Xus Yaab Leh Oo Markii Ugu Horaysay 25 Sano Ka dib Loo Sameeyey Geeridii Mujaahid/Fanaan Maxamed Mooge Liibaan

 

Munaasibad si balaadhan loo soo agaasimay oo lagu xusayey sannad-guurada 25-aad ee ka soo wareegtay Geer ida Marxuum, Mujaahid, Abwaan, Halgamaa, Heesaaha Maxamed Mooge Liibaan, ayaa caawa lagu qabtay  hudhee lka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadaas oo si qurux badan oo layaab leh la isugu soo duba-riday, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Abwaano, Odayaal-dhaqameedyo, Ururada Bulshada, Haweenka, Dhalinyaro tiro badan oo Jaamiciyiin ah, Ciyaartoy iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Waaxa goobta xafladaas ka dhacday ka soo xaadirtay Marwo Safiya Mooge Liibaan oo ay walaalo yihiin Marxuum, Caruur uu Abti u yahay iyo dad kale oo ay qaraabo ahaayeen Marxuum Maxamed Mooge Liibaan.

Safiya Moog Liibaan waxa ay dadweynaha soo hor-dhigtay Kabankii uu sida gaarka ah u isticmaali jiray Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan oo ay xafiday, isla- markaana ay haysay muddadii uu mootanaa Marxuum oo ku siman 25 sano (1989-2009.)

Waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay Marxuumka Heestiisii ugu dambaysay ee uu curiyo ama uu tiriyo dabayaaqadii bishii 5-aad 1984-kii, heestaas oo la yidhaahdo Farriin Waalid oo uu ku curiyay magaalada Awaare, waxa goobtaas kaga luuqeeyay Fanaanka Maxamed Karoone oo isagu Laxanka saaray heesta.

“Tollay reer Hargeysoow halkaad iga jirtaan bay dhaxantu iga haysaa, ma hinqaday dadkii, hubkii ma boobeen.

Halqaybsiga Gahayr baan halkiisii ku taagnee.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa heesta.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb-galeen dadweyne aad u tiro badan oo buux-dhaafiyay Hoolka wayn ee Maansoor Hoteel waxa soo qaban-qaabiyay, Sonyo, Inerpeace, Havayoco, Nagaad iyo Akademiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland.

Gudoomiye ku-xigeenka Dallada Ururada Dhaliyarada Somaliland ee Sonyo, Faysa Aw Cali oo ugu horayn madashaasi qurxoon ka hadashay ayaa u mahad-naqday Hay’adihii iska kaashaday, suurtona-geliyay xuska Marxuumka oo markii ugu horaysay geeridiisa ka dib lagu xusay Hargeysa.

Faysi Aw Cali waxay ka dhawaajisay faa’iidada ay munaasibadan xuska ah ee taariikha ahi u leedahay halinyarada iyo inay ogaadaan taariikhdii la soo dhaafay iyo dadkii baalka dahabka ah ka soo ciyaaray halganadii kala duwanaa wadanku soo maray.

Waxaanay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay ka qayb-qaataan Dhalinyaradu xafladan, oo taariikh u ah inay ka qayb-qaataan iyaga oo laga yaabo in aanay badankoodu jirin wakhtigii halgankiisa. Iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi: “Marxuum Maxamed Mooge Liibaan Macalin buu ahaa, curiyuu ahaa, fanaan buu ahaa, halgamaa buu ahaa. Inay dhalinyaradu barato doorkiisii uu bulshada ku lahaana waa mid waajib inagu ah dhalinyaro ahaan.”

Waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay Marxuumka Heestiisii ugu dambaysay ee uu curiyo ama uu tiriyo dabayaaqadii bishii 5-aad 1984-kii, heestaas oo la yidhaahdo Farriin Waalid oo uu ku curiyay magaalada Awaare, waxa goobtaas kaga luuqeeyay Fanaanka Maxamed Karoone oo isagu Laxanka saaray heesta.

“Tollay reer Hargeysoow halkaad iga jirtaan bay dhaxantu iga haysaa, ma hinqaday dadkii, hubkii ma boobeen. Halqaybsiga Gahayr baan halkiisii ku taagnee.” Erayadaas ayaa ka mid ahaa heesta.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada oo isagu ku dheeraaday taariikhda Mujaahidka iyo kaalintii uu kaga jiray horumarinta iyo wacyi-gelinta bulshada, iyada oo laga warqabo taariikhdiisa halganka iyo heesaaga, waxaana uu halkaas koob ku gudoonsiiyey kooxdii ku guulaysatay tartan-ciyaareed oo loo qabtay xuska mujaahidka.

waxaana xildhibaanku hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi: “Waayihii iyo taariikhdiisii waxa cad mujaahidku isaga oo nolol fiican haysta oo qurbaha ku nool oo macalimo soo maray oo madax ahaa inuu halgan ka doortay oo ku biiray iyada oo aan jirin SNM ku biiray SSDF, waxa uu ku qayb qaatay geesigii koowaad ee fariimaha ayuu ahaa dhiiri-gelin jiray, kuna guugaabin jiray siday dalkooda u xorayn lahaayeen, waxa uu ahaa nin baraarujin jiray dadweynaha kale ee qurbaha joogay oo u sheegi jiray inay dunida la qabsadaan oo la noolaadaana ka qayb ahaadaan, waxa aan odhan karaa halgankiisa qaybaha ugu muhiimsan ama baalashii ugu waynaa ee SNM ku duuli jirtay.

"SNM waxa uu ahaa aabihii abaabinayay ku korinayay, isla-markaana gelinayay, wax cad inuu Heesaha iyo Kabanka ku booraarin jiray Kaban iyo Heeso, iyada oo aanay quraacan ayay laabtooda qaboon jir jirtay heesaha halganka uu u qaadi jiray. Waxa aad moodaysaa inuu Awliyo ahaa, sida aad taariikhda ku wada maqasheen ku dhintay Falfal isaga oo dhaawac ah oo dugsigii awaare ku dhaawacmay iyada oo xabadi kaga dhacday Nin SNM ah, sideed Mujaahid ayaa la socday oo dhayay ka dibna waxa dhexda u galay cadawgii ka dibna waxay ku dhufteen Baasuuke, Rasaas iyo Aadan Cal Guuleed ayaa ka mid ahaa Marxuumiintaa, waxayna ahaayeen rag loo xulay inay wax ka qabtaan dhaawicii soo gaadhay Mujaahidka." ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Buubaa.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi "Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood, hadaba dhalinyaro taariikhdaas oo dheer oo aan halkan lagu dhamayn Karin. Waxa uu Mujaahidku ku wacyi gelin jiray waxbarashada, koboco cilmiga dhaqaalaha dhan walba waxa uu ahaa Mujaahidku mid ku hamiyaya inay bulshadiisu caalamka la qabsato.”

Xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay Dhalinyarada inay ka qayb-qaataan Halganka Casriga ah maadaama laga soo gudbay Halgankii Qoriga; “Waxaan idin leeyahay mar walba waxa loo baahan yahay halyeey nooc oo kale ah inuu bulshada ka soo baxo, waxa loo baahan yahay Maxamed Moogeyaal badan halgankii Qorigu wuu dhamaaday waxa hadhay Halgankii Qalinka,  Waxbarash ada Koboca Dhaqaalaha. miyaanay nusqaan ahayn Ilaahay baan idinku dhaariyee inaynu inaga soo toosna oo aan cadaw inala joogin, miyaanay ahayn ayaan daro iyo nusqaan inaynu ka tahriibno ciideenan loo dhintay ee ay raggaasi dhiigooda ugu horeen.”


Waxa kale oo isna madashaasi ka hadlay Fanaanka Caanka ah Cabdi Nuur Alaale oo ay si gaar ah Asxaab u ahaayeen Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan, Cabdi Nuur oo codkiisu gaaban yahay, isla-markaana qiiro hadalkiisa ka muuqato ayaa waxa ka mid ah erayadii uu halkaasi ka yidhi: “Waxa ilaahay mahadiya in aan markii ugu horaysay marxuumka oo aniga walaalkay ah inaan ka so qayb-galo meel lagu xuso, kulankaygii ugu horeeyay 1973-kii ayaanu ku kulanay Jabuuti.

Hadii aan dhalinyarada uga waramo dabeecadaha Marxuumku lahaa, wuxuu ahaa qof yar iyo wayn wada raali-gelin kara, soo jiidan kara, macalin buu ahaa, iskamuu waynayn jirin qofna.1973-kii muddo sanad ah ayuu nala joogay, dhalinyarada reer Jabuuti ee aan la qiyaasi Karin sida ay u jecel yihiin Mujaahidka, hadii ay halkan caawa joogi lahaayeen, wax badan bay rag ay si gaar ah saaxiib u ahaayeen kaga sheekayn lahaayeen taariikhdii ay ka lahaayeen marxuumka inay halkan wacdaro ka muujin lahaayeen, xus kale ayaa jiray July 22-keeda Mooge Fistical ayay taariikh badan kala kulmi doonaan, xus gaar ah ayay iigu jirtaa inay halkan joogto aad baan ugu farxsanahay aniga oo aan aqoon.”

Abwaanka Caanka Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi muxuu ku safiyeey Suugaantii Halyeeyga: “Wuxuu lahaa Cod loxdan oo Lagdan: waa codka ugu quruxda badan adduunka marka labadaasi isku raacaan.”


Heestiisii ugu horaysay Mujaahid Maxamed Mooge waxa la yidhaahdaa Mahiigaan 1986-kii Maxamed Cumar Huuryo ayaa lahaa, Laxanka waxa saaray Rashiid Bullo, waxay ahayd heestii ugu horaysay ee uu ka qaado Idaacad.

waxa kale oo madashaasi lagu soo bandhigay Filim documentary ah oo ka waramaya taariikhda, halgamaaga,heesaaga, macalinka Marxuumka Maxamed Mooge Liibaan, kaasoo dareen qiiro iyo muudh leh geliyay dadkii madashaasi ka qayb-galay dareenkii dhalinyarada quluubta aad u taabtay.

Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan waxa uu ku luuqeeyay heeso kala duwan oo ka hadlaya dhinacyada Waxbarashada, Kalgacalka iyo Laxawga, Halgankii Hubaysnaa iyo waliba kabankiisa uu u heesay.

Aan soo qaadano heesta waxbarashada ka hadlaysa oo aad loola dhacay dhalinyaraduna aad ugu sacabisay: “Waxaan ahay waadiga Dugsiyada, waxaan ahay Waanada Macalinka, waagii baryaba, ubax laga waraabshoo.”

Heesihii kalgacalka iyo laxawga lahaa ee Mujaahid Maxamed Mooge aan ka soo qaadano heestiisii aan duugoobin waa; “Mudantii Haweenkaay, muradii la sheegee, dadku wada majirtaay, mixibadaa kalgacalkaay.”
Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ay halganka wada galeena waxa uu yidhi; “Hbeenkii ugu dambeeyay noloshiisa, waxaanu ku wada cawaynaynay berkad kaamkaas agteeda ahayd, waanu iska sheekaysanaynay waayihii halganka ayaanu ka sheekaysanaynay, sidii aanu u wada joognay ayuu mar kale yidhi, waar niyow kollay aniga gacan iga xaqdaran baa I dilaysa, arrintii ayuu hadana mar kale ku celiyay, markaa waxa noo yimi Mujaahid yar oo noo keenay casho ka koobnayd Qamadi oo kaamka ayuu noogu keenay, hadana tii ayuu noogu celiyay gacan iga gar-daran baa I dilaysa,”


Heestii ugu dambaysay ee uu ku luuqeeyo Mujaahid Maxamed Mooge Liibaan isla-sanadkii uu geeriyooday. Heestaas oo uu ku luuqeeyay Aadan Karoone waxaaa midhaheedi ka mid ahaa; -“Ha I hiifin, oo ha I habaarin, kama hadhin qayrkay anigaa u horeeyee, hawraarta maansada heestiyo luuqdiyo, sowtaan hore u idhi Tollaay reer Hargeysaay halkaad iga jirtaan baa dhaxantu iga haysaa.”

Waxa kale oo madashaas lagu gudoonsiiyay koob kooxda kubada cagta ee Shire Multiservice oo ku guulaysatay koob lagu xusayay Mujaahidka oo ay ka qayb-qaateen Afar Naadi.

Fanaaniinta Caanka ah ee Aadan Xuseen (Karoone) iyo Ubax-fahmo ayaa madasha ka qaaday hees uu sameeyay Boobe Yuusuf Ducaale 1 sano ka dib geeridii Marxuumka oo ay wada jir ugu luuqaynayeen.
Sidaas ayuu taariikhda ugu galay Maxamed Mooge in uu codkiisii dabacsanaa, gacantiisii mudnayd, guubaabadiisii baxsanayd, halgankiisii mudnaa mid u huray inay bulshadiisuu u aydo oo ay xornimo ku noolaato.



Ugu dambayntii waxa munaasibadaas xuska ah soo gebo-gabeeyay Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayay Magaca Qoyska reer Mooge waxaana uu hadaladiisii ka mid ahaa; “Waxaan leeyahay Adeerkay ha la cafiyo, hadii uu balan idiin qaaday oo uu idin yidhi nolol fiican baad ku noolaanaysaan ee maanta darxumaysan, waxaan leeyahay iska saamaxa adeerkay maadaama aanu maanta noolayn, balantiisiina ay meesha ka baxday waxaan sheegayaa ubadkii ay ka tageen ubadkii ay Mujaahidiintu ka tageen.
Waxaan odhan lahaa walaalayaal dadkan wax ha la taro. Su’aalo badan yaanay iswaydiin oo aanay odhan aabahaa muxuu u dhintay. Waxaan leeyahay qoys iyo lababa waad ku filaan kartaane ubadkaas ha la ogaado.

Maxamed wuu dhintay, rag la mid ahaa way dhinteen, waxase iswaydiin mudan ubadkii ay ka tageen maxay ku nool yihiin, waxaan leeyahay SNM ha iswaynayso, ha is xusto, marka mid ka mid ah la xusayana yaanay u kala hadhin.”


Oodweynenews