Xusbiga hadhuudhlaha iyo hargoolaha(ganacsade) ee UDUB
Xusbiga UDUB oo muddo dheer hogaaminayey Somaliland waxyaabaha lagu
kanto iyo guulaha lagu faanana isagu soo hooyey- waa god libaax lafo
lagama waayo - todobaadkan waxaa ku soo duxay garaadkii Marxuum
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo laga dhaxlay hab siyaasadeed
dimoqraadi a h oo UDUB ku saleeyey aragtida midaysan ayaa ab iyo
oodba ka dhaw. Wuxuu baafiyey xusbigu in araaji loo soo qortay
Jagooyinkii hogaamiyaha iyo hogaamiye ku-xigeenka xusbiga iyo
tartanka ho gaaminta dalka. Waxay taasi ku tusaysaa in uu xusbi yaha
oo aan qof gaar u sheegan Karin amma aanu ku suntanayn qoys, beelna
gaar geed ugu xidhnayn, beesana aanay xujo ahayn.
Ururkan waxaa sal u ahaa jameecooyinkii, hadhuuleyd iyo
hargoolayaashii magaalooyinka asaasa y,sida jameecadii Saylac,
jameecadii Borama, Jameecadii Gebiley, jameecooyinka Hargeysa, jame
ecadii Berbera, dariiqadii Sheekh, jameecadii Burco, jameecadii
magaalada qadiimiga ah ee Oodwey ne, Jameecadii Caynaba, Jameecadii
Ceerigaabo, Xiis iyo Maydh, jameecada Lasqoray, jameecada
laascaanood, buuhoodle iyo taleex. Jameecooyinkaa dadkii ku
barbaaray ee manta nooli, abkay doonaanba ha sheegtaane markay
kulmaan cid walba iyagaa iska xiga.
Bal aan in yar ku dul hakado waa maxay Jameeco?, Aniga oo soo
koobaya waa dad kala ab ah oo ku heshiiyey in ay raacatanimadii ka
gudbaan, kuna midoobey in ay meel wada degaan oo nabad ku wada
noolaadaan, qashinkana iska wada xaadhan, diinta isku bahaystaan oo
dagaalada qabili ga ah ee raacatada iyaga aanay saamayn ku yeelan.
Waa goobaha magaalooyinka ka asaasmeen oo haddii aad u dhabasho
gasho ku saameelan dooxyada iyo xeebaha.
Jameecooyinka waxaa hogaamin jirey culimo diinta ku ciraystay oo
waayo arag ah oo dadkii maga alooyinka ka dhaadhiciyey in ay dar
Ilaahay u walaaloobaan. Waxay ahaayeen hogaamiyayaal rooxaani ah
(Spiritual leaders) ee ma ahayn kuwa la soo doorto amma la isku
qabsado.
Jameecooyinka magaalooyinka yaa ku wada noolaa? Waxaa ku wada noolaa
Hargoolayaal, hadhu udhlayaal ka soo kala jeeda beelo kala duwan.
Dadka kale ee wadanka ku nooli waxay ahaayeen Hangoolayaal raacta
ah.
Jameecooyinka waxaa lagu mideeyey Murtida halku dhegeedu yahay :
“Oodi Ab ka dhaw”.
Jameecooyinka guud ahaan meelkastaba ha ku yaaleene waxaa ka
dhexeeyey xidhiidh guud iyo xeerar guud oo bulshada wada oolka ah
lagu dhiqo oo ay ka midaysnaayeen.
Siyaasiga Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal bal qabsoo horta waa
ina Jameeco isaga iyo qayrkiiba. Waa da’adii magaalooyinka iyo
jameecooyinka lagu soo barbaariyey ee u horayse ee waxbarashada
casriga ah nasiibka u yeelatay.
Haddaan intaa ku dhaafo Jameecooyinka, Marxuum Hargoole Maxamed
Xaaji Ibrahim Cigaal mark uu xilka kala wareegey Marxum hargoole
Cabdiraxman Maxamud Cali, Somaliland waxaa ka ammar ku taagleynayey
Hangoolayaal afkaartii magaalo, tii jameecooyinka ka guurey oo tii
hangoolaha tirade badan dib ugu celiyey, arrina ku soo koobay in ab
iyo isir loo kala baxo.
Xaqiiqda intuu waajaha ayuu cagtii horaba ku guuleystey -jidkuu
doono ha u maro dagaal iyo laal uushe - isaga oo maalina afka
hargoolaha iyo hadhuudh laha ku hadlaya maalina ku hadlaya afka
hangoolahii SNM oo jilibo u kala fadhiya - in uu hubkii ka dhigo
isaga taa garab wadey dhismaha haykal dawladnimo oo bulshada kala
haga.
Cagtii labaad wuxuu ku guuleystey in siyaasada hangoolaha laga gudbo
oo dib loogu guuro siyaa sadii hudhuudh laha, hargoolaha iyo
jameecooyinka.
Cagti sedexaad wuxuu ku baaqay in habka dimoqraadiyada iyo nidaamka
xusbiyada la qaato taasi oo uu halku dheg uga dhigay: “Aragtida
siyaasadeed oo midaysan ayaa Ab, isir iyo Oodba ka dhaw, iyadaa
qaranimada tol iyo tag u ah oo horumar lagu gaadhi karaa”.
Wuxuu dhidibada u taagey distoor lagu dhaqmo iyo xusbiyadii. Wuxuu
isagu furay xusbiga UDUB ee hadhuudh laha iyo hargoolaha ee Gobolada
oo dhan.
Cagtii afraad wuxuu yeeli lahaa, waa lagu murmaa oo tii alaa ka soo
hormartay oo wuu xijaabtey.
Xusbiga UDUB iyo dhismaha dawladeed ee Somalilandba waxaa door weyn
ka qaatay isaga oo kaashanaya Golaha Guurtida, oo ka soo jeedey
dhammaan jameecooyinka magaalooyinka.
Xubnaha UDUB, iyaguna waxay ku xusuusanayaan, ku xurmaynayaan, oo
astaan u ah wax qabadkii Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal jirintaanka
Xusbiga UDUB. Xubinta ka dudaa waa hubaal in ay Somalilandna ka dudi
doonto.
Xusbiga UDUB marxuum Cigaal wuu taabogeliyey, hasayeeshee
dardaarinkii uu uga tegey golihiisi dhexe kamuu wada dhaqmin.
Dardaaranada uu Golihii dhexe xusbigu ilduufay ee uu dhayalsaday
waxaa ka mid ahaa:
1. In aan beelnimo dib loogu laaban oo xusbinimada dogobyo la sii
saaro, oo dimoqraadiyada la sii kala hufo oo la sii kala haadiyo.
Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, taa way carsha carsheeyeen
oo waxay ka dhawaajiyeen in ay ku hurdaan dhab libaax iyo dhabta
mawdka iyo noolka marsada Berbera.
2. Shirweynaha Ururka ee sannad walba in aan marna la baajin oo aan
la kala maagin.
Qodobkana way gafeen oo shirweyne xusbi oo la qabto kii Riyaale lagu
cugtay ayaa ugu danbeeyey.
3. In aan Hadba kii la doortaa ka amar weynaan golahii dhexe iyo
dadweynihii u codeeyey.
Qodobkaana sarsar bay ka dhaafeen oo Riyaale iyo golihiisii fulintu
way ka xuub siibteen xusbigii lagu soo tabcay ee iyaga u
suurtogeliyey in ay dalka hogaamiyaan. Waxay isbideen in ay xusbiga
ka baahi baxeen oo danahooda gaarka ah u adeegsadaan xilkii loo
igmadey.
Dardaaranadaa kor ku xusan iyo wacad furka, xeerkii ururka oo la
baalmaray, adeegii asaasiga ahaa oo isa soo tari waayey, tolaydii
hangoolaha gobolada oo Riyaale shisheeye ka dhigtay Saylicina
sokeeye oo maalinba maalintii ka danbeyse isa soo tarayey, walaac
dadka ku abuurmay in ay xasilooni darado timaado, markii ay
tixgelinaya arrimahaa dadweynuhu, waxay kaga jawaabeen ducaysane
UDUBOO xilku waa meerto oo kuu codayn maynee, Kulmiye xilkii
hogaanka qaranka ku wareeji.
Taasi macnaheedu ma ah xubnihii xusbiga way ka diga rogteen, laakiin
xilkii hogaamineed ee qaranka ayaa laga xayuunbiyey oo waxaa loo
igmadey xilkii mucaaradada hufan.
Xusbiga UDUB ninkasta ha dumaalee weli dhuuxa ayuu ka laafyoonayaa
mark loo eego xusbiyada kale iyo ururada cusub. Wuxuu u baahan yahay
keliye labaatan Cali Gurey oo ciyaalo Jameeca ah oo aragti cusub ka
duulaaya iyo in aqoon yahanka la deyriyey gudihiisa lagu arko.
Hadal iyo dhammaantiin ha noqonin fariidii laxooda dubtey ee xabadii
u danbeysey daawaha kaga dul dhaqaaqday. Ha noqon kuwii xusbi loo
wadan dhan yahay oo lagu soo wada tabcay cidlo kaga dhaqaaqa. Ha
dhuranina xusbi hablaayo iyo xusbi hebel qof u xidhan oo isagu
xoolihiisii ka bixiyey oo maalgashaday. Iska jir dhidarada onkodku
kiciyey iyo laguma dhaamee dhaq.
|