Xukuuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Go,aan Ka soo Saartey Golaha Cusub Ee Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaan Hargeysa Lagaga Dhawaaqay

 



Afhayeenka Madaxtooyadda oo Warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabih ii lagu soo hadal qaaday shirkaas, waxaanu in shirkaas golaha wasiirrada .............


Hargeysa (TNN):- fadhigii golaha Wasiirrada Somaliland ay yeesheen Maanta oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa lagaga dooday Gole siyaasadeed oo Arbacadii toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay Caasimadda Hargaysa, kaasoo ay ku bahoobeen Siyaasiyiin miisaan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyadda oo Warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabihii lagu soo hadal qaaday shirkaas, waxaanu in shirkaas golaha wasiirrada lagu Go?aamiyey in Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranku uu yahay mid baal marsan shirciga u yaalla dalka.


Mr. Axmed saleebaan dhuxul oo markii shirkaasi dhamaadey warbaahinta tafaasiilka siiyey ayaa waxaa uu yidhi “ fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada si weyn loogu faaqiday isla markaana la isku waafaqay in aan la ogolaan doonin cid sheegata urur ama gole siyaasadeed oo aan ka ahayn kuwa dastuuriga ah ee dalka ka jira “Waxa lagu go’aamiyey (shirkii Golaha Wasiirada) in dalkani leeyahay hay’addihii sharciga ahaa ee sharciyada dalkan u taalaa a tilmaamayeen, wixii aan intaa ahayna ay qayrul sharci tahay oo dalkan aanay sharci ka noqonayn” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dalkeennu wuxuu leeyahay Baarlamaan iyo xisbiyo qaran, intaana dastuurka ayaa caddeeyay, dadka reer Somalilandiyo xukuumadda ayaa caqbalay, waana waxa lagu dhaqmayo ee kala dambaynta iyo jiritaankeenuna ku salaysan yahay”


Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay “Golaha Wasiiradu waxay go’aamiyeen inaanu jiri Karin wax urur ah oo sifo ka soo horjeeda ama ka duwan hay’addaheen sharciga leh ay sharci daro tahay”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.


Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo rayul caamka bulshadu si weyn ugu foogan yahay dood ka dhalatay sharciyadda Gole la magac-baxay iyo Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka, oo ay laba todobaad ka hor caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqeen siyaasiyiin mucaarid ah oo iskugu jira Hoggaankii ururadii dhacay iyo siyaasiyiin xilal sar-sare ka hayay xukuumadda oo xilkii laga qaaday.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland