Xusbiyada mucaaridku waa beerka jecli, xaydha jecli iyo run ha
sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin
Hamud Duale
Labada xusbi qaran ee mucaaridku xil gudashadoodu waa nus gelin(part
time) waqti buuxa ma siiyaan waajibaadkii loo igmadey. Malahayga
waxaad moodaa in ay ku barbaranayaan, oo hoosaasinayaan dadweynihii
codka siiyey. Taasina waa ta keentay in Xusbil xaakimkii, badhkood
isku xilqaama in ay buuxiyaan nus gelinkii kale ee kaalintii
mucaaridnimo ka dhinaa.
Xusbiga WADANI hogaamiyahoodu waa nus gelin. Gelin waa mucaarid.
Gelinka kalana waa guddoomiyaha golaha wakiilada ee qaranka oo dhan.
Xubnihiisa ugu firfircooni, waxay qayb ka yihiin golaha wakiilada,
oo iyaga laftoodu si buuxda uguma gacan banaan mucaaridnimada.
Taasina waxay keentay in uu ku shaqeeyo siyaasada ah beerka jecel,
xaydha jecli. Qabyaaladii qalad oyo mucaaridnimadii qalad ayuu ka
fahmay. Isaga oo ka daba xiganaya tabihii KULMIYE iyo beel daba
nashlaysa, si ay muraadadiisa aan is gayini, ay ugu hirgalaan wuxuu
adeegsadaa run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtana ha
waayin iyo laba eefnimo.
Xusbiga UCID hogaamiyayaashiisu waxaad moodaa in ay aaminsanyihiin
in dadweynuhu codkiisa ku bixiyo hidiyad. Ma aaminsana in aragti,
naf iyo maalba loo huro, sidaad u hanan lahayd hogaaminta qaranka,
ee ay dhaliilaha maanta jira wax uga bedeli lahaayeen. Labadiisa
hogaamiye, murashaxa iyo ku xigeenkiisu xil gudashadoodu waa nus
gelin iyo in ay ku xaragoodaan xil baan hayaa. Labada isma dhibayaal
nus gelin xusbiga ayay u huraan, nus gelika kalana waxay ka
shaqeeyaan danahooda gaarka ah. Waxay ku qanacsan yihiin koox yar oo
jilibadooda ka mid ah oo durbaanka u garaacda. Aragtidooda
qabyaaladeed waxay ku siman tahay heer jilib. Heer beeleed iyo heer
qaran midna kuma salaysna. Qabyaalada qalad ayay ka fahmeen. Waxaa
kale oo wiiqaysa xusbiga UCID, xubno kuma laha golaha wakiilada.
Madaama ay nus gelin yihiin way ku guuldarays in ay cid kale soo
jiitaan.
Markay labadii xusbi sidaa noqdeen aragtidii qabyaalada ayaa baarumo
yeelatay. Halkan ugu haboon ee taqaan sida loo hirgeliyaana waa
KULMIYE. Madaama cid kale oo xusbi ahaan u caabiyaysaa aanay jiraan,
isagiibaa midiyihii jilibada iskula soo baxay, beelihiina la kala
safteen, xeer iyo distoorna waa la iska beel maray.
Raaali ha iga ahaadaan Fadumo siciid, Casli Gurey, faysal Cali
Waraabe, Gaboose, Reytey, Amina Soulamaan, Buubaa iyo qaar kale oo
badani, oyo qaar kale oo badani, oo ka soo kala jeeda labada xusbi
mucaarid.
Qaybtii koowaad.
Qaybta 2aad siyaasada iyo hogaaminta casho sharfa iyo haween durbaan
tumaya iyo sii dhawaada jaalayaaloo
|