa uu sheegay in uu jagadan ku rajo wayn yahay, haddii uu ku guulaystana uu xisbiga wax badan u soo kordhin karayo isagoo ka hadlaya sababta ugu wayn ee uu wakhtigan u doortay inuu ka mid noqdo dadka jagadaa u tartamaya waxa uu yidhi “Waxa soo dhaw Doorashooyinkii, kaalintaana waxa ka baxay nin wayn oo dalka iyo xisbigaba qiimo u lahaa. Markaa waxaan u arkaa in aan jagadaa xisbiga uga faa’idayn karayo xilligan Doorashada oo loo baahan yahay inuu xisbigu helo taageerayaal badan oo ku soo kordha”

Mansabka Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, ayaa banaanaaday ka dib markii uu dhawaan ALLE ha u naxariistee marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo xilkaa hayay tan 2003-dii ku geeriyooday Djibuti oo loo geeyay Cisbitaal, ka dib markii uu asiibay xanuun ku soo boodo ahi waxaana lagu aasay dhamaadkii todobaadkii hore Hargeysa. Intii ka dambaysay geerida Marxuumka waxa soo baxaya war badan oo ku saabsan cida buuxinaysa jagadaas oo xisbigaas ku banaanaatay xilli ay Doorashadii madaxtinimadii dalka ka hadhsan tahay muddo yari, taas oo wararka Kaambaynka Mansabkaas ee la isla dhex marayaa ay xusayaan in ay tartanka ku jiraan rag wakhtigan xillal ka haya Golaha Xukuumada iyo kuwo debada ka jooga labaduba. Ilaa imikana Xuseen Maxamed Bisad (Ninka labaad ee ugu dheer adduunka), ayaa ah murashixi ugu horeeyay ee shaaciya damiciisa ku xidhiidhsan buuxinta Mansabkaas. Xuseen Maxamed Bisad ayaa haddii uu ku guulaysto Mansabkaas ay suurtogal tahay inuu xisbiga u soo jiido taageerayaal badan oo Dhalinyaro ah.

 

 

 


Wargeyska Saxansaxo