Xukuumadda Somaliland oo sheegtay inay rugsadii kala noqotay HCTV


 

 


Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumada uu ka tirsan yahay ay ruqsadii kala noqotay Telefishanka Ho rn Cable TV , oo xalay cawayskii ciidamada boolisku albaabada u xidheen xaruntii Telefishanka asi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in Te lefishanka HCTV ay buun buuniyeen wax uu ugu yeedhay warar lidi ku ah danaha qaranka.
Md. Duur waxa uu sheegay in kiiska Telefishanka ay ruqsada kala noqdeen ay dacwadiisa gaca nta ku hayso xeer ilaalinta guud dalku.


Wasiirka Daakhiligu wuxuu ku dooday in aanay xukuumadiisu taako dhul ah dib uga soo qaadin ciidamadii qaranka ee ku sugnaa jiida hore ee xuduuda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Weriyeyaal maanta lagu xidhay saldhiga dhexe Hargeysa waxaanu sheegay inay dhigeen mudaharaad aan fasax loo qaadan.Md. Maxamed Nuur Caraalle wuxuu sheegay in Weriyeyaashaasi qaarkood la qabtay iyagoo hub sita isla markaana ay baad his ku wadaan ciidamada Boolisku.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isaguna si adag u cambaareeyay tallaabada albaabada loogu xidhay Xaruntii HCTV, waxa anu arrintaasi ku tilmaamay dhacdo ugub ku ah dalka oo ay xukuumadani soo kordhisay.


Source:Somaliland.Org