Xukuumadda xilkeeda u horreeyaa waxa weeye in marka dadka muran dhinaca xuduudaha ah dhex yimaaddo ay kala saarto

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaradka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku cambaareeyey inay gudan wayday waajibaadkii ka saarnaa kala xadaynta xuduudaha gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Md. Muuse Biixi Cabdi oo xalay Jamhuuriya ugu warrameyey khadka telefoonka ayaa si weyn uga hadlay xiisada dhinaca dhulka ah ee ka aloosan deegaannada ka tirsan waqooyiga gobollada Hargeysa iyo Gabiley ee ka dhalatay qorshaha maamulkooda lagu hoosgeynayo Gobolka Awdal, arrintaas oo uu tilmaamay in aanay ahayn mid u gaar ah gobollada galbeedka Somaliland oo kaliya, balse waxa uu xusay in tahay mushkilad haysata deegaannada dalka oo dhan, isla markaana ay sabab u tahay iyadoo xukuumaddu ka gaabisay gudashada waajibaadkii ka saarnaa kala xadaynta xuduudahai gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE waxa kale oo uu xusay in xeerarka iyo dastuurka dalkuba ay dhigayaan in dhulka Somaliland uu ka kooban yahay xuduudihii uu lahaa sannadkii 1960-kii markii uu ka xoroobay mastacmaradii Boqortooyada Ingiriiska, isla markaana gobollada iyo degmooyinka ay sameeyeen dawladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray lagu salaynayo xuduudihii ay lahaayeen lixdii degmo ee dalku ka koobnaa 1960-kii, kuwaas oo aan mida mid u gudbi karin xuduudeeda.

Md. Muuse Biixi waxa uu xukuumadda ugu baaqay in si looga baxo dhibaatooyinka dhinaca dhulka ah ee soo noqnoqda ay kala xadayso xuduudihii gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaannu isaga oo arrintaa faahfaahnaya yidhi; “Arrintan muranka dhulku maaha mid ku kooban gobollada galbeedka dalka, balse waa mid ku baahsan dalka oo dhan oo meel kasta ka jirta, waanna arrin ku salaysan shirci-xumada, sababtuna waxa weeye waxaynu dastuurkeena aasaas uga dhignay iyo heshiisyadii Somaliland kula gashay, waxaynu dhammaanteen isku raacnay dhulku wuxuu ka koobnaanayaa xuduudii dalkii la odhan jiray mustacmaradii Ingiriiska ee xoroobay sannadkii 1960, taas waa xuduudihii.

Lixdii degme ee Ingiriisku ka tagay sidii ay 26-kii June 1960- ayey xuduudahoodu ahaanayaan, degmooyinkaasi waxay isku beddeleen lix gobol, gobolladaasina gobollo kale ayaa ka sii farcamay dhowr iyo toban gobol.

Degmadii Hargeysa ee 26-ka June sidii uu xadkeedu ahaa ayuun buu ahaanayaa, bana tallaabi karto gobolka Awdal, sidoo kalena Gobolka Awdal uma tallaabi karo, Sanaag iyo Sool-na waa sidoo kale oo xuduudahoodii ayey ku kala ekaanayaan.

Haddaba waxa jira degmooyin iyo gobollo ay sameeyeen dawladihii dalka soo maray iyo dawladdan Somaliland dhammaan xuduudahaasi ma dhaafi karaan xuduudihii 60-kii, haddii ay jireena waa in lagu celiyaa xuduudihii 60-kii, hawshaasina waxay u taalaa hadba xukuumadda joogta, taas oo xilkeedu yahay.

Xukuumadda xilkeeda u horreeyaa waxa weeye in marka dadka muran dhinaca xuduudaha ah dhex yimaaddo ay kala saarto, sidaa daraadeed dadka waxaan ugu baaqayaa inay nabadgelyada illaaliyaan, xukuumadduna ay sharciga raacdo oo ay sameyso kala xadayntii xuduudaha iyo degmooyinka gobollada dalka si aan muran iyo isqabqabsi dambe u iman.”







Jamhuuriya Online