Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 7aad

 

“Meel aan iga fogayn oo ii muuqata ayuu ka dagaallamayay Xaammud. Laba Mujaahid oo dhufayska kula jiray ayay xabbaddii qaadatay oo dhintay. Wuxu soo jiitay labadoodii qori oo kala ahaa AK-47 iyo qori BKM ah. Isaguna wuxu sitay RBJ/7. Intiiba wuu ku dagaallamay. Markii danbe ayaa Beebee ku soo baxsaday. Xabbaddii ugu danbaysay ee sebenka ahayd ayuu ku riday. Waa ay ka dano-kacday. Beebbeegii ayaa bakhtiyay markii xabbaddii sebenka ahayd ku dhacday. Ridihii Beebbeega ayaa daboolka sare iska qaaday oo Xaammud madaxa ka toogtay. Inta aan gurguurtay ayaan ka soo dul qaaday: Qoryihii Sebenka, BKM-ka iyo Ak-ga kala ahaa. Waxaan dhexdiisa ka soo furay  bastoo lad dhabanno-cas ahayd oo gal maas ah oo cas oo kii Ruushka ah ku jirtay. Intii iyo qorigaygii ayaan ciidankii SNM ula galay.”

Baastooladdii Xaammud iyo galkii casaa ee maaska ahaa ayaa xusuus kale igu dhaliyay. 1984kii annaga oo wada joognay Awaare ayuu arkay aniga oo  baast oolad dhabanno-cas ku sitay galkaa maaska ahaa ee maalintaa uu dhintay laga soo furay. Isaguna baastoolad tayda oo kale ah oo gal maas madow ah oo yar oo qurux badnaa ku jirtay ayuu sitay. Wuxu igu yidhi oo igu qanciyay in aanu labada gal kala beddelanno. Anna sidaa waan jeclaa oo kaan sitay wuu igu cuslaa. Sidaas ayaanu ku kala beddelannay oo is-na kaygii u qaatay anna kiisii u qaatay. Xusuustaas ayuu galkaasina igu lahaa.

Si aan idiin ku soo gudbiyo maalintaa iyo mahadhooyinkii ay reebtay, waxaan dib u miliilicay Xusuus-qorkaygii 1984kii, gaar ahaan maalintaa taariikhiga  ah ayd ee 17kii Oktoobar oo ahayd maalin Arabacaad, ku beegnayd 22kii  Muxa rram, sannadkii Hijriyada ee 1405kii, waxaana ku qornaa laba qormo oo aan qoray 18kii Oktoobar subaxnimadii oo midi Ingiriisi ahayd midna af Soomaali oo kala ahaa:

“The old witty women told me about shots around our camp. I met Daakir at the gate who told me about the murder on the night before of Abdirahman Aidiid and Iikar Mohamed Husein. Abdi Muhumed Amin was wounded too. I was shocked. Thursday 18kii Oktoobar ayaa la ii sheegay.”

Haddii aan si kooban idiin ku tarjumo, waxay noqonaysaa:

”Islaantii wax-garadka ahayd ayaa ii sheegtay xabbado iyo rasaas ka  dhacay say Kaamkii aanu degganayn. Daakir oo aan kadinka kula kulmay ayaa ii sheegay dilkii xalay ee Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Maxamed Xuseen. Cabdi Muxumed Ammiinna waa la dhaawacay. Waan ka naxay. Waxa warka la i siiyay 18/10/1984kii.”

Waa subaxnimadii 18kii Oktoobar 1984kii oo aan ku kallahayay Xaruntii SNM ee Diri-dhabe. Islaantan aan sheegayaa makhaayad yar oo aanu ka quraacan jirnay ayay ku haysatay meel xafiiska ka sokeysay. Labada nin ee la dilay  wax ay ka tirsanaayeen Jabhaddii SSDF-ta.

Aan dib ugu noqdo xusuus-qorkaygii iyo 18kii Oktoobar 1984kii oo aan Diri-dhabe ku sugnaa. Qodobka labaad ee maalintaa ku xardhanaa wuxu ahaa:

”Galabnimadii hore ayaa dagaal ku dhex maray cadaw weerar ah iyo  Mujaahidi inta SNM meel la yidhaado Kaam-xabashi oo ay degganaayeen ciidammadii SNM ee Awaare tababarka ku soo dhammaystay. Tiro soddon ku dhow (27) ayaa laga dilay SNM waxaana laga dhaawacay ilaa 26 in u dhow. Cadawga qalab gaadiid iyo Beebbeeyo u badan ayaa laga burburiyay, waxaana laga dilay in 150 ka badan. Cadawga saraakiishii laga dilay waxa ka mid kii hawl-gelinta. SNM mujaahidiinta ka shahiidday waxa ka mid ahaa: Lixle, Xaammud iyo Iraad. 18ka in ay gudaha galaan ayay ahayd. Cabdikariim ayaa aad loo  ammaana yay.”

Berigaa tilifoonnadu ma aawanayn oo lamaba adeegsan jirin. Waa ay adkayd sida ay baahidiisu kuu qabataa. Haddii laga tegi waayo Addis Ababa marka Idaacadda waraka loo dirayo iyo mararka dibadaha lala hadlayo ayaa ugu  ba dnaynd. Dibadaha dadku lama wada hadli jirin ee in naga mid ah ayaa inta  bad an qandaraaskaa haysatay oo baryada iyo xaalad-abuurka ku qalin-jebisay.

Taariikh-nololeedkii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

Maxamed Xaashi Diiriye oo loo yaqaannay Lixle, wuxu ka mid yahay geesiyada ugu caansan ama ugu magaca dheer SNM. Qof ahaan markii noloshayda ugu horreysay ee aan arkaa ama la kulmaa waxay ahayd intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee SNM, gaar ahaan bishii Juun sannadkii 1983kii ee uu soo  tallaab ay ee uu sida tooska ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee ka socday  tall owga xuduudda aynu Itoobiya wadaagno. Intii muddadaa ka horreysay si  qar soodiya ayuu uga hawl-geli jiray dalka gudihiisa.

Maqal ahaan waxa iigu horreysay xilliyadii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977kii oo uu deggenaa magaalada Gebilay isaga oo Taliye ka ahaa Teknikadii iyo Taangiyadii dagaalkaa ka qayb-qaadanayay.

Waxaan jeclahay in aan anna culayska iska rido oo aan fursaddan Xuska 25-Guurada uga faa’iidaysto in aan wax aan sidaa u sii badnayn ka idhaahdo  saa xiibkaygii aanu halgan-wadaagta ahyn ee aanu muddada aan badnayn ku  wa da sugnayn goobihii uu ka socday halgankii hubeysnaa ee SNM.

 



(La soco.............)


 



Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

cankaabo@hotmail,com

 



Posted by: Cali Cumar Xasan