Xuquqda Haweenka iyo Doorkooda
Qaybtii 4aad

 



5. Xilalka garsoorka iyo siyaasadda.


Culimo badan- sida Imam Abuu Xaniifah- ayaa waxa ay qabaa in gabadhu ay ka gar-niqi karto isla markaana xukummi karto meelaha ay banaan tahay inay  mark haati ka noqoto oo dhan, iyadoo culimo kale oo badanina ay ku khilaafeen.Laakiin banaynta arrintani macneheedu maaha waajibin iyo daruuri ay xukun ridayso gabadhu mar kasta, laakiin waa iyadoo arrinka loo eegayo maslaxadda gabadha, ta qoyska, ta bulshada iyo ta Islaamka guud ahaan. waayo abuurka gabadha, dabeecadeeda sal-fududaydka iyo hab-dhiskeeda ficiltanka ama caadifadda ku dhisan ayaan u ogolaanayn inay ka qar-naqdo xukunada xuduuda iyo qisaasta la fulinayo. Xadka sinada oo kale dumarka inay markhaati ka noqdaan waxa loogu diiday adkaanta ay adag tahay inay si faahfaahsan u sharaxdo waxa ay aragtay, xishoodkeeda daradeeed, sidoo kale way adkaanaysaa inay dhagaysato kiisaska noocan oo kale ah, isla markaana ka gar-naqdo.

Marka ay noqoto xilalka siyaasada, waxaynu ognahay loolanka badan ee ka jira masraxyada siyaasada, iyo is-eedaynta iyo xifaaltanka guud ee ka dhexeeya xubnaha ku jira hawshaa. Sidaa daraadeed dumarka dabeecadoodu uma  saama xayso dhex-orodka arrinkan, waxaana haboon in ay ku dhawrsoonaadaan  gury ahooda iyo wixii kale ee danta guud ee umadda ah, si ay uga nabad galaan is-xagxagashada siyaasada. Dhinaca kale, diin ahaan iyo dhaqan soomaali ahaanba dumarka waxay leeyihiin tix-gelin iyo mudnaan gaar ah, inta ay hablaha yihiin ee ay ku hoos jiraan gacanta waalidkood iyo inta ay hooyooyinka yihiin ee ay ku hoos-jiraan gacanta raggooda, iyadoo mar kasta lagu dagaalami jiray hir-gelinta arrintan, oo ay gabdhuhu hormood ka ahaayeen waxyaabaha inta ugu badan lagu dagaalamo. Hadaba soo dhex-galida barnaamijyada siyaasada ee dumarku waa arrin ku cusub dunida Muslinka ah, gaar ahaan geyigeena soomliyeed, waxaana inta badan dhidibada u taagaya oo saamayn iyo gacan weynba ku leh fikrado reer Galbeed, kadib markii ay ogaadeen in dhinaca dumarka looga soo dhici karayo dadyowga ku abtirsada diinta Islaamka, iyagoo ku soo dhuumanaya waxa ay ugu yeedhaan hay’adaha u dooda xuquuqda aadamaha..

Fikirka noocan ahi waa mid aan midha- dhal ahayn isla markaana ay ku  hungoobe en dadyowgii haystay, waxaanay dareemeen khasaaraha ay leedahay inanta iyo hooyada u ban-baxaysa suuqyada iyo masraxyada siyaasada, kadib marka laga kaxeeyo xarumahoodii dabeecadda iyo diintuba u ogolayd, sida guryaha, goobaha waxbarashada, cibaadada iyo goobaha caafimaadka oo ay abdikood ka soo qayb qaadan jireen.

Inanta iyo hooyada u soo baxay masraxyada siyaasada labaduba waxay gabeen hawshii ay u hayeen bulshada, isla markaana waxay ka talaabsadeen milgihii suubanaa ee dhowrida dumarka, iyo ilaalinta karaamadooda. Marka aad weydiiso in badan oo ka mid ah dumarka u sacaba-tumaya talooyinka iyo fikradaha reer Galbeedka, hadii ninka iyo gabadha labaduba dibada u baxaan oo shaqo tagaan waa ayo cidda daryeelaysa isla markaasina ka warhaynaysa ubadka? Waxa ay jawaab ka dhigaan in lahelayo hablo ku shaqeeya haynta iyo korinta caruurta, lakin caqliga saxda ahi waxa uu ku siinayaa waxay tahay, hadiiba ay gabadh kale ka shaqaynayso gurigaaga, waxa cad inaanay guulaysan fikradii qaloocday ee la inoo yeedhinayay ee ahayd sinnaanta ragga iyo dumarka, iyo ka soo saarida guryaha, maadaama hawshii dhabta ahayd ee dumarka ay fulinayaan uun dumar kale.

Waxyaabaha ka dhashay fikradan waxa weeyi, ta koowaad, in shaqada dumarka farqiga u dhexeeyaa aad u weynaado, iyaga oo kala raacaya laba shaqo oo  lab aduba aan midna sax ahayn- midi waa la loolanka ragga oo gurigeedii iyo  ubad  keediiba wey gabtay, ta kalena in kastoo ay duruufi sabab u tahay hadana ubad aanay wax xidhiidh ah lahayn iyo guri shisheeye ayay u hoyatay. Arrinka labaad ee ka dhashay fikradani waa iyadoo ubadkii iyo waalidkii-gaar ahaan hooyadii- aanay jirayn xidhiidhkoodii xoogga lahaa ee ku salaysnaa maxabadda iyo is-jacaylka waalidnimo, waayo ilmuhu inta uu yar yahay waxa uu dadka ugu jecel yahay waa hooyadii oo uu dareemayo naxariisteeda iyo jacaylkeeda,  islamarka ana hooyada ayaa ilmaha ku beerta xidhiidhka jaceyl ee aabihii, sidaa daraadeed ilmaha waayay hayntii iyo habidii hooyada wey yar tahay intuu dareemayo naxariista waalidka, waxaana ka dhasha caasi waalidnimo iyo waxyaabaha kale ee foosha xun ee ka dhex dhaca dadyowgaa aan haysan diinteena Islaamka. Inkastoo aanay bulshadeenu weli dareemin cidhibta iyo khasaaraha fikradaha galbeedka-arrinka oo innagu cusub aawadeed- hadana hooyada kaga  mashq uushay ilmaheeda hawlo aan daruuriba ahayn, ayaa waxa badanaaba ay la kulmaan in iyagana marka ay da’noqdaan ay ubadkoodu ka mashquulaan, isla markaana u diraan meelaha lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee hawl-gabka ah.

Halka aynu ku sugan nahay iyo derajada aynu taagan nahay inteeda badan waa wax aynu ka dhaxalnay awowyaasheen iyo dadkii inaga horeeyay, lakin  mustaqb alka iyo halkaynu ku socono iyo weliba in kamid ah xaadirka iyo halkaynu joognaa, waa wax gacanteena ku jira. Sidaa daraadeed, waa inaynu ka digtoonaanaa halisaha ay innaga badbaadiyeen waalidiinteen, waana inaynu guntiga u xidhanaa sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn fursadaha aan gacanta loo qaadin ee  horumari need. Waxaad moodaa in intii la is lahaa dhaafa halkii ay ina gaadhiiyeen intii inaga horaysay inaynu u socono dhinaca kale, inagoo dhex galnay halisaha ay soo dhaafeen dadkeenii hore, sida u dhaga nuglaanta dadyowga aan Islaamak ahayn.

la soco....

 



BY. Cabdalla Sacad aw Muuse

shaafici12@hotmail.com
www.asmnadiif.blogspot.com
khartoum,Sudan