Xukuumadu Maxay ka Qabatay Gobolka Togdheer Mudadii Sanadka ahayd ee
ay jirtay.

Warbixin uu ka diyaariyay Wariyaha Timacade News ee Gobolka Togdheer,
Axmed-Hanad
Burco (TNN)-Xukuumada Somaliland ee uu Hogaamiyo Madweyne Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ee Sanad Jirsatay waxay qabatay waxqabadyo balaadhan oo
aan qalin lagu soo koobi Karin .
Hadaba Maqaalkani Waxaan kusoo qaadaneynaa Waxqabadkii Xukuumada
Somaliland ee Gobol ka Togdheer iyo isbedelada la taaban karo ee ay
ku samaysay Gobolkani Mudadaasi Sanadka ah ,marka aan ka hadleyno
waxaqabadka Xukuumada ee Gobolka Togdheer markiiba waxa Maskax daada
kusoo dhacaaya Bedelaaadii lacagta Giinbaarta ahayd ee Burco oo hoos
u dhac dhaqaale ku haysay Bulshada Gobolkani ,taasi lagu bedley mudo
Toban casho Gudahooda kuna baxdey Qa dar lacageed oo gaadhaya
10bilyan oo Somaliland shilling ah Sida uu War baaahinta u sheegey
Gudoomiyaha Baanka dhexe Cabdi Dirir.
Waxa kale oo isbedl balaadhan oo dhinaca Bilicda iyo shaqada lagu
sameeyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.hadaba mar aan Saaka
Booqdey Cisbitaalkaasi ayaa waxan wax ka weyd iiney Bukaanada
Cisbitaalka sida ay u arkaan isbelka Muuqda ee lagu sameeyey
cistaalka waxa yna dhamaan bukaanadaasi sheegeen in ay Xukuumada
Somaliland uga mahad celinyaan sida ay wax uga bedeleen qaabkii uu
cisbitaalku u shaqeyn jirey waatan mid kamida Bukaanada oo ka
hadlaya Dareenkooda”alxamduli laah waxan cisbitaalka ku hayaa
ilmahan yare e aad arkeysi d si fiican ayaa loogu shaqeeyey wax
lacaga oo kiro ah layma weydiin dawada bilaasha ayaan ku helaa waan
ku faraxsanahay dawladeena noo dhalatay waligeed ha waarto”Taasi
waxay ah ayd Hooyo aamina xasan ismaaciil oo ah hooyo ilmo yar oo ay
dhashey ku haysa cisbitaalka oo si dareen leh uga hadleysay qaabka
loogu qaabiley Cisbitaalka .
Xuukamada Somaliland mudadii ay jirtay waaxa kale oo ay ku
talaabsatay in ay wax qabato joo jinta iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
taasi oo sababtay in Hanti dhowrka guud ee Qaranku oo baadhitaano ka
waday dawlada hoose ee degmada uu ku guuleystay Qabshada Shan Masuul
oo lagu heley in ay sameeyeen Hanti lunsi oo uu ugu horeeyo
Xoghayihii Dawlada Hoose ee Burco iyo Xisaabiyhii Dawalada Hoose
taasi oo la filayo in wakhtiyada soo socda Maxkamad la horgee yo.
Mudadaasi Sanadka waxa kale oo ay Xukuumadu qabatay Dhismaha
wadooyin laami ah oo tiro ba gaadhaya ilaa sadex wado oo wax weyn ka
taraya bilcsimada iyo isusocodka dadweynha Ma gaalada Burco,sidoo
kale waxay Xukuumadu ku Guuleystay soo Afjarida Mashaqdii Kalshaale
oo ahyd dagaal beeleed dhexmarey beelaha deegaanka Buuhoodle iyo
deegaanka Qorilugud,inkas too aan wali heshiis taam ah la dhex dhigin
beelahaasi ayaa hadana Xukuumada xoogaa horum ar ah ka gaadhey
joojinta Colaadaasi oo istaagtay kadib markii ay xukuumadu
Somaliland aawd ey Barkad biyoodii mashadu ka dhalatey.waxana wali
socda waan waan ay wadaan odey dhaq ameedada kasoo kala jeeda
deeganaadaasi doonaya in heshiis waara iyo is afgarad lagu dham eeyo
arintaas.
Iskusoo wada duuboo Waxqabadka Xukuumada Madweyne Siilaanyo ee
Gobolka Togdheer aya an mid la taaban karo inkastooy wali jiraan
waxyaabo ay Xukuumadiisu ay balan qaadey oo aan wali waxba laga
qaban oo kamid yihiin Furida Gegida Diyaaradaha oo aan wali si
caadiya u shaq eynin una furan si magic u yaal ah iyo wax ka
qabashada dhinaca Maxkamadaha oo dadweynu hu Magaalada Burco cabasho
xoog leh ka muujinayaan,Sheegeena in ay jiraan laaluush iyo cada alad
darro lagu sameynayo muwaadiniinta kiisaska kula jira maxkamadaha
Axmed Maxamed Ismaaciil{Axmed hanad}
hanad080@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco, Somalilad
|