Xukuumadda Somaliland oo qabatay shir lagu falan-qeeyay kala xadaynta Ganacsiga dalka

 



Hargeysa (TNN)- Wasiirrada Ganacsiga Md.C/risaaq Khaliif Axmed iyo Maaliyada Md. Max amed Xaashi Cilmi ayaa maanta ka qayb galay kulan lagaga hadlayay kala xadaynta Liis amada Ganacsatada kaas oo lagu qabtay xarunta wasaarada ganacsiga ee Caasimada Hargaysa.

Shirkan waxa ugu horayn ka hadlay Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Aadan Cilmi Axmed oo sheegay in xeerka kala xadaynta Ganacsiga la sameeyay 2004-tii, waxaanu ku dooday in xiligaasi ay ka hor yimaadeen ganacsatada oo khalad ka fahmay una qaatay inuu baay ac-mushtarkooda lidi ku yahay.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in si loo fuliyo dhaqan galka xeerkan oo baahi weyn loo q abo isla markaana la kala xadayn doono Ganacsiga Jumladlaha ah iyo Ganacsiga tafaarii qlaha ah, waxaanu tilmaamay inay xeerkan ka hirgelin doonaan afar gobol oo kala ah Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil iyo Awdal, waxaanu xusay in culayska la saari doono bakhaarada, kaalmaha shiidaalka, farmasiiyada, qalabka dayactirka, Xawaaladaha, iyo Isgaadhsiinta iyadoo loo kala saari doono jumlad iyo tafaariiq.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in barnaamijkan kala xadaynta Liisamada ganacsigu uu ahmiyad balaadhan ugu fadhiyo dalka iyo dadkaba, gaar ahaan ganacsatada isla markaana ay wasaarada maaliyadu ka helayso maqaam ay kula xisaabtanto ganacsatada.

Wasiirka maaliyadu wuxuu sheegay inay ka heli doonaan hirgalinta barnaamijkan cashuu ro badan oo ku dhex lumi jiray Ganacsiga aan kala xadaysnayn.

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska ee Somaliland Md.C.risaaq Kha liif Axmed, oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in xeerkani uu kala saari doono dabaqad aha kala duwan ee baayac mushtarka isla markaana uu soo celin doono iska daba cees hkii lagu yaqaanay Ganacsiga.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay dhici doonin in Ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekada Berbera ay badeecadooda u raraan gaadiidkooda gaarka ahi. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aan la aqbali Karin in Ganacsatada waaweyni ay bakhaaradooda ku tafaariiqeeyaan badeecadaha.

Wasiirku waxa uu u soo jeediyay kooxo ka socda wasaaradaha ganacsiga iyo maaliyada oo loo xil saaray inay tiro koob ka soo fuliyaan goboladaasi ee soo kala xadaynaya gana csiga sidii ay u ilaalin lahaayeen mas’uuliyada la saaray.

Xeerkan kala xadaynta Ganacsiga oo Goleyaasha sharci dejintu ay ansixiyeen 2004-tii waxa uu Ganacsatada u kala qaadayay shan qeybood oo kala ah Ganacsadaha jumladlaha ah, Ganacsadaha tafaariiqlaha ah, Ganacsadaha wax dhoofiya, Ganacsadaha wax soo dejiya iyo Ganacsadaha waxna dhoofiya waxna soo dejiya. Xeerkan waxa xiligaasi olale ka galay ganacsatada waaweyn oo wakhtigaasi Madaxweyne Rayaale ku qanciyay inaanu qalinka ku duugin dhaqan galka xeerkan.

Source:Somaliland.org