XUQUUQDA HAWEENKA IYO DOORKOODA.

 Qaybtii 3aad
 


waxaynu ku guda jirnay xukunadda ragga laga hormariyay dumarka iyo xikmadda ka danbaysa, inagoo ka soo halnay markhaatiga ragga iyo ka gabadha.



2. Dhaxalka ninka iyo dhaxalka gabadha:


marka laga hadlayo dhaxalka wiilka iyo ka gabadha waxa ugu badan ee laga hadlaa waa saamiga wiil iy gabadh walaalo ahi ay ka helaan hantida aabohood ka dhintay. Gabadhu waxay ka helaysaa xoolahaa aabeheed saami ah hantida inanku helo nuskeed, si uu inanku u helo hanti u dhiganta saami laba hablood, sida ku cad Suratul Nisaa-11. Waxa cad in qaybtani ay salka ku hayso xilka iyo masuuliyada maaliyadeed ee saaran ninka, iyo sida aanay gabadha xil maaliyadeed marnaba u saarnayn qoorteeda, xataa hadii ay haysato maal u gaar ah. hadii uu dhinto aabe, oo uu ifka kaga tago wiil iyo gabadh, wiilku wuu guursanayaa, wuxuu bixiniayaa meher iyo waxyaabihii kale ee ku lug leh dhisida guriga, marka uu aqal-galana wuxuu bixinayaa biilka iyo hawlaha guriga, halka gabadha ay walaalaha yihiin la guursanayo oo ay qaadanayso meher, marka lalal aqal-galana saygeeda ayaa lagu waajibiyay nafaqaynteeda iyo biilinteeda, haba ahaato tu maal badan haysata e.

Tusaale ahaan, aabaha ka tagay $15,000,inanku wuxuu helayaa $10,000, halka ay inantuna ka helayso $5,000. inanku markuu guursado oo uu bixiyo meher iyo hadiyado ku dhaw qiime ahaan $2,500 wuxuu saamigii uu helay ku dhacayaa $7,500, halka walaashii marka la guursado ee ay hesho meher iyo hadiyado u dhiganta tii uu walaalkeed bixiyay uu gaadhayo saamigeedu $7,500, waxaanay la mid noqonaysaa saamigii walaalked. Markaa kadib, ninka waxa saaran quudinta xaaskiisa, caruurtiisa, waalidiintii inta ka nool iyo walaalihiisa yaryar, halka aanay gabadhu waxba ka bixinayn marka laga tago waxay iyadu sadaqad ula baxayso.

Dhinaca kale, saamiga ragga iyo dumarka ee dhaxalku maaha mid joogto ah ama jaan-go’an, mararka qaar ayaa saamiga gabadhu la mid yahay ka ninka, sida dhaxalka labada waalid ay dhaxlayaan wiilkooda aan waxba dhalin, iyagoo helaya saami isku mid ah-hal meel ka lix meelood- ama 1/6, maadaama labada waalid baahidoodu isku xidhan tahay. Sidoo kale wiilka iyo gabadhu waxay helayaan saami isku mid ah marka ay dhaxlayaan walaalkood dhinaca hooyo ah, oo aan ka tagin waalid iyo ubad midna, waxaanay qaadayaan hal meel ka lix meelood. Saamigan isku midka ahi wuxuu dhacaa dhaxalka meelo dhawr ah.

Mararka qaarkood waxa dhaca in gabadhu hesho saami ka badan ka ninka, tusaale ahaan, gabadha hantideeda uga tagtay saygeeda, hooyadeed, laba wiil oo ay walaalo yihiin iyo inan ay xagga hooyo oo kaliya ka walaalo yihiin, labada wiil waxay isku helayaan saami u dhigma ka ay heshay gabadhdu -1/6.

Inta badan waxa la soo qaataa qodobkaa labada walaalaha-wiilka iyo gabadha- ah maadaama ay fududahay in dumarka intooda badan loogu celceliyo, ilaa ay qaar u qaataan in xaq ay lahaayeen ka maqan yahay, isla markaana la hoos-mariyay ragga. Qaadashada fikaradanina waxay keenaysaa in qofku aanu ku qancin oo uu saluugo qaybta Ilaahay u qoondeeyay iyo saamigii uu u qaybiyay nimcadiisaba.



3. Magta


In kasta oo aanay jirin aayad Quraan ah oo dhinaca magta ku kala saaraysa ragga iyo haweenku, haddana waxa jira xadiisyo dhowr ah oo ka hadlaya arrinkan, haba la isku khilaafo saxiixnimada iyo silsilada xadiiska e. xadiisyadaa waxa ugu saxsan xadiis laga wariyay saxaabiga weyn ee Mucaad bin Jabal, oo uu leeyahay, “Magta gabadhu waa magta ninka nuskeed”. Maadaama khilaaf ka yimid saxiixnimada xadiiskan, culimada siyaabo kala duwan ayay u xukumeen masaladan, culimada qaar waxay sheegeen in xataa saxiixnimada xadiiskani uu sheegayo uun ijtihaad uu la yimid saxaabigaasi maadaama aanu ka sugin Nebiga-NNKH- waanay banaan tahay in la qaato iyo in kaleba. Culimada qaar ayaa qaba in ay ragga iyo dumarku ka siman yihiin dhinaca magta, mar hadii qofnimadoodii ay isku mid tahay, ku xad-gudubka mid loo geystaana uu keenayo Qisaas iyo cadaabka Alle oo u danbeeya danbiilaha falka geystay. Sidoo kale hadii gabadha lo dilo si aan ula kas ahayn ama gef ah waxa la raacayaa xukunkii marka ninka lagu dilo si ula kas la’aan.

Sida raajixa ah ama ay culimada inta badan isla ogolaadeen waa in magta gabadhu tahay ta ninka nuskeed, iyadoo la tix-raacayo xukunadii a fuliyeen in badan oo asxaabta ka mid ahi, sida Cumar bin Khadaab iyo Cali bin Abiidaalib -RC. Waa marka hore e magtu maaha qiimaha qofka la dilay- nin iyo gabadh toona, Ilaahay agtiisana, aad bay u culus tahay dilka loo geysto qof islaam ahi. Magtu waa samirsiin iyo dhaqaale-kab lagu raali-galinayo ehelkii qofka la dilay, si ay uga soo kabtaan waayida xubin ka mid ahayd. Waa tan labaad e kala-soocidani waxay salka ku haysaa doorka mid kasta oo ragga iyo dumarka ahi uu ku lahaa bulshada dhexdeeda, mar hadii doorka ninku uu ahaa soo xeraynta maaliyadda qoyska, maqnaastiisuna ay keenayso dhabar-jab ku yimaada ishii dhaqaalaha ee qoyska, qiimaha kabka dhaqaalaha qoyska uu niku ka baxay wuu ka badnaanayaa, ka la siinayo qoys ay gabadhi ka baxday.

4. Gacan-sarraynta:

Gacan-sarraynta waxaan uga jeednaa maamulka iyo lahaanshaha awoodda fulineed ee qoyska.Ilaahay-SW- ragga ayuu siiyay gacan-saraynta iyo maamulka qoyska, sida ku xusan Suuratul Nisaa-34- waxaana u sabab ah laba arrimood oo midkood Rabbi u hibeeyay ragga midna ay kasbadeen.

Ragga Ilaahay wuxuu ku manaystay awoodda rogrogida arrimaha iyo u kuur galidooda inta aanu qaadan go’aan, iyo u dhaqanka si degan oo uu ka fikiro cidhibta talaabooyinka uu ku kacayo. Halka dumarku ay leeyihiin habdhis sal-fudud oo si caadifadaysan ula ficiltama dhamaan waxyaabaha soo food-saara.
Ninku waa aasaasaha ugu horeeya ee qoyska, isaga ayaana bixinaya dhaqaalaha looga baahdo marka la dhisayo qoyska sida meherka. Ninku waa maal-geliyaha guud ee hawlaha qoyska. Sidaa darteed burburka qoysku mar kasta waa burburkiisa isaga ayaana qaadaya masuuliyada, waana inuu kun jeer ka fikiraa inta aanu qaadan go’aan khasaare ku ah oo baabi’inaya qoyskiisa.
 

By: Cabdalle Sacad