Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Hakisay Wadahadaladii Ay La Lahayd Dawlada Ku Meel-gaadhka Somaaliya

 

 


Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar , waxa uu sidaas ku sheeg ay mar uu maanta la hadlay Saxaafada.
 


Hargeysa(TNN)-Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ay hakisay wada-hadaladii ay la lahayd Dawlada ku meelgaadhka Somalia, waxaanu tilmaamay in Dawlada cusub oo Soomaaliya ka dhalatay ay la xaajoon doonaan.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sidaas ku sheegay m ar uu maanta la hadlay Saxaafada.

Wasiirka Arrimaha dibada oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Wada hadaladii aanu dhawa an u furmay Somaliland iyo Soomaaliya anigu waan soo dhaweynaynaa, sida la og yahay Soom aaliya waxa ka bilaabmsay tartan dhanka siyaasada ah, markaana maamulka cusub ee la filayo ayaan halkaa wada hadalada ka wadi doonaa, markaa arrimahaas ayaanu isku ku meel gaadh ah ugu hakinay.Maamulka KMG ah ee aanu wada hadaladu furnay raali ayaanu ku ahayn,laakiin imik isbdal baa jira”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Arrinta sidaai waxa ay xidhiidh lahayd shir koox xagga Diinta ahi Magaalada Hargeysa ku qabteen, hadalada ay saaxafada caalamka siiyeen wa xa ay kaga hadleen siyaasada, waxa ay farogelin ku ahayd siyaasada wadamada deriska sida Soomaaliya, cidii doonaysa in ay ka hadlaan arrimo siyaasadeed oo dalka halkan lagama ogola.”

 



Timacade News Desk
Hargeysa , Somaliland