Xukuumadda Somaliland oo xisbiyada mucaaridka ah iyo beesha caalamka u ballanqaadday qabsoomidda doorashooyin xalaal ah oo xilligooda la qabto

 


 



Hargeysa (TNN):- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u ballanqaadday beesha caal amka iyo labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID inay doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka qabsoomi doonto waqtiga loo qoondeeyey oo ku beegan badhtamaha sannadka 2015.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa saxaafadda u xaqiijiyey shalay in xukuumaddu samaysay ballanqaad ku saabsan in doorashooyinku ku qabsoomaan xilliga loogu talogalay, isagoo sheegay in safiirro ka socda dalalka reer Yurub oo maalmihii u dambeeyey safarro ku yimi Hargeysa ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka, waxaannu tilmaamay inay arrimahaas ka wadahadleen safiirka Denmark ee magaalada Nairobi oo booqasho ku yimi Som aliland shalay.

“Waannu kala hadalnay (arrimaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya), waxayna ka mi d yihiin waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha ah ee aadka isaga xilsaaraya doorashooyinka So maliland. Dawladda Somaliland waxay ballan u qaadday asxaabta mucaaridka maalintii dhawa yd (kulankii madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridku yeesheen Axaddii toddobaadkan) oo aniguna aan ku jiray in doorashadu dhacdo waqtigeedii, waxtarna waannu ka codsannay (Denmark), waxyaabaha ugu waaweyn ee uu u yimidna (Safiirka Denmark ee Nairobi) arrimaha doorashooyinka ayaa ka mid ah oo aannu kala hadalnay. Insha Allaah gacan ayey na siin doonaan, annaguna waxaannu ku dedaalaynaa inay waddanka ka dhacdo dooras ho xalaal ah, waqtigeediinna dhacdo,” ayuu yidhi Md. Biixi.

Waxa kaloo uu ku dooday in dedaalka dhinacyada nabadgelyada iyo xasilloonida ee dawladda Somaliland samaysay sabab u yihiin in safiirro badan oo reer Yurub ah yimaaddaan Hargeysa, waxaannu yidhi; “Safiirro badan iyo waddamo badan ayaa ku soo qulqulaya dalka Somaliland, taasna waxaannu u aragnaa inay tahay dedaalka Somaliland samaysay, nabadda ay haysato, xasilloonida jirta iyo kalgacayl caalamku u qabaan dalkeenna oo daris la ah waddan dhan oo gubayana oo Soomaaliya ah, caalamkuna waxay wax la qabtaan cidda wax qabsanaysa. Waxa la innoogu soo dhawaynayaa ee la noogu imanayaa waa waxqabsashada Somaliland samaysa y, annaguna haddii aannu nahay Wasaaradda Khaarajiga waxaannu ku dedaalaynaa in aannu keenno safaaradaha iyo hay’adaha oo aannu tusno waxa Somaliland yaal iyo maalgashiga loo baahan yahay, waxana soo socda shirka maalgashiga Somaliland oo magaalada London ee Ing iriiska ka dhacaya 14 October 2014, waanna Ilaahay mahaddii haddii ay dadkii inoo soo jeedaa n maanta oo rabaan inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland, waxayna tusaysaa wanaagga iyo khayraadka waddanka yaal.”

Geesta kale, Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa caddeeyey in diblomaasiyiinta caalamka ee so cdaalka ku yimaad caasimadda Hargeysa inay kala hadlaan siddi Somaliland qayb uga qaadan lahayd xasillinta iyo nabadaynta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo sidoo kalena xusay inay ka wadahadleen arrimo kale oo ku saabsan maalgashiga iyo horumarka dal ka.

“Safiirrada dalalka caalamka ee noo yimaad waxyaabo badan ayaannu ka wadahadalnaa, wax aanna ka mid ah nabadgelyada, horumarka, arrimaha doorashooyinka, wadahadallada aannu Xamar la leenahay, sida aannu jaarka ula noolaanayno, nabadgelyada iyo doorka weyn ee Somaliland ka ciyaarayso. Xagga nabadgelyada door weyn ayaannu ka ciyaarnaa, hadday tahay la-dagaallanka argagixisada, budhcad-badeedda iyo tahriibka, markaa waxa Somaliland loo arkaa waddan loo baahan yahay maanta inuu ka qaybqaato nabadaynta Xamar ama meel kale ha noqotee, caalamkana si fiican ula nool, markaa waxaannu qabnaa in Somaliland dhaqaa qday, caalamkuna xiisaynayo, annaguna aannu xiisaynayno la macaamilka caalamka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.
 

Source:Jamhuuriya