xuska maalinta caafimaadka adduunka iyo sidii looga xusay Burco
 


Burco (TNN)- Munaasibad lagu maamusayay xuska maalinta caafimaadka aduunka  ay aa maanta kadhacday fagaaraha khayriyada magaalada Burco .

munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen wasaarada caafimaadka ,haayada medair ururka sys ururka soyvo iyo dawlada hoose ee degmada Burco .

munaasibadan waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin aad utiro badan oo ay kamid yihiin maayarka magaalada Burco mudane maxamud Axmed xasan "dhagalaab" isuduwaha w/cafimadka gobolka mr aadan "malay" madaxa haay'ada mediar ama health manager mr enoko iyo Agaasimaha Cusbitalka dr iid maxamed jaamac .

waxaan ugu horayntii halkaasi kahadlay maayarka degmada Burco mudane maxamud "dhagolaab"waxaanu ugu horayntii mahadnaq osoo jeediyay dhamaanba dadwaynihii halkaasi ku sugnaa iyo marti sharafta kaloo qayb gashay munaasibadan waxaanu dadwaynaha kubaraarujiyay amaba uu usheegay inay dhawraan nadaafada, waaayo buu yidhi hadaynaan nadaafada dhawrin mahelayno caafimaad sidoo kale waxaa uu yidhi "bulshoy inoo dhawra nadaafada si aynu u noqono bulsho cafimaad qabta  ,loo gana badbaado dhamaanba cudurada halistaa sida cudurka shuban biyoodkaa oo ka dilaacay nawaaxiga magaalada burco" waxaanu ugu danbayntii hadalkiisa kuso xidhay "maanta waa xuskii caafimaadka aduunka waana inagu waajib inaan dhawrno caafimaadka".

waxaa isna halkaasi ka hadlay madaxa caafimaadka ee haay'ada Medair mudane  Eno ko oo aad loogu soo dhweeyay sacab iyo farxad, mr enoko waxaa uu ugu horayntii salaamay dhamaan dadwaynihii kasoo qaybgalay dabaaldaga xuska maalinta  caafima adka aduunka waxaanu yidhi "sidaan wada ognahay maanta waa maalintii xuska  caa fimaadka aduunka hadana waxaan aad idiinku hanbalyaynayaa sida wanagsan ee aad noogala soo qayb gasheen waxaanu halkaasi kusoo bandhigay dhamaan  wax  qabad yadii ay qabteen waxaanu yidhi ,"waxaanu bixinay 135 foostoo oo kuwa biyaha ah ,1000 caagadaha faraxalkaa,40 shirikaan oo kuwa biyahaa ,900 oo biyo sifeeya,64 tuulo ayaan gaadhsiinay 3milyan oo litir oo biya waxaanaanu talaal gaadh siinay 2350 caruura halka aanu daawaynay 1200 cudurka shubanka,waxaanu hadalkiisa ku daray su aalo uu waydiiyay bulshadii goobtaa kusugnayd waxaanu yidhi "macabtaan biyo nadiifa mase cuntaan cuno nadiifa" iyadoo ay dadwaynihii sixarago leh uga jawaabeen wxaanu ujeediyay mahad naq waxaanu ku booriyay inay dhawr taan nadaafadoda si ay u noqdaan kuwo cafimaad qaba waxaanu ugu dan bayntii hadalkiisii ku soo xidhay waxaan rabnaa inay burco noqoto meesha ugu cafimaadka badan dhamaan gobolada s/land .


dhamaanba masuuliyiintii munaasibadaa kasoo qayb galay ayaa hadalkoodu isugu biyo shubtay nadaafada iyo caafimaadka ,iyadoo halkaas lagu soo bandhigay riwaayad ay hogaaminayeen kooxda caankaa ee weedhsan , taas oo turjumaysay caafimaadka  lag una soo bandhigay suugaan badan .

ugudanbayntii munaasibadani waxay kudhamaatay jawi ay farxad iyo daganaani  ka muuqato ,maaha maalintii ugu horaysay laga xuso magaalada Burco maalinta  caafima adka adduunka, iyadoo sanad kastana laga xuso dhamaanba daafaha aduunka ,





Nafisa Ciise Yuusuf {kalgacal}
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland