Xukuumadda Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ka Qayb-galayso Shirka Bisha Soo Socota lagu qabanayo Dalka Turkiga

 



Xubnaha Matali Doona Xukuumadda Somaliland shirkan ayaa noqonaya..................



Hargeysa (TNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka qayb qeyb ga layso shirka Turkigu u qabanayo Soomaalida bilowga bisha June ee fooda inagu soo hay sa, ka dib markii la sheegay in Somaliland loogu qaabilayo maamuus la mid ah kii shirkii London ee 23-kii Bishii Feberwari ka dhacay magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa mag acaabay afar Wasiir oo Somaliland uga qaybgalaya Shirka, kuwaas oo kala ah Wasiirka Arrimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta qaranka Dr Sacad Cali Shirre,Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka Warfaaf inta iyo wacyi-gelinta isla markaana ah Afhayeenka Xukuumadda Boobe Yuuusf Ducaa le,waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasiirka Warfaafinta Somaliland isla markaana ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuuma dda Somalilad, waxa uu soo saaray Warsaxaafadeedkan ku saabsan ka qayb galka waji ga hore ee Shirka Magaaladda Stanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii ay martiqaad ras mi ah ka heshay Dawladda Turkiga bishii 5/24/2012.

Xukuumadda Somaliland waxa ay go’aansatay in ay ka qayb gasho wajiga hore ee shirk  asi oo ku beegan 31-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Martiqaadkan Rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu, Somaliland ula dhaqmi doonto si ka gedisan sida loola dhaqmayo goboladda Somalia.

Dawladda Turkigu waxa kale oo ay martiqaadkeedan ku cadaysay in la Raaci doono hab maamuuska shirkii London ee qabsoomay 23-kii bishii February.

Shirka Magaalo Madaxda dalka Turkiga ee Stanbul ka qabsoomi doona bishan 31-da, wa xa lagu gorfayn doonaa isla markaana go?aamo laga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiid ha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood kuwaas oo kala ah u adka ysiga Tamarta, biyaha iyo waliba wadooyinka.

Maadama uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland socdaal ku tagayo dalka Djabouti, Ma daxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay shirkaasi in ay ka qayb galaan wasiirad a ay ka midka yihiin:-


Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wa siirka Wasaaradda Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.
Gabogadiina waxa aanu halkan ku cadaynaynaa in aanaan ka qayb geli doonin wajiga la baad ee shirka, kaas oo lagaga hadlayo waxa loo yaqaano Road Map-ka oo aan qusayn in Jamhuuriyadda Somaliland.”

 


Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland