Xuska 27 guurada dhagaxtuurkii Hargeysa 1982, Xamaasada da’yarta iyo dooda Xisbiyada

 

Axmed Muxumed Madar waxa uu ku dheeraaday dhibaatooyinka haysta dhalinyarda Somaliland .

Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay 27 sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii dhagax tuurka dhalinyaradii UFFO oo ku beegnayd 20-kii February 1982-kii, isla markaana loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada ee Somaliland ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha Beerta xoriyada ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan oo lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyada ayaa ka hor intii aan dadwaynuhu iskugu iman xaruntaasi waxay socod lug ah ka soo qaadeen barxada hore ee Wasaarada arrimaha guddaha iyagoo lug ku yimid fagaaraha beerta xoriyada iyagoo ka hor tagitaankooda beerta xoriyada Ubax dhigay. Waxa Munaasibadan dadka ka hadlay oo isugu jiray masuuliyiin ka kala socda Axsaabta, Xukuumada, dhalin-yaro iyo Aqoonyahano ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO maalintaasi dhagax tuurka lagaga jawaabay Maxkamadii ay saarayeen ciidamadii Taliska Maxamed Siyaad Barre “Maalintaasi waxay ku beegnayd 27 sanno ka hor oo ku beegnayd dhalinyaradii UFFO oo aan ka mid ahaa maalintaasi waxaan saxayaa UFFO wuxuu ahaa Urur dhalinyaro ee muu ahayn NGO, waxa uu ahaa Urur dhalinyaro oo ka dhiidhiyay cadaalad daradii, sharci daradii, caga juglayntii lagu hayay shacbiga reer Somaliland ee ku noolaa Goboladii markaa loo yaqaanay gobolada Waqooyi oo aanay la qabin Goboladii kale ee Somaliya. Aqoon yahanadii Ururkaasi ku jiray waxay ka koobnaayeen Macalimiin, Dhakhaatiir iyo aqoon yahano dibeda ka yimid, kuwaas oo ka dhiidhiyay dhibaatooyinkaa aan soo sheegay” ayuu yidhi Axmed Muxumed Madar.

Axmed Muxumed Madar waxa uu ku dheeraaday dhibaatooyinka haysta dhalinyarda Somaliland ee shaqo la’aantu ka midtahay iyo duruufaha kale ee ku xeeran waxaanu Proff: Madar uu sheegay in wakhtigan lagu jiro wakhti xaasaasi ah oo uu dhamaad yahay wakhtigii xukuumada Rayaale loo doortay oo shan sanno ah laba jeer oo horena loo kordhiyay mar saddexaadna aanay macquul ahayn in loo kordhiyo. Waxaanu ugu baaqay xukuumada in marka ay dhamaato wakhtigoodu Doorasho qabtaan. Waxaanu ugu baaqay dadwaynaha haddii 29-ka March ay Doorasho dhici waydo inay iskugu soo baxaan mudaharaad Salmi ah.

Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed oo ka hadlaya ayaa sheegay inay maalintaasi tahay maalin wayn oo ay shacbi waynaha Somaliland qiime gaar ah u leh, waxaanu sheegay in xukuumada oo taasi qadarinaysaa ay u aqoonsadeen 20-ka February maalinta dhalinyarada Somaliland. Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay sidoo kale xafladan ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa. “Maanta waxa laga yaabaa in aynu is waydiino maxaa maanta laga hayaa halgankii midhihiisii. Waxaynu ka haynaa Somaliland oo xor ah oo dadkeedu nabadgelyo ku nool yahay iyada oo meelo badan oo dunida ah, Geeska Afrika iyo walaaleheena Soomaaliyaba ay dhibaatooyin ka jiraan. Mar kasta waxaynu la jecel nahay walaaleheena Somaliya iyo adduunka oo dhanba in ay nabadgelyo ka dhacdo laakiin inaga Somaliland dalkeena inagoo ka hadlayna iyo xoriyada aynu dugsanayno waa in aynu ogaanaa meelaha ay ka dhalatay dhimbiishu oo ay qiimaynaa. Dalada SONYO ee xafladan soo qabaqaabisayna waxaan leeyahay oo aan ILLAAHAY uga baryayaa inaad noqotaan kuwii horseedi lahaa dalka iyo dhalinyaradaba mustaqbal wanaagsan”.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu sheegay in dhalinyarada Somaliland ay yihiin kuwa ugu badan dalka isla markaana mustaqbalka bari waxaanu ku nuux nuuxsaday in dhalinyaradu ay door muhiim ah ay ka qaadatay hawshii diiwaangelinta si fiicana la isku diiwaangeliyay balse sida uu sheegay Guddoomiyuhu dacaayado laga fuliyay oo la yidhi way ku noqnoqdeen diiwaangelintii. Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu ka waramay duruufaha haysta dhalinyarada waxaanu xusay inay dhalinyarada ay ku habsatay shaqo la’aan baahsan, tahriib, garoomo la’aan haysta iyo duruufo badan oo kale. Waxaanu ballan qaaday hadii uu ku guulaysto xisbigiisu doorashada inuu wax ka qaban doono.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waxa uu sheegay inay xukuumadu ka rajo beeshay taageeradii dhalinyarada Somaliland, taas oo uu sheegay inay muujinayso ka maqnaanshaha xukuumada ee munaasibadan oo uu sheegay inay ka soo qayb gali jireen Wasiiro iyo masuuliyiin fara badan oo dalka ka tirsan waxaanu yidhi “Maanta waxaad aragtaan inay dawladu Dhalinyaradii ka quusatay, waxaad idinkuba dhalinyarada aad markhaati ka tihiin halkan waxa soo wada fadhiisan jiray niman badan oo dooni jiray inay Dhalinyarada u muujiyaan inay la socdaan. Maanta iyada oo Doorashadii qarka soo saaran tahay inay maanta halkan ka maqnaadaan macne wayn ayaa ku fadhiya waxaana muuqata inay ka rajo beeleen oo ay ogyihiin waxa ay dhalinyarada u hayaan in aanay jirin wax ay u qabteena aanay jirin. Waxaanu ballan qaadaynaa haddii aanu nahay KULMIYE in isbedalka dalku u baahan aanu ka dhabayno oo aan dhalinyaradana kaalintooda siino” hadalkaa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo dhalinyaro badan oo munaasibadaasi ka soo qayb gashay ay sacabka u tumeen isla markaana ay si wayn u soo dhaweeyeen ayaa ka dib guddoomiyaha waxa lagu soo dhaweeyay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isla markii uu microphone-ka qabsaday intii badnayd ay ka dareertay goobtii ay hore uga sacabinayeen isla markaana ay dib uga baxeen xarunta beerta Xoriyada, waxaanu xoghayuhu halkaasi hadal uu ka jeediyay dhagaysanayay in yar oo ku soo hadhay oo u badan ciidadamada Baambooyda. Xoghayaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda maalinta 20-ka February 20, 2009, waxaanu sheegay inay tahay maalin taariikh wayn ku leh Somaliland isla markaana ay tahay bartii uu ka bilaabmay halgankii dib u xoraynta dalka.

Waxa uu xoghayuhu sheegay in UDUB ahaan ay xukuumada ka taageereen sidii ay xeerka uga gudbin lahayd si maalintan dhalinyarada sharci looga dhigi lahaa oo dalka looga xusi lahaa. Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waar yaan la odhan 18 sanno maxaynu samaysanay yaan la quudhsan talaabada dheer ee aynu qaadnay ee la ogyahay Geeska Afrika meesha keliya ee nabadgelyadu ka iftiimayso inay tahay.”

Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin waxa uu sheegay in ay xukuumadu Doorasho u diyaar tahay 29-ka March in ay qabato Doorashadii Madaxtooyada isla markaana aanay marnaba diyaar u ahayn in ay dib u dhacdo Doorashada Madaxtooyadu ee wakhtigii loo qabtay ay ku dhici doonto.

 

 


Ogaal