Xuska sanad-guurada 29aad maalinta kacdoonka dhagaxtuurka dhallinyaradii ufo




Haregeysa Feb 20,2011 (TNN)-Munaasibadaas oo ay soo qabanqaabiyeen dalada dhallinyarada Som aliland ee SONYO, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socda xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran, ururrada bulshada, ciidanka bamboyda, bilayska iyo qaar ka mid ah  dhallinyaradii  xillig aa ku jirtay dhagax-tuurkii lagaga soo horjeeday kalagii taliyihii Siyaas Barre.

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Axmed Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo halkaa ka hadlay, oo isa gu u duceeyey dhallinyaradii ku shihiiday dhagax-tuurkaas, isagoo sheegay in ay tahay maalin taariikhda Somaliland ku suntay dhallinyaradana looga baahan yahay in ay qiimeeyaan.

Mr. Axmed Cabdi Wacays oo ah Guddoomiyaha dalladda dhallinyarada ee SONYO, ayaa ka  warrama y doorka ay urur ahaan ku leeyihiin xuskan iyo qabanqaabintiisa oo uu tilmaamay in ay kaga  qayb qaadan doonaan xoolo ay u qaybiyaan cusbitaalada, waxaannu ugu baaqay madaxweynaha in uu ka dhigo maalintan maalin qaran si loo dareemo qiimaha ay leedahay maalintani.

Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin oo isna ka hadlay  madasha as, ayaa sheegay in maalintani tahay maalintii dhallinyarada, sidaas awgeedna loo baahan yahay in  dh allinyarada loo daayo si ay uga hadlaan maalintaas, dareenkoodana u muujiyaan oo aan axs aabta mucaaridka lagu soo casuumin oo garabyada dhallinyarada lagu soo casuumo.

Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxa kale oo uu ka dhawaajiyey oo dusha u saaray xukuumadda madaxw eyne Siilaanyo eedaymo ku saabsan shirkii Arrimaha Soomaaliya ee ay kaga qayb gashay dalka Ingi riiska, kaas oo uu sheegay inuu saameyn weyn oo hor leh ku yeelanayo nabad gelyada So maliland, sidaa darteedna loo baahan yahay ciidamo dhigaal ah oo ka kooban bulshada.

“Madaxweyne kasta oo waddanka jooga, waliba kuwa beelaha dhexe, waxaannu leenahay waan nu kuugu dhaaranaynaa inaad tahay madaxweyne ee aadna ku dhaaro sidii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ugu dhaartay Somaliland.

Waxaanan jeclahay maanta dalkeenu waxa uu marayaa meel xasaasi ah, loona baahan yahay in  ay nu isku wada duubnaano.Maalmahan waxaynu ka hadlaynay Galmudug iyo Puntland oo yidhi  waxaa nnu qabanaynaa shir beeleed. Annigu ma filaayo in ay degto kama soo muuqato dawlad lala hadlo, waxa isku haya TFG, waxa isku haya Al-shabaab, Soomaaliya waxay mudan tahay in lala hadlo marka ay dawlad samaysato.

Waxa aynu sharkooda kaga badbaadnay 20-ka sannadood in aynaan waxba ku darsan, waxa la  doo nayaa in dagaalka Xamar yaala la soo waarido,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali-waraabe, ayaa u  duce eyey dhallinyaradii ku dhagax-tuurkaa, ururka SONYO uga mahad-naqay qabanqaabooyinka ay ka sameeyeen gobollada dalka, waxaannu tilmaamay in aanay jirin ilaa hadda wax la taaban karo oo loo sameeyey siyaasadda horumarinta dhallinyarada Somaliland, waxa uu uga xukuumadda ku eedeeyey in aanay jirin midnimo gudaha ah oo mucaaridka iyo muxaafidka ah.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si qoto dheer uga warramay kaalinta uu halganka kaga jiro dhagax-tuurkii UFO, isaga oo tilmaamay in ay yihiin Geesiyaal Qar an. Md. Biixi waxa uu intaa ku daray in ay Somaliland dagaal maanta ku jiro dagaal oo loo baahan yay in la difaaco oo beelaha Somaliland-na ay u siman yihiin dalka, “Walalayaal canaanta waannu ogol nahay oo waxaannu ognahay wanaagiina,dhagax-tuurkii UFO waxay dhallinyaradu Taangiga laabta ugu dhigaayeen waxay ahayd talada la lawada lahaado.

Maanta ammaan iyo faan ka badani ma jirto in uu shalay xisbigii UDUB ee muxaafidka ahaa uu mucaa rid noqdo oo laga yaabo barina inuu noqdo mucaafid, waxaanuna codsanaynaa hadalka ka qabow iyo kiisa kulul waxa wax lagu maqli ogyahay in ka qabow wax la iskugu sheego, laakiin ma anta waxaannu idin leenahay oo aannu idiin ahaynaa aynu is maqalno, taladana aynu wada laha ano,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Axmed Muxumed oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wana agga iyo La-dagaalanka musuqmaasuqa, isla markaana ka mid ahaa UFO, ayaa isagu si qoto dh eer uga warramay doorkii ay ka soo qaybqaateen halganka oo uu sheegay in ay kaalin muhiima kaga  jir to, waxaannu dhallinyarada si weyn ugula dardaarmay in ay waxbarashada ku dedaalan dalkoogana muruq iyo maalba u huraan.

Sidoo kale waxa munaasibaddaas ka hadlay masuuliyiin rag iyo dumar isugu jira oo u duceeyey dad kii ku shahiiday dhagax-tuurkii Hargeysa.

Geesta kale, waxa xafladdaas lagu soo bandhigay tartan ciyaaraha fudud ah oo lagu xusayo maalintaas.

SL Media