Xukuumadda
Somaliland Oo Mudaysay Taladii Qaran Ee Madax weyne Siilaanyo Ku
Baaqay In Laga Yeesho Wada hadalada Somaliya Iyo Mustaqbalka
Siyaasadeed Ee Dalka

Qoraal rasmi ah oo ay Madaxtooyadda Somaliland u kala dirtay dad ay
ku soo casuuntay shirkaasi oo ka qabsoomi doona Hargeysa
Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland ayaa u cayintay 30-31 ka bishan
Maarso qabsoomidii tal adii Qaran ee Madaxweynaha Somaliland Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku baaqay dhawa an markii uu ka soo
noqday shirkii Ingiriiska ee uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibeda
Ingiriiska William Hague.
Qoraal rasmi ah oo ay Madaxtooyadda Somaliland u kala dirtay dad ay
ku soo casuuntay shirkaasi oo ka qabsoomi doona Hargeysa ayay ku
sheegtay Xukuumadda Somaliland in uu Madaxweynaha Somaliland u
fidnayo martiqaadka in talada Qaran ee uu ku baaqay looga dodo si
qoto dheer oo danta Dadka iyo Dalku ku jirto.
Sidoo kale, waxa Qoraalka Martiqaadka ah ee ay Madaxtooyaddu u kala
dirtay Ergooyinka ka soo qayb galaya shirka Qaran ay ku sheegtay in
Doodu u badnaan doonto Halka uu Dalkani waajahayo gaar ahaana marka
laga eego dhinacyada Aqoonsiga, Amniga iyo Maal-gelinta Shisheeyaha.
Sida ku cad Nuqul ka mid ah Martiqaadka Madaxweynuhu fidiyay waxa
lagu sheegay in ay Xukuum addu u damaanad qaaday ka soo qayb
galayaasha dhamaan kharashaadka ku baxaya hawshaas haddii ay noqon
lahayd, kharashaadka, Tikidhada diyaaradaha, Hurdada iyo Cuntadaba
mudada uu shirka Qaran socdo.
Qoraalka qaybtiisa hore waxa ay Xukuumaddu ku sheegtay tan iyo intii
ay bilaabmeen wadahadala da ay beesha Caalamku u furtay Somaliya iyo
Somaliland in ay xidhiidho fiican u furmeen iyada iyo beesha
Caalamka isla markaana Somaliland ay muujisay inay tahay Dal iyo Dad
xorriyadooda ku ad ag, isla markaana doonaysa Madax banaani inay
hesho.
Go’aanka ay Somaliland ku qaadatay inay wadahadalada la furto
Somaliya ayaa qoraalka lagu she egay inay ahayd mid lagu yiqiinsaday
Arrimo Dublamaasiyadeed oo Xukuumadda kaga xidhmay So maliya
maadaama beesha Caalamku sidaad soo jeedisay, taasoo sababtay in
shirkii Ingiriiska ay S omaliland ka qayb gasho isla markaana Dubai
ay kulan ku yeeshaan labada Madaxweyne (Siilaanyo iyo Madaxweynihii
ku meel gaadhka ahaa Sh Shariif Sheekh Axmed).
Ilaa hada si rasmi ah looma oga dadka Casuumadda loo fidiyay ee ka
qayb qaadanaya Talada qara n ee ay Xukuumaddu qaban qaabinayso hase
yeeshee qaabka ay u soo dhigtay waxa ay ku shee gtay Siminar lagaga
dodo doono Mustaqbalka Siyaasadeed ee Somaliland.
Axsaabta Mucaaradka ah gaar ahaana labada Xisbi Mucaarad ee WADANI
iyo UCID ayaa ku baaay in talada Qaran ee Madaxweyne Siilaanyo ku
baaqay la soo dadajiyo, si fursad loogu helo ka hor s hirka Bisha
May dhici doona, wallow Xukuumadda Somaliland dhawr jeer ku cel
celisay inaanay wali haynin Ajande iyo Martiqaad toona
Source: waaheen
|